![Sweden:Wax ka ogow caruurta la mamnuucay in lala dhoofo?Baarlamaanka dalkan Iswiidhan [ Riksdagen] ayaa go'aamiyey in ca...](https://img3.medioq.com/567/194/436342455671949.jpg)
06/05/2024
Sweden:Wax ka ogow caruurta la mamnuucay in lala dhoofo?
Baarlamaanka dalkan Iswiidhan [ Riksdagen] ayaa go'aamiyey in caruurta ka yar 18 sano, aan qaarkood lala dhoofi karin, dalkana laga saari karin.
Caruurtaan waa kuwa loo aqoonsado in safarka dibadu u horseedi karo khatar dheeraad ah.Safarka caruurta ku sifooba qoddobada hoos ku xusan ayaa la mamnuucay in lala dhoofo:
1.Ilmaha laga cabsi qabo in dibada dalka la geeyo ka dibna lasoo gudo [ Qodobkaan waxuu quseeyaa gabdhaha oo keliya]
2.Guur khasab ah: Caruurta looga cabsi qabo in loo qorsheeyo guur khasab ah oo aanay raali ka ahayn.
3.Caruurta loo kaxeeyo xeryaha dhaqancelinta ee ku yaal wadamada kale,taasoo halis ku ah horumarka iyo bedqabka ilmaha.
4.Haddii ay jirto halis ah in ilmuhu ku biiro ururada argagixisada.
Waxaa arrinkaan ka shaqeyn doona oo iska kaashan doona hay'aad kala duwan oo arrimaha caruurta ka shaqeeya.Balse waxaa dacwada/codsiga maxkamada u gudbin doonta hay'ada arrimaha bulshada.
Go'aankani waxuu dhaqangeli doonaa
1 juun 2024