Kaabaha bulshada

Kaabaha bulshada Lama helo Aduunyada wax aan cidi ku hawshoon.

“Masjidku wuu ina fashiliyay.”Waxaan ku tukaday masjid salaaddii ka dib ayaa nin waayeel ah oo iga dambeeyay igu yidhi i...
09/09/2025

“Masjidku wuu ina fashiliyay.”

Waxaan ku tukaday masjid salaaddii ka dib ayaa nin waayeel ah oo iga dambeeyay igu yidhi isagoo hoos iila hadlaya:

“Fiiri safafka h**e ee masjidka oo eeg wejiyada dadka.”

Waan fiiriyay, markaas ayaan ku iri:
“Maxaad ula jeeddaa?”

Wuxuu yidhi:
“Maku aragtaa qof ka mid ah dadka taajiriinta ah, dadka mansabka sare ama dadka sumcadda leh?”

Waxaan ku iri: “Tiro aad u yar ayaa Ku jirta.”

Wuxuu yiri:
“Intooda badan waa shaqaale: ama darawal, ama farsamo yaqaan, ama shaqaale hoose.”

Waxaan ku iri: “Waa run.”

Wuxuu yiri:
“Sidaas oo kale ayay Ka yihiin Alle agtiisa. Anigana fiiri meesha aan ku jiro iyo adiga oo ku jira safka afraad ama shanaad. Sidaas oo kale ayay noqon doontaa maalinta Qiyaamaha.”

Markaas ayuu yiri:
“Masaajidku wuu ina fashiliyay, wuxuu muujiyay booska aan kaga jirno Alle agtiisa.”

Hadalkiisii aad buu iiga yaabiyay, wuxuuna i siiyay cashar culus. Waxaan xusuustay hadalka Eebbe:

(وَالسَّابِقُونَ السَّابِقُونَ ﴿١٠﴾ أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلْمُقَرَّبُونَ ﴿١١"

> “Kuwa horreeya (ee camalka wanaagsan ku hormara), waa kuwa Alle agtiisa ugu dhow.”

Sidoo kale waxaan xusuustay hadalkii Rasuulka ﷺ :

> “Haddii dadka ay ogaan lahaayeen waxa ku jira (ajarka) codka eedaanka iyo safka koowaad, waxay ku imaan lahaayeen iyagoo gurguuranaya”

Tani waa xusuusin ku saabsan kuwa dib u dhiga salaadda safafka dambe.
Hadaba maxaa laga yidhi kuwa aan salaadda tukan gabi ahaanba, ama keliya Jimcaha tukada?

Xigasho: Eng Cali alcadaala

Qisada Nebi Yuusuf (SCW) duruus iyo cibaarooyin tiro badan ayaa ku duugan, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda ...
17/07/2025

Qisada Nebi Yuusuf (SCW) duruus iyo cibaarooyin tiro badan ayaa ku duugan, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo hoggaaminta, iyo arrimaha bulshada. Waa taariikh nololeed taxan adoonnimo illaa boqortooyo oo ay ku dhex jiraan, dhacdooyin taabanaya dhinacyada nolosha dhammaantood.

Walaalihii oo ka hinaasay jacaylka badan ee aabihii u qabo, ayaa isaga oo sebi ah ku riday ceel dheer. Kuma uu dhiman ee inta laga soo badbaadiyey ayaa haddana, addoonnimo loogu kala iibsaday suuqa Masar. Waa arrin xanuun badan, wiil yar oo ku soo barbaaray xorriyad iyo hoy nebi, in uu noqdo addoon lacag aad u yar la kala siisto.

Haddii uu laandheere jiro isagaa sheegan kara, waxa uu ahaa Nebi, Nebi dhalay, nebi sii dhalay oo nebi kale sii dhalay; waa Nebi Yuusuf nebi Yacquub, nebi Isxaaq, nebi Ibraahim. (Dhammaantood Nabadi korkooda ha ahaato). Laakiin, abtirsiintu dhib k**a ay hor istaagin oo waxa uu ku dambeeyey addoon adeege ka ah qasriga boqorkii Masar ee xilligaas. Sida oo kale abtirsiintu xabsi k**a ay ilaalin, k**ana ay cafiyin ee sannado badan ayuu maxbuus aan cidi danaynayn uu ahaa.

Waxa keliya ee noqon kara sababta uu xabsigaas kaga soo baxay, waa aqoontiisii, gaar ahaan aragtidii dhaqaale ee uu ku taliyey in dalka iyo dadka lagaga badbaadiyo dhibaatada ka dhalanaysay aafadii dabiiciga ahayd ee ku soo fool lahayd.

Gurigii addoonka uu ku ahaa haddana kuma uu badbaadin ee waxaa soo martay qiso ciqaab ku ahayd dhaqanka iyo anshaxwanaaggii lagu yaqaannay. Waxaa damaaciday marwadii koowaad ee Masar oo uu qasrigeeda ka shaqaynayey, markii uu diidayna waxa ay u dhigtay mu’aamarad ah in uu ku tacaddiyey oo kufsi uu la magaanaa. Sidaas ayuu Yuusuf kiis kufsi oo aanu gelin, muddo dheer xabsi ugu jiray. Laakiin fursaddaas ma dayacin oo saaxiibbo wanaagsan ayuu ku dhex hanuuniyey xabsiga, waxna baray.

Waxaas oo imtixaan ah, dulqaad iyo adkaysi ayaa uu kaga soo gudbay, waxaanu ka korodhsaday magac iyo mansab uu noqday boqor ay dadkiisu ku badhaadheen.
Duruus aan la soo koobi karin oo qisadan ku jira waxaan si gaar ah uga xusayaa:
- Xaasidku si kasta oo uu yeelo, kaama hor istaagi karo yoolkaaga.
- Weligaa naxariis iyo cafis ku qaabil cid kasta oo dulmi kuugula kacda.
- Madaxnimadu waxa ay qurux yeelataa marka hoggaamiyuhu uu leeyahay awood iyo hal-adayg fulineed, iyo haddana dulqaad iyo dhaqan wanaagsan oo uu ku qaabilo cidda xumaysa.

Kamaal Marjaan

Address

Doha

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaabaha bulshada posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kaabaha bulshada:

Share