Fiidmeer TV

Fiidmeer TV 𝐅𝐢𝐢𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐓𝐕 wuxuu idiin soo bandhigayaa madadaalo, maad, murti iyo maq

Guddoomiye maxamuud macalin oo u mahadceliyay safaarada Dowlada imaaraad-ka Carabta ee Soomaaliya.Guddoomiyaha Hay’adda ...
16/05/2023

Guddoomiye maxamuud macalin oo u mahadceliyay safaarada Dowlada imaaraad-ka Carabta ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka Mudane maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kaga mahadceliyay safaarada imaaraad-ka carabta oo gacan ka geysatay gaarsiinta raashin loo daabulaayo dadka ay saameeyeen fataahada Beledweyne.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa noqonaysa dawladdii ugu horeysay ee Kaalin mug leh ka qaadata gaarsiinta gargaarka deg deg ah dadka ay saamaysay fataahadaha wabiga shabelle ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda SoDMA ayaa gaargaarkii ugu badnaa u daabuleyso magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Fatahaadaha Beledweyne ayaa sababay barakaca dad ka badan 2,45000.

19/06/2021

Waxaa xalay si Heersare ah Muqdisho uga Qabsoontay Xaflad lagu soo bandhigay Buugga Hiil Iyo Hagarbax oo ay Qortay Qoraa Nimco Xuseen Cusmaan.

29/03/2021

Qorrax Dhac, Wobiga Shabeelle, Buulaburte, Hiiraan, Somalia❤

03/06/2020

kusoo biir Fiidmeer TV

22/05/2020

Si an carruurteena feker wanaagsan iyo yididiilo nabadeed ugu barbaarino waalidiinta waxan ka codsaneynaa iney joojiyaan ku ciidsiinta Carruurta Hubka iyo waxyaabaha Qarxa.
Fadlan la wadaag Bulshada farriintan🙏
kusoo biir Chanelkeena👇
https://youtu.be/_2BcDf69gjk

Waa Sawirro qurxoon oo an kasoo qaadnay Deegaanka Abaaydhaxan ee koofurta magaalada Muqdisho
14/05/2020

Waa Sawirro qurxoon oo an kasoo qaadnay Deegaanka Abaaydhaxan ee koofurta magaalada Muqdisho

Waa Sawiro Aan ka Qaadnay Xeebta Liido iyo Qorrax Soo Baxa.
12/05/2020

Waa Sawiro Aan ka Qaadnay Xeebta Liido iyo Qorrax Soo Baxa.

Dhalinta caasimadda ayaa isugu yimid galabta Kulankii Saddaxaad oo Qur'an akhris ah kaa oo ay ku aqriyeen 30-ka Jus ee q...
17/01/2020

Dhalinta caasimadda ayaa isugu yimid galabta Kulankii Saddaxaad oo Qur'an akhris ah kaa oo ay ku aqriyeen 30-ka Jus ee quraanka kariimka ah, waxaana quraankaa loo aqriyay guud ahaan dalka iyo dadka xanuunsanba.

Share gareey.

Xarunta dhexe Fiidmeer TV  ee Muqdisho, Nagu soo booqo Xafiiska oo Taleex ku yaala.
02/11/2019

Xarunta dhexe Fiidmeer TV ee Muqdisho,

Nagu soo booqo Xafiiska oo Taleex ku yaala.

26/09/2019

XOG: Faah-faahin ku saabsan qarixii Gobalka Banaadir oo la so bandhigay!!

DHIIRIGELINTA MAANTA Qofkastaahi wuxuu sameeyaa qalad noloshiisa,laakiin taasi micnaheedu maahan inaad ku qasban tahay i...
17/09/2019

DHIIRIGELINTA MAANTA

Qofkastaahi wuxuu sameeyaa qalad noloshiisa,laakiin taasi micnaheedu maahan inaad ku qasban tahay in qaladkaas noloshaada inta ka dhiman saamayn kugu yeesho. Mararka qaar dadka wanaagsan waxay doortaan dooqaq aanan fiicnayn. Taasina micnaheedu maahan inay dadkaasi xun yihiin, waxay la micna tahay inay bani'aadam yihiin.

Hambalyo Mowlid Cali Duqoow  oo ka mid ahaa 530+ Arday oo maanta ka qalinjabisay Jamacadda SIU ee Magalada Muqdisho.Mowl...
26/08/2019

Hambalyo Mowlid Cali Duqoow oo ka mid ahaa 530+ Arday oo maanta ka qalinjabisay Jamacadda SIU ee Magalada Muqdisho.

Mowliid waxa u ka mid yahay Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxana uu dadaal badan ka Aflaxay Kulyadii uu doortay o ku qaadatay muddo 4 sano.

Mowliid Hambalyo adiga iyo Ardayda kale. Si gaar ah Dhiira gelin ayuu naga mudanyahay.

.

Sideed waxyaabood oo aysan marnaba haboonayn inaad la wadaagto dadka kale.Halkan waxaan idiinkugu soo gudbinayna sideed ...
25/08/2019

Sideed waxyaabood oo aysan marnaba haboonayn inaad la wadaagto dadka kale.

Halkan waxaan idiinkugu soo gudbinayna sideed waxyaabood oo aysan haboonayn inaad marnaba la wadaagin dadka kale.

Qaybta koowaad

1. Sirahaaga ama waxa kuu qarsoon iyo waxyaabaha u qarsoon dadka kale ama asxaabtaada.

Ugu horayn, marnaba inaad dadka xamato kaama dhigayso qof wanaagsan. Xamashada dadka kale waxay muujinaysaa kalsooni daro nafsadaada ah, waxaadna isku dayaysaa inaad noloshaada ku qurxiso hoos u dhigida wanaaga ama qiimaha qofka kale. Sidaa daraadeed haddii ay jiraan inaad hayso xogta asxaabtaada ama dadkalaba looma baahna inaad faafiso waxaana haboon inay gaar kuu ahaato.

2. Hantidaada kuu gaarka ah

Dadka qaar ayaa aad u dharara inay ku faanaan marka ay iibsadaan sheey cusub, sida gaari cusub, guri cusub, dhar cusub ama waxyaabo kale ee la iibsan karo, haddaba, taasi waxay ka dhigan tahay ama cadayn muuqata u tahay inay aad u hoosayso kalsoonida aad nafsadaada ku qabto, aadna rabtid inaad ku qariso daciiftinimadaada. Isku day inaadan ku faanin hantidaada kuu gaarka ah.

3. Mushaaraadkaaga

Daqligaada mushaareed waxaa aad u wanaagsan inuusan noqon wax dadka kale ay ogyihiin ama yaqaanaan. Inaad ka sheekayso mushaaraadkaaga adigoon ogayn xaalka qofka aad ugu sheekaynayso waa wax aad u xun. Qofka nuucaasi ahna waa qof aad ay ugu muhiimsan tahay lacagta isaga oo aan eegayn qaybaha kale ee nolosha.

4. Yoolkaada(hadafkaaga)mustaqbalka

Inaad ku qanacda noloshaada iyo guulahaagaba waa wax aad u wanaagsan. Saynisyahano ayaa cadeeyay in haddii ay gaar kuu ahaato guulahaaga iyo qorshahaagaba inay u badan tahay inaad gaarto yoolkaada. Cilmi baarisyo qaar ayaa muujinaya faafinta hadafkaada ay yarayn karto suuragalnimada inaad gaarto.

Insha allaah afarta kale waxaan idiinla wadaagi doonnaa maalmaha soo socda. Dhanka kale dhiirigelintaadu waxay muhiim u tahay inaan qoraalo badan oo xiisa badan idiin soo gudbino annagoo ah bahda Fiidmeer TV haddaba waa inoo muhiim faafinta qoraalkan(share) iyo faaladiinaba(comments).

W/T: Cabdiraxiin Maxamed Nuur(Ifiye).

Address

London
London
TS19

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fiidmeer TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Fiidmeer TV:

Share

Category