The Saylac daily

The Saylac daily Horn of Africa politics :News Analysis and commentaries. Djibouti | Somaliland | Somalia| Ethoipia

Jamhuuriyada Djibouti oo kaalinta koowaad ka gashay Tartanka Orodka ee barasafiil ,Congo lagu qabtey. Orodyahan Reer Dji...
15/08/2026

Jamhuuriyada Djibouti oo kaalinta
koowaad ka gashay Tartanka Orodka ee barasafiil ,Congo lagu qabtey.
Orodyahan Reer Djibouti ee A/rahman Sougeh aden ayaa kaalinta koowaad galay ,waxana uu ku guuleystay bilada Dahabka ah ee orodka Semi-morathanka ee Brazavile.

Waa gurigii DC-ga(District Commisioner) Degmada Saylac xiliyii Britishka,hadana waa isla Xarunta Gobolka. Gurigan waxa d...
15/08/2026

Waa gurigii DC-ga(District Commisioner) Degmada Saylac xiliyii Britishka,hadana waa isla Xarunta Gobolka. Gurigan waxa dhisey kuna shaqaynayay maamulkii ingiriiska, waxana loo yaqaan guriga General Gordon.

14/08/2026

Cigaal Shiidaad in action.

12-ka Galin(Zones) ee Beelweynta Ciise. Magacdan waa kuwo la sameeyey qarniyo ka hor.
14/08/2026

12-ka Galin(Zones) ee Beelweynta Ciise. Magacdan waa kuwo la sameeyey qarniyo ka hor.

Ma ogtahay sida loo qaadey tirokoobka(Census) Degmada Borama?Waxa la tiriyey guryaha ku yaala Degmada , oo laga dhigey 7...
13/08/2026

Ma ogtahay sida loo qaadey tirokoobka(Census) Degmada Borama?
Waxa la tiriyey guryaha ku yaala Degmada , oo laga dhigey 78,000 Guri ,waxa lagasoo qaadey in guri kasta ay ku noolaan karaan 8 Ruux( Average household). Then,78,000×8=624,000 qof. Waxana la yidhaahdaa "Housing Unit Method". Waana qiyaas keliya, maaha wax lagu guuri karo ama accurate ah.
Census-ka saxda ah waxa sameynkara dawlad,dhaqaale badan ayuuna ubaahanyahay ,waana midka loo yaqaan Housing and Population Census.

Balqiis Insights waxay soo bandhigaysaa khariidad muujinaysa 56 saldhig oo ay ciidamada AUSSOM hadda ka joogaan Soomaali...
10/08/2026

Balqiis Insights waxay soo bandhigaysaa khariidad muujinaysa 56 saldhig oo ay ciidamada AUSSOM hadda ka joogaan Soomaaliya:

• 🇺🇬 Waaxda 1-aad – Uganda: 22 saldhig
• 🇰🇪 Waaxda 2-aad – Kenya: 8 saldhig
• 🇪🇹 Waaxda 3-aad – Itoobiya: 15 saldhig
• 🇩🇯 Waaxda 4-aad – Jabuuti: 6 saldhig
• 🇧🇮 Waaxda 5-aad – Burundi: 5 saldhig

Howlgalka AUSSOM waxaa hadda Soomaaliya ka jooga 11,826 askari. UNSOS ayaa bixisa saadka, gaadiidka, isgaarsiinta, daadgureynta caafimaadka iyo taageerada hawlgalka ee saldhigyadan sii shaqaysiisa.

Go’aanka Maraykanka ee ah inuusan taageeri doonin sii wadista UNSOS wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026 wuxuu keenayaa su’aalo adag oo ku saabsan maalgelinta iyo sii jiritaanka hawlgalka AUSSOM.

Sida aan ku sheegnay daraasaddeenna 'No Time to Drift,' Soomaaliya iyo saaxiibadeedu waxay u baahan yihiin kala-guur amni oo qorshaysan, haysta maalgelin dhamaystiran, kana fog firaaq amni.

 : Safaarada Mareykanka ee Djibouti oo digniin udirtey Shacabka degan Shabeeley, in ay halkaas kusoo dhici karto Diyaara...
09/08/2026

: Safaarada Mareykanka ee Djibouti oo digniin udirtey Shacabka degan Shabeeley, in ay halkaas kusoo dhici karto Diyaarad ay soo wajahday khatar/cidlad, Ilaa hadana uu raadaarku raadinayo.

 (The Saylac daily); Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka bada Djibouti ayaa ku dhaawacmay israsaasayn dhexmartay Markab Da...
08/08/2026

(The Saylac daily); Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka bada Djibouti ayaa ku dhaawacmay israsaasayn dhexmartay Markab Dagaal oo ciidanka bada Djibouti leeyihiin iyo Doon Hubeysan oo laga leeyahay Dalka yemen.

Ciidanka Bada Jamhuuriyada Djibouti oo kormeerkooda maalinlaha ah ka samaynaya biyaha Djibouti iyo Beb Almendab ayaa la kulmey Doon nooca dheereeya ah oo ay saaranyihiin dhawr qof oo hubeysan kuwaas oo lagu tuhunsanyahay in ay tahay kuwa ka shaqeeya ganacsiga sharcidarada ah.(smuggling) , Dablayda doonta saarnaa ayaa diidey amarka la siiyey,waxana ay xabado ku fureen ciidanka,taas oo keentay dhaawaca laba Askari.

Ciidamada bada Djibouti ayaa kordhiyey kormeerka Marinka beb almendab iyo bada cas. Waxana la galiyey heegan aad usareeya.

Source:
Agence Djiboutienne d'Information - ADI

08/08/2026

: Chief Caaqil Cusmaan Cali Duule oo ka ka hadlay dhacdo dhawaan ka dhacdey Deegaanka Ashacado.

06/08/2026

Sow nabadi ,sahaydaada oo sidato uun maaha.
Sow godobi surinkaad martaba ,sabab qarsoon maaha.

Address

Ad Dirah
Ad Dirah

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when The Saylac daily posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category