
07/08/2025
Madaxweyne firdhiye markale waa guusha shacabkaas .
Madaxweyne firdhiye waa shaqsiga keliya ee shacabka Ssc khaatumo si cadaalad ah ugu shaqeeyey maantaba halkaas soo gaarsiiyey.
Dhowr sababood ayaan kula wadaagi uu markale ku hogaamin karo shacabkaas waqooyi bari hada ku midoobey.
1- Madaxweyne Firdhiye waxaa uu meel iska saaray kana hortegey in shacabkaas meel aan ahayn dawlada federaalka oo maamul kasta ku xiran yahay xooga saaro inuu xaqooda uga raadiyo.
2- waxaa uu ka guulaystey in badan oo rabey inay khalkhal geliyaan arimaha masiirka shacabkaas oo lacago lagu soo siiyey inay kala furfuraan.
3- Firdhiye ma aha dadka lacagaha ku bixiya in la buunbuuniyo ee waa shaqsi bulshadaas waxay u dhimatay ku hogaaminaya.
4- Firdhiye waxaa uu ka shaqeeyey mudadii 2 sano ahayd ee ku meelgaadhka ahayn arimo ay ka mid yihiin ,amaanka, waxbarashada, caafimaadka,iyo horumarinta kaabayaasha dawlada ku shaqayso .
5- waxaa uu mudo kooban xaqiijiyey in bulshada caalamka maamulkisaa aad looga sheekeeyo isku tashiga ay wax kasta ku qabsadeen .
6- waxaa uu ku guulaystey inuu keeno Ssc khaatumo mudo 30 sano kadib madaxa la aad ee dalka Somalia Raysalwasaare Hamse abdi bare oo halkaas Maamulka khaatumo lagu aqoonsaday.
7 - waxaa uu qayb weyn ka ahaa inuu gogol u fidiyo walaalaha reer maakhir ee hada la midoobey khaatumo.
8- waa shaqsi aan aqoon musuqmaasuq balse keliya xooga saaray sidii ay bulshadiisa horumar u gaari lahaayeen.
9-waxaa uu kalsooni ka haystaa dhamaan shacabka Ssc khaatumo oo waxay ku aamineen natiijadiisa maanta ay hayaan.
10- waa shaqsi aragti fog leh oo marxalado adag la soo maray dhismihii Maamulka khaatumo .
11- si kasta waa laysugu dayey in kharash la siiyo si uu maamulada dhinacyada mid ahaan ugu xagliyo balse waa ka diidey waxaana uu fuliyey dhaartii iyo balantii uu ka qaaday jamaahiirta Ssc khaatumo.
Waryaa tanoo kale arkay
Abdisamad Shibiin