09/08/2026
Xoghaye Abdikadir Eidleh oo Amaanay Dr Axmed Dheerre
Waxaa jira dad aad nolosha ku kulantaan oo xusuus uun kuugu reeba; waxaa kale oo jira dad qayb ka noqda dhismaha qofka aad noqon doonta maalin uun. Dr. Ahmed Muse Ismail (Ahmed Dheere), anniga Ahmed waxa uu iiga mid yahay qolada dambe.
Ku dhawaad 25 sannadood ayaannu soo wada soconnay. Waa rubuc qarni ay ku jiraan saaxiibtinimo, waxbarasho, shaqo, siyaasad, dood, aragti-wadaag iyo waayo nololeed badan oo aanu wadaagnay. Waanu soo wada rafiiqnay, soo wada shaqaynay, waxna soo wada barannay, iyada oo muddadaa dheer ay sida oo kale naga dhaxaysay aragti siyaasadeed iyo mid qaran dhis ahba.
Ahmed waa aqoonyahan miisaan leh, suxufi ruug-caddaa ah, mufakir, mutacallin iyo bare-sare. Laakiin ereyadaasi keliya ma wada koobi karaan shakhsiyadiisa. Waxa aan odhan karaa waa wershad aqooneed iyo dugsi dad-dhisid, oo sannado badan soo saaray, barbaariyey, maskax ahaanna kobciyey jiilal badan oo reer Somaliland ah. Dad badan ayuu aqoon siiyey; qaar kalena kalsooni, jihayn iyo himilo ayuu ku beeray. Taasi waa raad ka weyn shahaado iyo xilba.
Aniga se, qiimihiisu intaas wuu iiga sii gaar yahay.
Waxa aanu rafiiqnay xilli noloshayda ka mid ahaa xilliyadii aan u baahnaa gacan i qabata, maskax i dhista, himilo igu beerta, jihada noloshana wax iga tusta. Wuxuu ka mid yahay ragga fara-ku-tiriska ah ee aan sida dhabta ah u ogahay in raadkoodu ku jiro qofka aan maanta ahay. Wax badan oo aan maanta garanayo, sida aan wax u eego iyo jidkii aan soo marayba, qayb ayuu ku leeyahay.
Qof haddii uu abaal kuu galo; waa la xusuustaa, waa laga mahadnaqaa, waana la qiraa inta la nool yahay. Mahadnaqu qofka wax kuu qabtay oo keliya sharaf uma aha; waxa uu sida oo kale markhaati ka yahay in adiguna aad garanayso qiimaha wanaagga laguu galay. Aniguna abaalka Ahmed igu leeyahay ma aha mid aan qalbigayga oo keliya ku hayo, waa mid aan ku faraxsanahay inaan mar kasta qiro.
Nairobi, Kenya, ayaannu wakhti dheer oo waayo-waayo ah wada qaadannay. Sheeko kasta waxay dib noo geysay bog ka mid ah rubuc-qarnigii aanu soo wada marnay. Waxaana farxad gaar ah ii ahayd inaan Ustaadka kula kulmo isla Nairobi oo uu ku soo gebogebeeyey marxalad kale oo muhiim ah oo safarkiisa aqooneed ah, isaga oo dhammaystay shahaadada sare ee PhD.
Shahaadadani Ahmed aqoonyahan k**a dhigayso maanta, aqoonyahan ayuu ahaa muddo dheer, waxayse taaj kale saaraysaa safar dheer oo aqoon, akhris, fikir, waxbarid iyo dad-dhisid ahaa. Maanta oo uu Ustaadku soo dhammaystay marxaladdan, waa wakhtigii aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa, garaadkiisa iyo kartidiisa dib loogu maalgelin lahaa dadkii iyo dalkii uu muddada dheerba wax u soo tarayey.
Hambalyo, Ustaad Dr. Ahmed Muse Ismail.
Rubuc qarni oo aanu soo wada soconnay wuxuu i baray in dadka qaar lagu qiimeeyo waxa ay haystaan, qaarna xilalka ay qabtaan; adigase waxa lagugu qiimeeyaa dadka aad dhistay, maskaxaha aad iftiimisay iyo raadadka aad kaga tagtay nolosha dadka kale.
Abaalkaagana waan ogahay, waanan xusuusanahay, waanan kaaga mahadnaqayaa.