Hawd Affairs

Hawd Affairs Hawd Affairs provides insightful coverage of the history, culture, and current affairs of the Ogaden region, specially the Hawd plateau.

It is dedicated to presenting authentic narratives that honor the region’s rich heritage and pastoral traditions.

Qoraalkii h**e waxaan idiinka digay dhagarta uu Xuseen Qaasin la maaganyahay deegaano dhowr ah oo ay Yoocaale ku jirto i...
28/07/2025

Qoraalkii h**e waxaan idiinka digay dhagarta uu Xuseen Qaasin la maaganyahay deegaano dhowr ah oo ay Yoocaale ku jirto iyo heshiiskii qarsoodiga ahaa ee uu la galay Beesha Arab. Hadda waxaad arkaysaan dadka saamaynta ku leh beelaha isaaq sida Cabdi Gahayr oo Garxajis ah oo si public ah u baahinaya dhagarta kale ee uu maleegay Xuseen Qaasin oo lacag dhaafsaday degmo cusub. Xogo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan ayaan soo gudbin doonaa haddi Allah ogolaado. Xog ururis ayaan ku jirnaa.

Hab-nugeylka iyo dullinimada miyaa loogu dowgalay Ogaadeen?Maxaa ugu wacan kalsooni xumada iyo u-nuglida beelaha kale ee...
18/07/2025

Hab-nugeylka iyo dullinimada miyaa loogu dowgalay Ogaadeen?

Maxaa ugu wacan kalsooni xumada iyo u-nuglida beelaha kale ee somaaliyeed? Bal adiguba is qabadsii amuurahan uur-kutaalada leh:

1) Shalay July 16, 2025 waxaa magaalada Laas Caanood lagu soo afmeeray wajiga koowaad kulan beelaha Khaatumo & Maakhir ay ku qeybsadeen ergada iyo awooda maamulka cusub ee la qorsheeyay. Saacadu markay ahayd 12pm geeska Africa, waxaa lasoo bandhigay liiska 11-ka beelood ee dega goboladda SSC:
1) Dhulbahante 2) Warsangeli, 3) Habargidir (Fiqishini), 4)Ugaas labe, 5) Ogaadeen, 6) Siwaaqroon, 7) Ahmed Harti, 8)Cabaas Muuse, 9) Kaskiqabe , 10) Geri koombe, 11) Madhibaan

Hase yeeshee, waxaa layaab leh in isimada beesha Dhulbahante ay soo jeediyeen in laga saaro liiska beesha Ogaadeen (Jibraahiil) oo ay ku doodeen in Asal ahaan ayna degaan u lahayn SSC wallow ay tahay beesha afraad ee ugu tirada badan SSC, si baaxad lehna u degta Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda!

Dhinaca kale, maalmahan waxaa ka socday Ogadenia (DDS) hindise lagu magacaabayo degmooyin cusub. Sida xanta suuqa ku jirta, madaxda Ogaadeen ee degaanku waxay u riyaaqeen in Degmo loo magacaabo beesha Dhulbahante (Mirqaan ama Heegaale). Madaxda Ogaadeen waxay ku doodeen in la xaq-sooro oo la maamuuso beesha Dhulbahante. Waa halka beesha Dhulbahantana intay 11 beelood Ogaadeen kaliya kala soo dhexbaxday ay si xaqiraad ah uga saartay inay kamid noqoto maamulka SSC. Bal adiguba is qabadsii. Maxaa ugu wacan Ogaadeenka hab-nugeylkan iyo raganimo xumada noocan ah?

2) Bilihii May iyo June ee sanadkan(2025), waxay beesha Arab sheekh isaaq oo ay dabada ka wadaan maamulka Soomaliland, ganacsade Caydiid, iyo beelaha Garxajis, ay Hargeysa ku qabsadeen kulamo is daba joog ah oo looga gol lahaa sidii dagaal military iyo mid siyaasadeed loola gali lahaa Deegaanka Soomalida.

Waxay iyagoo kaashanaya ciidanka Somaliland, ka samaysteen military training grounds (xero tababar jabhado) aaga tuulada kaam haashim. Ilaa waxaa laga hadlay in canshuur ururin kusoo rogaan dhul ka mid ah deegaanka soomaalida si loo fangareeyo jabhadaha!

Waxay sameysteen garab siyaasadeed (political wing) uu hogaaminayo Caydiid, si dagaal siyaaseed loogu garab wado kan jabhadaynta. Garabku wuxuu diyaariyaya Map-qabiileed ay rabaan inay kula wareegaan inta badan dhulka Godan galbeed Yoocaale, meermeersane, gaaroodiga hoose iyo badanka haadoodil ilaa ay kasoo fuulaan wadada laamiga ah Higlalay agteeda (Dibira weyn) - Waa laba meelood meel dhulka ay degaan beelaha Reer Dalal Guuleed, Reer Diini Maxamed, Reer Magan, Reer Cali Gaab, iyo qabiilo dhowr ah oo kale oo Reer Isaaq ah. Mapka ku jira qoraalka waa mapka ay shirka kusoo bandhigeen.

Waxaa la yaab leh marka in shirarkan ka dhacay Hargeysa ay ku shaaciyeen beeshu inay xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo iyaga iyo Dr Xuseen Qaasin iyo hogaanka amniga, ayna isla meel dhigeen in dhulkan mapka ku yaala lagu wareejinayo beesha Arab, isla markaana loo balan qaaday in si public ah madaxweyne Cagjar warqad sharci ah usoo saari doono!! Kulamadan qarsoodiga ah ee Xuseen Qaasin iyo hogaanka amnigu la galayaan beelaha Arab ee lagu dhaxal wareejinayo Ogaadeen iyo shacab dowlad adeec ah, laguna abaal marinayo jabhado dowlad diid-ah, ayaa looga dan leeyahay in short-term political interest loogu baabi'iyo mustaqbalka bulsho dhan.

3) Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay qolyo mareexan ah oo leh degmooyin ayaa naloo soo wadaa (laasa caanood, neef ku celiye, etc) ayaa is balaadhin iyo is-muujin military ka waday aaga Laasa Caanood iyo afaafka Caleen; taas oo sababtay isku dhac dhiig ku daatay 24 saac ee ugu dambeeyay.

4) Taas waxaa ka sii daran, in baryahan dambe, degmada Gaashaamo, gebi-ahaanba (100%) ay ka baxay gacanta dowlada. Maleeshiyaad Somaliland ka soo jeeda oo fadhiyi jiray Oodweyne ilaa Go'da weyn iyo qeybo ka mid ah ciidanka Somaliland iyo jabhado ka abuurmay Gaashaamo ayaa fadhiisimo ciidan ka samaystay dhamaan deegaanka Gaashaamo, ha ugu weynaato tuulada Moholin oo dhufeysyo adag ay ka sameysteen. Laba jeer ayaa wafti dowlada ka socda lagu layn gaadhay oo gacmaha taageen Moholin iyo Reybadle, oo arrintii Dacawaley mid lamid ah oo lagu shirqoolo shaqaale dowladeed ay ku sigatay inay ka dhacdo. Waxaa ugu cajiib badan in duleedka magaalada gaashaamo laga sameeyey suuqa madow ee hubka (black market,) meelaha hubka sharci darada ah ee kasoo daga Berbera looga sii kala gato beelaha Isaaq dhexdooda, ilaa la gaadhsiiyay Bali Cabanne iyo Xarshin iyo inta ka sokaysa oo dhan. Waa suuq shidan oo xaami ah oo la rabo in lagu burburiyo nidaamka dowladnimo ee deegaanka, dhul balaadhsi cusubna lagu sameeyo.

Jabhadaynta iyo dowlad diidnimada intaas la'eg oo socota waxaa la hadal hayaa in Dowladu ay ugu abaal gudi doonto in Gaashaamo laga dhigo ismaamul magaalo amaba gobol dhan!

Haddaba dhoohanaanta iyo doqonimada Ogaadeen goormuu ka kori doonaa? Goormuu joojin doonaa inuu tolo kabaha nin kafankiisa tolaya? Goormuu ogaan doonaa in xeedho rag lagu sooryo ee dhulkaaga iyo xiniinyahaaga aan nin kale lagu sooryin? Ma ogyahay 2017-kii in xeerka jinsiga Somaliland wax ka badal lagu sameeyay - halkii 1991 ay sharciga ku qorteen in shaqsi qabiil ahaan ku abtirsada Ogaadeen aan loo ogalayn in sharci uu ka qaato Somaliland xataa haddii uu guursado qof kasoo jeeda Somaliland; 2017 waxay ku dareen diidmo keliya in aanu matuusan ee xabsi lageyn karo! Macnaha Somaliland oo ka badan 100 kun oo Ogaden ah ay ku noolaayeen in 1985, waxaa la gaadhsiiyey heerkaas.

Halkaas ayuu rag kala marayaa, kalsooni xumada Ogadeena waxay maraysaa in isagoo talinaya maanta la dhaxal-wareejiyo.

Wabilaahi towfiiq,
Kaldeeq Ibrahin
Malmö , Sweden

Adress

Malmö

Webbplats

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Hawd Affairs postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Dela