Sky Somali Tv

Sky Somali Tv SKY SOMALI TV IS AN INDEPENDENT TV OPERATING IN SOMALILAND AND AROUND THE WORLD.

11/01/2026

"Shalay Waxaad arkayseen gabdhii uu dhalay Xasan sheekh oo afka soo duubtay inay Baarlamaanka soo dhex Fadhiistay oo Iska dhigtay Xildhibaan Sacdiyo, heerkaas buu dalku marayaa....." Wasiirka Warfaafinta Puntland

11/01/2026

"Geed-hoostii ayaan ku shirnay dowladnimada annagaa samaysanay, Soomaalida kale shisheeye ayaa dowladnimada U sameeyey" Madaxweyne Cirro

11/01/2026

"Maanta waxaynu nahay dal la aqoonsan yahay waxaana soo kordhaya..."Madaxweyne Cirro

11/01/2026

Guddoomiye Cabdicasiis Samaale oo dhambaal tacsi ah ka diray aaska Marxuum Maxamuud Biixi Yoonis

11/01/2026

Guddoomiye Xirsi oo Tacsi u Diray Ilma Biixi Yoonis Oo Walalkood lagu aasay Hargeysa maanta

11/01/2026

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo ka Qaybgalay Aaska Marxuum Maxamuud Biixi Yoonis, dhambaal tacsi ahna diray

11/01/2026

"Waxa halkan uga tacsidaynaa ilma Biixi Yoonis geerida ku timid walalkood" Madaxweyne h**e Muuse Biixi

10/01/2026

“ Fiqi waa nin guri xun ku soo koray “ Saleebaan Cali koore

Wasiirka Arimaha Dibada Shiinaha oo laga sugayey maanta Muqdisho ayaa ka degey dalka Tanzania halkaas oo ay uga bilaamat...
09/01/2026

Wasiirka Arimaha Dibada Shiinaha oo laga sugayey maanta Muqdisho ayaa ka degey dalka Tanzania halkaas oo ay uga bilaamatay booqasho laba maalin ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey baajiyey safarkiisii Soomaaliya kaas oo si weyn loogu sii diyaar garoobay iyadoo la xidhay wadooyinka Muqdisho

Inkasta oo aan si rasmi ah loo sheegin sababta Shiinuhu u baajiyey safarka weftigiisa hadana waxa loo badinayaa inay jirto welwel laga muujiyey dhinaca amaanka.

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sh. Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo Qoraal Kooban ku baahiyey bartiisa X a...
09/01/2026

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sh. Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo Qoraal Kooban ku baahiyey bartiisa X ayaa yidhi :-

"Wararka ku tiri kuteenta ah ee ay faafinayso Dowladda Muqdisho, iyadoo adeegsanaysa qaar ka mid ah warbaahinta Carabta, ee ku saabsan in dadka reer Falastiin loo rarayo Jamhuuriyadda Somaliland ee la ictiraafay, waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Kaliya waa isku day kicin, iyada oo la adeegsanayo ka ganacsiga dareenka shucuubta Muslimiinta ah ee aanu kamidka nahay."

09/01/2026

"Beelaha walaalaha ah ee Awdal iyo Salal wada degan waxaan ugu baaqayaa nabad .." Madaxweyne ku-xigeenka JSL

"Shacab iyo Xukumad ahaan waa in aan ka wada shaqayno amniga magaalada Boorama oo aan iska kaashano sidii meel aan uga s...
09/01/2026

"Shacab iyo Xukumad ahaan waa in aan ka wada shaqayno amniga magaalada Boorama oo aan iska kaashano sidii meel aan uga soo wada jeesan lahaa cidii caqabad ku noqota.

Dalkeenu muddo badan kaddib waxa uu helay Aqoonsi Caalami ah oo imika hawshu sidii h**e way ka culus tahay, kuna bushaareysta waxa soo socda arrimo badan oo aad ku farxi doontaan.

Talada Somaliland iyo go'aankeedu waa mid iyaga u yaalla, wixii danaha Somaliland aynu ka dhex aragno waan soo dhawaynaynaa, mana jirto cid aan fasax uga qaadanayno samiirkayaga.

Waxa aan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ee Gadabuursi iyo Ciise oo aan leeyahay Nabad baa naas la nuugo leh, colaadna waxba ma soo kordhisee ee nabada ha laga wada shaqeeyo Ugaas, Salaadiin iyo Cuqaalba.."
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi

Address

77
Khobar

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sky Somali Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sky Somali Tv:

Share

Category