25/07/2024
Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo aan dhag la qabto lahayni wuxuu shallay ka dagay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.
Wuxuuna la saxeexday madaxweynaha dalka France Emmanuel Macron heshiis dib loogu cusboonaysiiyay oo dhigaya in Faransiisku uu ilaaliyo, isla markaana difaaco dalka Jibouti haddii la soo weeraro, 20 ka sannadood ee soo socda, waa maxmiyaddii France oo dib loo cusboonaysiiyay.
Arrinta cajiibka ah ayaa waxay tahay, Jibouti waxay ka qaadi jirtay sannadkii kirada saldhiga ciidanka France ee dalka Jibouti lacag dhan 30 malyuun oo Dollar, heshiiskan cusub, Jibouti waxay ogolaatay inay dhinto kharashkaasi, kuna badalato in ciidamada Faransiisku difaacan Jibouti haddii la soo weeraro.
Haddaba waxaa isweydiin mudan Maxaa Taliska Geelle xilligan u sanqadhay ee uu ka baqday
Sannadkii ugu danbeeyay, dalka Jibouti waxaa si laxaadleh isku dhimay dakhligii ka soo galaayay dekedda Jibouti, iyadoo saamayn ay ku yeelatay carqaladaha xuutiyiinta ee biyaha badda cas, dalka Ethiopia oo 94% kala soo daga dekedda Jibouti agabkooda, ayaa durtaba 20% u wareejiyay dhinaca dalalka Kenya iyo Somaliland.
Waxaa intaas dheer daynta dalka Shiinahu ku leeyahay Jibouti oo ku dhaw 2 bilyan oo dollar, ayaa ay Jibouti iska bixin kari wayday, sannadkan iyo sannadkii h**e waxaa laga rabay lacag 230 malyuun oo dollar ah oo daynta ah inay dib u celiyaan, laakiin nasiib darro, way bixin kari waayeen, shiinahuna wuxuu dalbaday in la xaraasho hantida Jibouti leedahay si uu dayntiisii dib ugu helo.
Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu u arka khatar isbahaysiga seddex geesoodka ah ee Somaliland-Emirateka-Ethiopia, khatartaasi oo gaadhsiisan mid meesha ka saaraysa jiritaanka dalka Jibouti oo dhan
Booqashadan kadiska ah ee uu Faransiiska ku tagay Geelle Batalka Jibouti, ayaa layaab ah, iyadoo dalal badan oo Fransiisku saldhigyo military ku lahaa qaaradda Afrika , oo ahaa kuwii Faransiisku gumaysan jiray ah sida Mali, Niger, Senegal, iyo Ivory Coast laga saarayo ciidamadoodii, ayey dhinaca kale Jibouti heshiis cusub oo ay ku cusboonaysiinayso joogitaanka France ee Jibouti la gashay.
Heshiiska cusub ayaa dhigaya in Faransiisku ciidanka hadda ka jooga Jibouti oo dhan laba kun oo askari, uu muddo bilo ah ku kordhiyo laba kun oo askari oo dheeraad ah.