Maan Xureeye

Maan Xureeye ✨ Maan Xureeye | Nolol xor ah & fikir furan

22/05/2026

Diinta Islaamku 1400 sano ka hor ayay ka hadashay arrimo saynisku maanta sii baarayo. Nabiga ﷺ wuxuu sheegay in kaadida wiilka yar iyo tan gabadha yar ay kala duwan yihiin marka la daahirinayo, isagoo tilmaamay in kaadida wiilka ku filan tahay in biyo lagu rusheeyo, halka tan gabadha la dhaqo. Culimadu waxay arrinkaas ku fasireen xagga shareecada iyo nadaafadda, halka saynisyahanno qaar ay sheegeen in ay jiri karaan kala duwanaansho la xiriira hormoonnada iyo qaabka jirka carruurta.

Sidoo kale Nabiga ﷺ wuxuu yiri: “Haddii duqsi ku dhaco weelkiinna, hala wada geliyo dabadeed halaga saaro, maxaa yeelay mid ka mid ah baalashiisa waxaa ku jira cudur, kan kalena dawo.” Xadiiskan oo la sheegay 1400 sano kahor ayaa maanta saynisyahanno badan ku baraarugeen in cayayaannada qaarkood ay xanbaarsan yihiin bakteeriyo iyo walxo kale oo ka hortaga bakteeriyadaas.

Arrimahan waxay muujinayaan in Islaamku yahay diin ku dhisan cilmi, iyo xikmad dheer, isla markaana ay jiraan xaqiiqooyin badan oo dadka u soo ifbaxaya waqti ka dib.

26/03/2024
08/10/2023

"NINKII RAJO LEH, RAFAADKU WAA U RAAXO"

Adress

Stockholm

Webbplats

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Maan Xureeye postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Dela