06/08/2026
imcaha berri, Sacuudiga waxaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo kullan ay isugu imanayaan Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.
Kullan indhaha caalamku si gaar ah ugu jeedaan. Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ajandaha kullanka, haddana saddexdan dal-- oo lagu daray Masar-- waxa sannadihii u dambeeyey sii xoogaysanayay iskaashi ballaadhan oo ku qotoma amniga, difaaca, maalgashiga, tamarta iyo arrimaha gobolka.
Turkiga iyo Pakistan waxay xoojiyeen iskaashigooda dhinaca ciidamada iyo warshadaha difaaca, halka Sacuudigu uu yahay maalgeliyaha ugu weyn ee gobolka isla markaana door muuqda ku leh diblomaasiyadda Bariga Dhexe.
Kullanka berri ayaa la filayaa inuu sii adkeeyo isbahaysigan, iyadoo la falanqaynayo xaaladaha amni ee gobolka, dagaallada ka socda Bariga Dhexe iyo sidii loo ballaadhin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya saddexda dal.