
07/02/2024
KULAN QIIMA BADAN.
Kulanka Madaxweyne Xasan Sh Iyo Xildhibaanad Jawaahir ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada ayaa ahaa mid ay uga wada hadleen Arimaha Guud dalka iyo Deegaanka ay ka soo wada jeedaan.
Madaxweynaha Ayaa Xildhibaanada Uga warbixiyay Siyaasada Guud ee Dalka Iyo wax yaabihii uga qabsoomay Safaradii shaqo uu dalka uga anba baxay.
Dhanka kale Xildhibaanada ayaa sidoo kale Madaxweynaha La wadaagtay Xaaladaha Dadka Iyo deegaanka ay Matasho iyo sidii wax looga qaban lahaa Baahiyaha guud ee kajira Deegaanka ,maadamaa uu Deegaanku in muda ah uun Xor yahay.
Xildhibaanada Ayaa Madaxweynaha Si gaar ah ugu tilmaantay Baahiyo gaar ah ay qabaan Dadka ay matasho kuwaa oo ubaahan Wax kaqabasho Deg deg ah.
Kulanka ayaa ku soo idlaaday is Afgarad .