Afnugaal Media Inc.

Afnugaal Media Inc. He is one of the most influential journalists on Somali social media.

Founder of Af-Nugaal media Cabbaas Madani, He is a Somali journalist, writer and orator who speaks on the issue of Greater Somalia and the struggle for the unity of Somalia.

26/12/2025

Cabbaas Madani oo xalay kulan soodhaweyn ah ugu sameeyey Caasimadda Laascaanood Qurbo Joogta Waqooyi-Bari.

 : Cabbaas Madani ayaa xalay kulan soodhaweyn ah ugu sameeyey Caasimadda Dowladda Waqooyi Bari ee Laascaanood Qurbo joog...
26/12/2025

: Cabbaas Madani ayaa xalay kulan soodhaweyn ah ugu sameeyey Caasimadda Dowladda Waqooyi Bari ee Laascaanood Qurbo joogta Waqooyi-Bari, kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku xigeenka guddiga Doorashooyinka Dowlad goboleedka Waqooyi-Bari, Guddoomiye Shaakir Mustafe iyo Masuuliyiin kale.

Qurbo Joogta ayaa Warbixino Ka dhegaystay Cabbaas Madani Xaaladda Guud ee Waqooyi-Bari, Nabadda, Horumarka iyo Abaaraha kajira Dhulka Waqooyi-Bari, Dowlad dhista kasocda Dhammaan Deegaannada Waqooyi-Bari.

Dhinaca kale Qurbo joogta Waqooyi-Bari ayaa Warbixin Ka Dhegaystay Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Doorashooyinka Waqooyi-Bari, Shaakir Mustafe oo uga warbixiyey halka ay marayso Diiwaangelinta iyo qaadashada kaadhka codbixiyaha.

Ugu danbayn kulanka ayaa guul kusoo dhammaaday waxaana lagu ballamay qurbo joogtu sidii ay dalka dib ugu soo laaban lahaayeen ayna ula shaqayn lahaayeen Dowladda Waqooyi-Bari iyadoo la maalgashanayo Gobollada iyo Degmooyinka Waqooyi-Bari.

25/12/2025

Xildhibaan Cabdi Qowdhan “Miisaaniyadii waan ansixinay Dowladda Waqooyi Bari way kujirtaa Xildhibaanka hadlay waxaan leeyahay…”

23/12/2025

Cabbaas Madani ayaa kulan soodhaweyn iyo Hambalyeyn ah u sameeyey Xildhibaanad Samiira Cabdirashiid Jaamac oo maanta loo dhaariyey kursiga Xildhibaan Baarlamaanka Dowladda Waqooyi Bari oo uu Banneeyey Xildhibaan h**e Cabdiqani Khaliif.

Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 202...
23/12/2025

Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, taas oo gaareysa $1,386,807,242 Miusaaniyadda la ansixiyey waxaa kujirta Dowlad goboleedka Waqooyi bari waxaana ogolaatay 174-Xildhibaan, afar Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa ka aamusay.

23/12/2025

Xildhibaan Samiira Cabdirashiid Jaamac ayaa maanta loo dhaariyey Xilka Xildhibaanimo ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Xildhibaannada cusub ayaa buuxisay Booskii uu banneeyey Xildhibaan h**e Cabdiqani Khaliif.

21/12/2025

𝐂𝐈𝐈𝐃𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐁𝐎𝐎𝐋𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐐𝐎𝐎𝐘𝐈 𝐁𝐀𝐑𝐈 𝐎𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐇𝐀𝐀𝐃𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐀𝐅
𝐆𝐔𝐃𝐎𝐎𝐍𝐒𝐈𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐀𝐆𝐀𝐀𝐒𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 𝐆𝐀𝐍𝐀𝐂𝐒𝐈𝐆𝐀.

Ciidanka Booliiska Dawladda Waqooyi Bari oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, 𝐇𝐨𝐨𝐝𝐨 𝐦𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐢𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦 iyaga oo ku muujinaya mahadcelin iyo qaddarin ku aaddan wada shaqeynta dhow, taageerada joogtada ah iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga, ganacsiga iyo horumarka guud ee bulshada.

Agaasimaha Guud, isaga oo ka mahadceliyay shahaadada la gudoonsiiyay, ayaa sheegay in Shahaado sharaftan ay tahay mid ay wada leeyihiin ganacsatada Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, kuwaas oo door muuqda ka qaata taageerada Ciidanka Booliiska .

Adress

Göteborg

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Afnugaal Media Inc. postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Dela