06/08/2026
Waxaan aad oogu Faraxsanahay in lasoo bandhigay uuna soo baxay "Halgan iyo Hoggaan" oo ah Buug ka hadlayo Taariikh nolaleedkii Adeerkay Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ahaa:
1. Gudoomiye kuxigeenkii maxk**addi sare xiligii bari samaadka marna ku sime ahaa.
2. Garsoore kasoo shaqeeyey garsoorka dalka darajooyinkiisa kala duwan magaalooyinka Hargayso, Xamar, Jowhar.
3. Madaxii Xafiiska Raabidada caalamka islaamka ee Muqdisho xiligii dowladdi kacaanka.
4. wuxuu Soomaliya ku matalay Majmaca fiqiga islaamka ee raacsan raabidada caalamka islaamka.
5. Hogaamiyihii wilaayadii islaamiga aheyd ee Gobolka Gedo ka hana qaaday Burburki dowladdi dhexe kadib.
Waxaa Buugga qoray iskuna Dubba Riday kuna mahadsan Walaalkay Abdirahman Sheekh Maxamed oo ah adeer wiilkiisa, isagoo kasoo xigtay Cajalado aan sheekha ka duubnay intuu noolaa.
Cajalki oogu horeeyey waxaan adeer ka duubay Taariikhdu markay aheyd 2011/11/11 ilaa sadex cajal markaan duubnay ayuu naga istaaagay.
Kadib waxaan dib u bilownay sanadki 2013 Bishii Janaayo 27deedii markaas oo uu nagusoo biiray Dr. Omar Warsame oo Taariikhda adeer sifiican u yaqaanay, Sheekhana kasoo saaray wuxuu macluumaad xasuusan karay dhacdooyinkii uu usoo joogay intuu noolaa.
Waxaa Xusid mudan in aan Taleefan Nokia Tooshle ah aan ku duubay Cajaladaha dhamaan, xiligaasi Camero iyo Qalab cod dadka dhan Mawada heysan, SmartPhone maba jirin.
Waxyaabaha aan adeer ku xasuusto waxaa oogu cajiibsanaa;
1. adkaarta af k**a qaadi jirin hadaad israacdaan
2. quraanka kor ayuu ka akhrin jiray waligay ma arag isagoo musxaf ka akhrinayo.
3. hadalkiisa aad ayuu u yaraa
4. Waanadiisa waa koobneyd oo wax walba ma dul istaagi jirin taas ayaana keentay in taribiyadiisa aad ii saameyso oo warkiisa amar ahaan aan u qaato hadduu wax ii sheego intaan yaraa.
Waxaad runti u mahadcelinayaa markale walaalkay cabdiraxman oo cajalidihi qoraal u badalay taasoo aheyd yoolka aan ka lahayn markaan duubaynay.
Buugga meelaha laga heli karo dib ayaan idinkagasoo sheegi doonaa.
Mahadsanidiin