
08/04/2025
Hambalyo... Hambalyo... Hambalyo
Buuggan, waxaan ku soo bandhigayaa waayo aragnimadayda ka timid sannado badan oo aan ku soo dhex jiray hawlaha samafalka.
Waxaan jeclahay in akhristaha aan u bandhigo sheekooyin iyo dhacdooyin dhab ah oo soo maray, kuwaas oo sawir cad ka bixinaya sida qofka bani’aadamka ahi u noqon karo isha rajo ee dad kale.
Ma dareemi kartaa inaad sabab u noqoto farxadda qof kale? Ma is weydiisay sida ay noloshaada isu beddeli lahayd marka aad garab istaagto walaal soomaaliyeed oo dhibban? Bal u fiirso qof danyar ah oo rajo beelay, Qofka bani’aadamka ah wuxuu leeyahay awood uu ku
taabto qalbiyada dadka kale, awood aan ku salaysnayn hantida uu haysto, balse ku saabsan naxariistiisa iyo rajada wanaagga uu walaalkiisa kale geliyo.
Goordhow iyo Bandhiga rasmiga ah ee buugga Samafale.
More info: Dkulmie.com