Jilbis Brave Net

Jilbis Brave Net Hoorarsami socod + wajiyogabax Tuxan Cooking & Food!

maskiinkii boodboode baa maqaayadan la wareegay
27/02/2026

maskiinkii boodboode baa maqaayadan la wareegay

DEG-DEG: Soomaaliya ayaa mar kale ku guulleysatay kursi muhiim u ah go’aannada masiiriga ee Caalamiga.Kulan ka qabsoomay...
11/02/2026

DEG-DEG: Soomaaliya ayaa mar kale ku guulleysatay kursi muhiim u ah go’aannada masiiriga ee Caalamiga.

Kulan ka qabsoomay magaalada Adis Ababa, Dalka Soomaaliya ayaa loo doortay xubinimada Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika muddada 2026–2028.

Xogo dheeri ah :- Saxaafadda Masar ayaa qortay in diyaaradaha dagaalka ee Masar, oo ay ka mid yihiin Mi-24, Mi-17 iyo AT...
11/02/2026

Xogo dheeri ah :- Saxaafadda Masar ayaa qortay in diyaaradaha dagaalka ee Masar, oo ay ka mid yihiin Mi-24, Mi-17 iyo AT-802, goor dhow la keeni doono saldhigga ciidamada Masar ee ku sugan Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan ciidamada nabad-ilaalinta ee howlgalka AUSSOM.

Diyaaradahan ayaa la sheegay in ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan taageerada hawlgallada amni, xoojinta sugidda nabadgelyada, iyo garab istaagga ciidamada ka howlgala Soomaaliya, si loo adkeeyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

  Afhayeen u hadlay Eric Trump, oo ah wiilka Madaxweynaha Mareykanka, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdir...
27/01/2026

Afhayeen u hadlay Eric Trump, oo ah wiilka Madaxweynaha Mareykanka, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), uu ka qaybgalay casho-sharaf isla markaana uu sawir la galay Eric Trump. Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku wuxuu beeniyay in labada nin ay yeesheen kulan gaar ah, isagoo xusay in qolka ay ku sugnaayeen in ka badan 100 qof.

“Marna Eric Trump kulan lama yeelan Madaxweynaha Somaliland, sidoo kalena marna k**a wada hadlin arrin la xiriirta deked,” ayay tiri Kimberly Benza bayaan ay soo saartay.

Benza waxay intaa ku dartay in Eric Trump uusan wax falcelin ah ka bixin, isla markaana uusan ka hadlin khudbaddii Madaxweynaha Somaliland. Markii wax laga weydiiyay wada-hadallo dhinac ah, waxay tiri: “Salaan iyo is-xushmad uun baa la is dhaafsaday, halkaas ayay ku ekaayeen.”

DEG DEG: Faahfaahinta dagaal Culus oo ka socda Gobolka Awdal.Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaaya dagaal Culus oo tan i...
25/01/2026

DEG DEG: Faahfaahinta dagaal Culus oo ka socda Gobolka Awdal.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaaya dagaal Culus oo tan iyo Aroortii Saakay ka socda deegaanka Biya-dhaadheer oo hostaga degmada Garba-dadar ee Gobolka Awdal.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu yahay mid xoogan oo dhaliyay khasaare lixaad leh, inta la xaqiijiyay ilaa hadda dhimashadu 3 qof ayay maraysaa halka dhaawacyo badan ay jiraan sidoo kale.

Dagaalku wuxuu u dhaxeeyaa Maleeshiyaad deegaanka ah oo Somaliland wada dega gaar ahaan Gobolka Awdal.

Dagaalo h**e ayaana Maleeshiyaadkaan horay u dhexmaray kuwaas oo dhaliyay Khasaare baaxad leh.

Wixii ka soo kordha halkaan kala soco.

Waxaa la gaaray xiligii cid walba dhulkiisa u tashan lahaa qabiil Qabiil kale u dowladeen karo ma jiro !!!Guban State Of...
23/01/2026

Waxaa la gaaray xiligii cid walba dhulkiisa u tashan lahaa qabiil Qabiil kale u dowladeen karo ma jiro !!!

Guban State Of Somalia waa maamul si Toos u hoos taga Dowlada Federalka Somalia wuxuuna heli doona xaquuqda ee helaan maamulada la midka ah sida Waqooyi Galbeed & waqooyi Bari.

2026 ayaa la maraya cid walba dhulkiisa masuul haka noqdo waxa kaliya la iskugu imaan doona ayaa ah Xaquuqda Dowlada federalka 🇸🇴💯

   waxay heshay 4 diyaaradood oo nooca Bayraktar Akıncı ah. Kuwaas oo socon kara ilaa 7500 KM. Waa nidaam fog oo aan duu...
20/01/2026

waxay heshay 4 diyaaradood oo nooca Bayraktar Akıncı ah. Kuwaas oo socon kara ilaa 7500 KM. Waa nidaam fog oo aan duuliye lahayn . Diyaaraddan ayaa xoojin doonta awoodda difaaca hawada ee Soomaaliya.

Waxaa loo isticmaali doonaa in lagu kormeero hawada qaranka & CIIDANKA.

Ma jiro waddan kale oo ku xadgudbi kara hawada Soomaaliya iyada oo aan wax cawaaqib ah lahayn.

  Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaala...
19/01/2026

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee dalka Qatar, ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka Bandhigga iyo Shirweynaha Caalamiga ah ee Difaaca Badda ee Dooxa 2026, kaas oo si rasmi ah u daah-furay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani.

Inta uu ku sugan yahay dalka Qatar, Wasiir Fiqi ayaa saxiixi doona heshiis iskaashi difaac oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar.

Bandhigga Dooxa 2026, oo ka mid ah munaasabadaha caalamiga ah ee ugu waaweyn ee difaaca badda, ayaa lagu soo bandhigayaa teknoolojiyado casri ah iyo qalab milatari, waxaana ka qaybgalka Wasiirka Gaashaandhigga uu muujinayaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso awoodda ciidamada iyo ballaarinta iskaashiga difaac iyo amni ee caalamka.

Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidamada Badda iyo Ilaalada Xeebaha, S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska CXD iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

19/01/2026

Tani waa Fariin Cad !! Reer Awdal State ku socota 💯
Sidii dhulbahante & warsangali dad maamul dhista noqda ama bahdillkaan Hoos jooga 2026

Mashruuca Somaliland Hal reer kaliya ku baraaray Halka Reer Awdal 34sano kadib in magaladoodi sidaan u taalo waa Nasiib ...
17/01/2026

Mashruuca Somaliland Hal reer kaliya ku baraaray Halka Reer Awdal 34sano kadib in magaladoodi sidaan u taalo waa Nasiib darro Weyn !!

Gobolada Waqooyi Gaar ahaan Gobolk Sool waa Magaladii Dib-usoo-Celinta Midnimada Somalia🇸🇴Sidee u Aragtaa Qaran-diidkii ...
17/01/2026

Gobolada Waqooyi Gaar ahaan Gobolk Sool waa Magaladii Dib-usoo-Celinta Midnimada Somalia🇸🇴

Sidee u Aragtaa Qaran-diidkii Magalada laga saaray in Taalo lagu xasuusto La taagoGooja-Cade, si qof walba ee ku fikira in uu dalkaan kala jaro xasuus ugu noqoto ?

Aragtidaada

Address

Jeddah
Jeddah
001290

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jilbis Brave Net posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share