Khadar Maraay

Khadar Maraay Public figure

07/06/2026

Ya isku balamiyey mucjisadaan hhhh

07/06/2026

See u furaa miya taaganyahay hh ?

06/06/2026

🫑🀝πŸ’ͺ

06/06/2026

Marka indha-cade iyo abdiqeybdiid ey so gaarto an sugaya qeylada iyo sawaxanka dhicidoono hada dulmiga iyo bahdilka madaxdii h**e wa daawan kartan somaliyey.
Bowdo rageed mid malin bey qaawantahay πŸ‘€

06/06/2026

Shirqoolka lala damacsanyahay xildhiban Yusuf Hussein Ahmed oo la ogaaday iyo beshiisa jj oo goaan ka gaartay xitaa hadu kufo in lo heesto Hassan Sheikh Mohamud iyo beeshiisa.
Maalmaha so socda waxa la qorsheynaya kiiskii h**e ee dilkii professor Guure Allaha u naxariistee in besha iska wareysato tilabada kuwajahan ee lagu dhaqaaqi doono insha Allah.

Doorashadii labaad Gollaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la qabtay 1959kii, waxaana lagu doorte 90 Xildhibaan oo dhamaan...
06/06/2026

Doorashadii labaad Gollaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la qabtay 1959kii, waxaana lagu doorte 90 Xildhibaan oo dhamaantood ay ahaayeen Soomaali. 90kaas xildhibaan waxaa laga soo kala doorte degmooyinkii uu h**e u maamuli jirtey Talyaaniga.

83 ka mid ah 90ka xildhibaan ee dadweynaha Soomaaliyeed u codeeyeen waxaay ka socdeen xisbiga gobanimo-doonka SYL, 5 kalena X.D.M (Xisbiga Digil & Mirifle), halka xisbiga P.D.S. ay heleen 2 xildhibaan oo kaliya.

Waa kan magacyada xildhibaabada, xisbiga ay ka tirsanaayeen iyo degmooyinka laga soo doorte:

𝗕𝗒𝗦𝗔𝗔𝗦𝗒

Ugaas Yaasiin Cabdiraxmaan Xasan - SYL.
Xaaji Bashiir Ismaaciil- SYL.

𝐂𝐀𝐋𝐔𝐔𝐋𝐀

Xaaji Muuse Boqor - SYL.

π—€π—”π—‘π——π—”π—Ÿπ—”

Xaaji Cabdullaahi Maxamed Ismaaciil - SYL.

π—œπ—¦π—žπ—¨π—¦π—›π—¨π—•π—”π—‘

Cismaan Maxamuud Cadde - SYL.
Xaaji Muuse Samatar - SYL.

𝗀𝗔π—₯𝗗𝗛𝗒

Cabdirashiid Cali Sharmaake - SYL.
Salaad Cabdi Maxamuud - SYL.
Xaaji Saciid Muuse Cismaan - SYL.

π—˜π—¬π—Ÿ

Maxamed Cali Daae Ali - SYL.
Axmed Ceegaag Abokor - SYL.
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen -SYL.
Daahir Nuur Cigaal - SYL.

π—šπ—”π—”π—Ÿπ—žπ—”π—–π—¬π—’

Yaasiin Nuur Xasan - SYL.
Nuur Xaashi Calas Yuusuf - SYL:
Sugulle Maxamed Maxamuud - SYL.
Maxamed Yuusuf Aadan β€˜Muuro’ - SYL.

π—–π—˜π—˜π—Ÿπ—•π—¨π—¨π—₯

Maxamed Cosoble Cadde -SYL.
Cismaan Xaaji Maxamed Afrax - SYL.
Xaaji Cali Geedi Shadoor - SYL
Cabdullaahi Xuseen Yuusuf - SYL.

𝗗𝗛𝗨𝗨𝗦𝗔𝗠𝗔π—₯π—˜π—˜π—•

Aadan Shire Jaamac - SYL.
Sheekh Cabdullaahi Maxamed - SYL.
Sheekh Maxamed Maxamuud Fiqi - SYL.

𝗛𝗒𝗕𝗬𝗒

Maxamuud Cali Dhoore - SYL.
Maxamed Axmed Cilmi (Ottavio) - SYL.

π—•π—”π—Ÿπ—”π——π—ͺπ—˜π—¬π—‘π—˜

Aadan Cabdulle Cismaan - SYL.
Cabdullaahi Ciise Maxamuud - SYL.
Sheekh Cali Jimcaale Baraale - SYL.
Sheekh Maxamed Isaaq Salaad - SYL.
Salaad Cilmi Maxamuud - SYL.

π—•π—¨π—¨π—Ÿπ—’-𝗕𝗨π—₯π—§π—œ

Xaaji Faarax Cali Cumar - SYL.
Sheekh Maxamed Cabdi Cumar - SYL.
Aadan Cabdi Caalin - SYL.
Maxamed Cismaan Diini - SYL.
Cabdiraxmaan Xaaji Muumin Maxamuud - SYL.
Axmed Geelle Xasan - SYL.
Xasan Cali Cabdi - SYL.

π— π—¨π—€π——π—œπ—¦π—›π—’

Maxamed Sheekh Maxamuud (Gabyoow) - SYL.
Xaaji Maxamuud Maxamed Afrax (Baraako) - PLGS

𝗠𝗔π—₯π—žπ—’

Xaaji Cabdiyow Ibroow Calassow - SYL.
Cabdullaahi Xaaji Maxamuud - SYL.
Maxamed Cabdulle Cassir - SYL.

𝗝𝗒π—ͺ𝗛𝗔π—₯

Nuur Maxamed Xuseen Cismaan - SYL.
Maxamuud Jinacoow Jimcaale - SYL.
Cali Sheekh Gees Maalin- SYL.

π—–π—”π——π—”π—Ÿπ—˜

Cismaan Axmed Rooble - SYL.
Maxamuud Axmed Maxamed Aadan - SYL.
Cali Maxamed Hiraabe - SYL.

𝗕𝗔π—₯𝗔𝗔π—ͺπ—˜

Xaaji Cumar Sheegoow Cumar Gaab - SYL.
Xaaji Cabdulqaadir bin Abuubakar - SYL.
Xaaji Baytullah Sheekh Xasan - SYL.

π—”π—™π—šπ—’π—’π—¬π—˜

Islaw Cismaan Nuur Amiir - SYL.
Maxamed Ibraahin Xasan - SYL.

π—ͺπ—”π—Ÿπ—”π—ͺπ—˜π—¬π—‘

Axmed Caliyoow Cabdiyoow -SYL.

π—•π—”π—Ÿπ—–π—”π——

Maxamed Cali Shoobe - PLGS.

𝗕𝗔𝗬𝗗𝗛𝗔𝗕𝗒

Maxamuud Cabdi Nuur - SYL.
Sheekh Cumar Sheekh Xasan - SYL.
Maxamed Sheekh Maxamuud Daahir - SYL.
Xasanow Maxamed Nuur - SYL.
Cabdi Aadan Ibraahim. SYL.
Cabdullaahi Amiin Cabdiyoow - SYL.

π—Ÿπ—¨π—¨π—€

Yuusuf Shire Barre - SYL.
Xaaji Cabdi Jaamac Cabdulle - SYL.

𝗕𝗔𝗔π—₯π——π—›π—˜π—˜π—₯π—˜

Sheekh Xasan Khaliid Cumar - SYL.
Shariif Maxamed Nuur - SYL.

π——π—œπ—œπ—‘π—¦π—’π—’π—₯

Xaaji Maxamed Nuur Sheekh Xuseen - SYL.
Sheekh Cali Aadan - SYL.

𝗫𝗨𝗗𝗨π—₯

Xaaji Cabdullaahi Mursal Maxamed - X.D.M.
Xaaji Muqtaar Malaaq Xasan Mursal - X.D.M.
Sheekh Mukhtaar Maxamed - SYL.
Sheekh Maxamed Aadan Sheegoow - SYL.

𝗕𝗨𝗨π—₯π—›π—”π—žπ—”π—•π—”

Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Soobe) - X.D.M.
Cabdi Bulle Aadaan - X.D.M.
Cabdi Nuur Maxamed Xuseen - SYL.
Xasanoow Caliyoow Mursal - SYL.
Sheekh Ismaaciil Caliyoow Yuusuf - SYL.
Maxamed Xasan Xuseen - SYL.

πŠπˆπ’πŒπ€π€π˜πŽ

Ibraahin Xuseen Abuukar (Uunlaaye) - SYL.
Ibraahin Xaaji Muuse - SYL.
Maxamed Aadan Macoow - X.D.M.

π—π—”π— π—”π—”π— π—˜

Cali Ciise Cali - SYL.
Sheekh Ibraahin Cumar - SYL.
Xaaji Aadan Ashkir Samatar -SYL.

π—π—œπ—Ÿπ—œπ—•

Xuseen Cumar Xasan Gis - SYL.
Cali Gacal Afrax - SYL.

𝗔𝗙𝗠𝗔𝗗𝗒𝗒π—ͺ

Sheekh Maxamuud Maxamed Faarax - SYL.
Maxamed Cabdi Jibriil - SYL.
Hilowle Macallin Maxamed - SYL.
Cismaan Maxamuud Ibraahin - SYL.

: Golol Archive

Seddexdii June inagoo wadana abaabulka mudaharaadkii silmiga ahaa ee qorsheeysnaa 4tii June 2026, waxaa Xarunta labaad e...
05/06/2026

Seddexdii June inagoo wadana abaabulka mudaharaadkii silmiga ahaa ee qorsheeysnaa 4tii June 2026, waxaa Xarunta labaad ee xisbiga Himilo Qaran ee Degmada Cabdicasiis nagu soo weeraray madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, iska caabin ilaaladeena ah kadib, wadahadal ay billaabeen wakiillo ka socday beesha caalamka iyo odayaasha dhaqanka ayaa Khamiistii shalay lagu gaaray heshiis hor dhac ah.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:
1. In si shuruud la’aan ah xabadda loo joojiyo,
2. In ciidamada la kala qaado si loo yareeyo xiisadda amni.
3. In dib loo bilaabo wada-hadalladii siyaasadeed ee looga arrinsanayay masiirka dalka iyo hannaanka loo maamulayo marxaladda kala guurka ah.
4. In loo oggolaado in ay jiitaan ciidanka la soo qalday gaadiidkii iyo agabkii ka gubtay.
5. In xarunta cusub ee Xisbiga Himilo Qaran ee ku taal xeebta Liido aan ciidan ka soo agdhawaanin.

Xabadjoojintii isla shalay galab way hergashay, hase yeeshe waxaan cambaaraynayaa jidgooyadii galabta markaan ka soo baxnay xaruntii Cusbayd ee xisbiga ay noo dhigteen Ciidanka NISA, waxayna ku tuseysaa khalkhalka iyo kala amar qaadasha la’aanta laamaha amniga.

Waxaan u mahadnaqayaa safiirradii ku qasbay Xasan Sheekh in ballanka heshiiska uu dhowro, waddadana furo.

Qoraa xildhiban Hussein.

04/06/2026

Caawa wa jimco hala xadreeyo aaway xirtii aan isku xirneen πŸ‘€πŸ‘€

04/06/2026

Waxba ma sameyn kartid Macalin mahdiyow qeylo waka dhamaatay hhh

Dahir Alasow Oo Loo Aqoonsaday Samafalaha Sanadka 2026Breda, Netherlands – Juun 2026Wariyaha baarista Soomaaliyeed ee ha...
02/06/2026

Dahir Alasow Oo Loo Aqoonsaday Samafalaha Sanadka 2026

Breda, Netherlands – Juun 2026

Wariyaha baarista Soomaaliyeed ee haysta dhalashada Nederland samafale Dahir Cabdulle Alasow ayaa loo aqoonsaday Samafalaha Sanadka 2026 (Humanitarian of the Year 2026), iyadoo lagu maamuusay dadaalladiisa samafal ee uu ka fuliyay hay’adda Alasow Foundation, oo ah hay’ad caalami ah oo aan macaash doon ahayn kana shaqeysa taageeridda bulshada nugul.

Abaalmarintan waxaa la siiyaa shaqsiyaadka muujiyay dadaal gaar ah oo lagu horumarinayo nolosha dadka tabaaleysan, iyadoo loo marayo howlaha samafalka, horumarinta bulshada, iyo mashaariicda saameynta bulshada leh.

Muddo ka badan labaatan sano, Dahir Alasow waxaa lagu yaqaanay inuu ka mid yahay wariyeyaasha baarista ugu caansan Soomaaliya, isagoo daaha ka rogay musuqmaasuq, shabakadaha argagixisada, burcad-badeedda, iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Sanadihii u dambeeyay, si kastaba ha ahaatee, wuxuu xoogga saaray howlaha samafalka, isagoo khibraddiisa iyo xiriirradiisa caalamiga ah u beddelay gargaar toos ah oo la gaarsiiyo bulshada nugul.

Iyadoo loo marayo Alasow Foundation, waxaa laga hirgeliyay Soomaaliya iyo dalal kale mashaariic ay ka mid yihiin:

Taageerada agoonta iyo carruurta nugul
Caawinta qoysaska saboolka ah
Daryeelka dadka indhoolayaasha iyo naafada ah
Barnaamijyada taageerada carruurta Autism-ka qaba
Qodista ceelasha biyaha
Gurmadka degdegga ah ee bani’aadannimada

Hay’addu waxay si sharci ah uga diiwaangashan tahay Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Ireland, Nederland iyo Soomaaliya, taasoo u suurtagelisay inay ballaariso howlaha samafalka ee caalamiga ah.

Isagoo ka hadlayay kadib markii uu helay abaalmarinta, Dahir Alasow ayaa uga mahadceliyay taageerayaasha, mutadawiciinta, deeq-bixiyeyaasha, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee gacan ka geystay guusha hay’adda.

β€œShaqada samafalku waa dib u soo celinta rajada iyo karaamada dadka. Abaalmarintan waxaa iska leh mutadawiciinta, deeq-bixiyeyaasha, iyo dhammaan taageerayaasha rumeysan in caawinta dadka kale ay beddeli karto noloshooda.”

Abaalmarinta Samafalaha Sanadka waxay muujineysaa saameynta sii kordheysa ee hay’adaha samafalka ee bulshada ka dhex dhasha iyo doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaaraan wax ka qabashada caqabadaha bulshada iyo dhaqaalaha.

Dadka falanqeeya arrimaha bulshada ayaa sheegay in aqoonsigan uusan ka tarjumeyn oo keliya guulaha Dahir Alasow ee saxaafadda, balse uu sidoo kale muujinayo sida uu ugu soo baxay mid ka mid ah samafalayaasha Soomaaliyeed ee ugu muuqda uguna firfircoon dalal badan oo caalamka ah.

Waxaa Qoray: Wariye Shaqaalaha
Waagacusub Media Network

Adress

Kista

Aviseringar

Var den fΓΆrsta att veta och lΓ₯t oss skicka ett mail nΓ€r Khadar Maraay postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att anvΓ€ndas fΓΆr nΓ₯got annat Γ€ndamΓ₯l, och du kan nΓ€r som helst avbryta prenumerationen.

Kontakta AffΓ€ren

Skicka ett meddelande till Khadar Maraay:

Dela