14/09/2026
𝗧𝗔𝗕𝗔𝗕𝗔𝗥 𝗞𝗢𝗥 𝗹𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗤𝗮𝗮𝗱𝗮𝘆𝗼 𝗫𝗶𝗿𝗳𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗹𝗶𝗺𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 .
Iyadoo laga duulayo barnaamijyada horumarinta xirfadaha bahda waxbarashada, waxaa 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗹𝗶𝗺𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗔𝗹-𝗖𝗶𝗺𝗿𝗮 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹𝘀 loo qabtay tababar gaar ah oo diiradda lagu saaray kobcinta aqoonta iyo xirfadaha waxbaridda iyo maamulka fasalka.
Tababarka ayaa si gaar ah looga hadlay qodobbada muhiimka u ah tayeynta waxbarashada, oo ay ka mid yihiin:
🔹 Maamulka iyo maaraynta fasalka (Classroom Management)
🔹 Diyaarinta casharka iyo qorsheynta waxbaridda (Lesson Planning)
🔹 Hababka casriga ah ee wax-gudbinta Macallinka
🔹 Kobcinta xirfadaha Macallinka iyo is-dhexgalka ardayda
🔹 Abuuridda jawi waxbarasho oo wanaagsan, nidaamsan oo wax-ku-ool ah
🔹 Doorka maamulka dugsiga ee tayeynta adeegga waxbarashada
Tababarkan waxaa iska kaashaday 𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗣𝗹𝗮𝘁𝗳𝗼𝗿𝗺 𝗶𝘆𝗼 𝗨𝗿𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗹𝗶𝗺𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 (𝗦𝗢𝗡𝗨𝗧), iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo awoodda Macallimiinta iyo Maamulka Dugsiyada, lana horumariyo tayada waxbarashada.
Tababarka waxaa bixiyey 𝗗𝗿. 𝗦𝗵𝗮𝗮𝗳𝗶𝗰𝗶 𝗖/𝗖𝗮𝘀𝗶𝗶𝘀 𝗫𝗮𝗮𝗷𝗶 𝗗𝗵𝗮𝗳𝗲, oo ah Khabiir ku takhasusay Maamulka Barbaarinta iyo Istiraatiijiyadda Waxbarashada, kaas oo ka qaybgalayaasha la wadaagay aqoon, waayo-aragnimo iyo habab wax-ku-ool ah oo lagu horumarin karo waxbaridda iyo maamulka fasalka.
Maamulka iskuulka Al-imra waxay aaminsan yihiin in horumarinta waxbarashadu ay ka bilaabato Macallin xirfad leh, maamul tayo leh iyo jawi waxbarasho oo wanaagsan.