Nagiib Media

Nagiib Media Journalist based in Hargeisa Somaliland, Reporting and News Broadcast Bulsho Tv. Development Studie

Journalist based in Hargeisa Somaliland, Reporting and News Broadcast Bulsho Tv
Development Studies in Degree Level, Experienced journalist who Workes local media Last 10 Years.

07/08/2026

Madaxwayne Cirro muxuu u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka ee uu fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi.

"Warka degdegga ah ee ay bixiyeen badhasaab ku xigeenka Maroodijeex iyo Booliisku waxa ay ka hortageen warka been abuurk...
07/08/2026

"Warka degdegga ah ee ay bixiyeen badhasaab ku xigeenka Maroodijeex iyo Booliisku waxa ay ka hortageen warka been abuurka ah iyo buubuunista ujeedooyinka gurracan laga leeyahay. Waa in masuuliyiinta dawladdu sidaas diyaar ugu ahaadaan bixinta xogta loo baahan yahay si aan beentu u helin fursad ay ku faafto.

Hargeysa waa nabad." Guuleed Dafac

Ciidamada Booliska oo hada war soo saaray.WAR-SAXAAFADEEDCaawa abbaaro 7:00 fiidnimo waxa bambo-gacmeed ku qaraxday goob...
07/08/2026

Ciidamada Booliska oo hada war soo saaray.

WAR-SAXAAFADEED

Caawa abbaaro 7:00 fiidnimo waxa bambo-gacmeed ku qaraxday goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sababtay dhaawaca labada askari iyo laba qof oo shacab ah oo ku sugnaa goobta. Dhammaan dadka dhaawacmay waxa loo gudbiyey Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

Bambo-gacmeedka ayaa dhulka kaga dhacay mid ka mid ah askarta dhaawacantay, mana jirto wax ujeeddo ah oo loo tuuray bambo-gacmeedka, waxaana socda baadhitaan dheeraad ah.

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u beeninayaa wararka marin-habaabinta ah ee lagu baahiyey baraha bulshada ee sheegaya in qarax ka dhacay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu bulshada uga digayaa faafinta wararka aan la hubin ee dhaawici kara amniga iyo xasilloonida dalka.

07/08/2026

"Dhaawac culus ayaa soo gaadhay labada qod oo in ay noolaan iyo inkale .." Badhasab Wali

07/08/2026

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa baadhitaan ka wada Xaafada isha-boorama ee magaalada Hargeysa kadib markii ay banbo kula qaraxday laba qof.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ค๐š ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐ข๐ข๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐ž๐ž๐๐š ๐ข๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐œ...
07/08/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ค๐š ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐ข๐ข๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐ž๐ž๐๐š ๐ข๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka iyo Hayโ€™adaha Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi, isaga oo u soo bandhigay horumarka ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland, mudnaanta Qaranka iyo hiigsiga Xukuumadda ee ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynuhu waxa uu adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay doonayso iskaashi iyo maalgashi ku dhisan dano-wadaag iyo wax-wada-qabsi, halkii ay ku tiirsanaan lahayd gargaar dibadeed iyo gacan-hoorsi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu wakiillada Beesha Caalamka iyo Hayโ€™adaha Caalamiga ah u sheegay in nabadda iyo xasilloonidu ay yihiin mudnaanta koowaad ee Xukuumaddiisa. Waxa uu tilmaamay in ka badan 6,000 oo ciidan-beeleed ah, iyaga iyo qalabkoodiiba, si nabad ah loo qarameeyey, tababarna loo furay, kaddibna lagu daray Ciidanka Qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xusay in shaqaaqooyinkii ka dhacay Gobolada Galbeedka lagu wajahayo wada-hadal, dib-u-heshiisiin iyo hannaanka nabadaynta iyo wada-xaajoodka ee ay bulshada Somaliland muddada dheer ku soo caano-maashay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Beesha Caalamka u caddeeyey in Somaliland ay ka goโ€™an tahay in arrinta Laascaanood lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo hannaan nabadeed oo walaaltinimo ku dhisan.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in aqoonsigii ay Dawladda Israaโ€™iil 26-kii Diseembar 2025 ku aqoonsatay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland uu ahaa dhacdo taariikhi ah. Waxa uu tilmaamay in aqoonsiga Israaโ€™iil aanu ahayn dhammaadka geeddi-socodka aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland, balse uu qayb ka yahay xaqiijinta himilada ay shacabka Somaliland muddada dheer ku taamayeen, kuna dhisan amni iyo xasillooni, dimuqraadiyad, hayโ€™ado dawli ah oo si dhab ah u shaqaynaya iyo talada dalka oo si nabad ah oo daah-furan la isugu wareejiyo; kuwaas oo dhammaantood saldhig u yihiin rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xagga horumarka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in Xukuumaddu mudnaan gaar ah siinayso horumarinta waddooyinka, biyaha, tamarta, caafimaadka, waxbarashada iyo isgaadhsiinta. Waxa uu tilmaamay in dalka ay ka socdaan mashaariic waddooyin istaraatiiji ah, halka hoos-u-dhigista qiimaha korontada iyo maalgashiga tamarta nadiifta ahi ay qayb muhiim ah ka yihiin dadaallada lagu dardargelinayo koboca dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay muhiimadda sugnaanshaha biyaha dalka, gaar ahaan sahminta iyo ka faaโ€™iidaysiga kaydka biyaha dhulka hoostiisa ku jira, isaga oo Beesha Caalamka ugu baaqay iskaashi dhinacyada khibradda, farsamada iyo tiknoolajiyadda ah.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in Somaliland aanay Beesha Caalamka ula iman liis codsiyo iyo gacan-hoorsi ah, balse ay la wadaagayso natiijooyin horumarineed oo dhab ah, waxqabad la taaban karo iyo fursado iskaashi oo labada dhinacba dan u ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu saaxiibbada iyo bah-wadaagta caalamka ugu baaqay inay Somaliland ku qiimeeyaan xaqiiqada ka jirta dalka, waxqabadkeeda iyo hannaankeeda dawladnimo, isla markaana ay ula macaamilaan si waafaqsan xaqiiqooyinkaas, loona sii xoojiyo wax-wada-qabsi dhab ah.

Waxa uu sidoo kale ku boorriyey Beesha Caalamka inay garwaaqsato xaqiiqada biyo-kama-dhibcaanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo doorka lama huraanka ah ee ay ku leedahay nabadda, amniga, ganacsiga iyo guud ahaan horumarka Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hadalkiisa ku soo afmeeray in iskaashiga Somaliland iyo Beesha Caalamku uu ku dhisnaado xaqiiqo, waxqabad, is-ixtiraam iyo dano-wadaag, si loo abuuro mustaqbal ku salaysan nabad, xasillooni, horumar iyo barwaaqo waarta oo faaโ€™iido u leh shucuubta Gobolka Geeska Afrika.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),

๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Somalia ayaa sheegtay in magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada boqol-jire ay ka hirgalinayso buundo wayn oo ay ku baxays...
07/08/2026

Somalia ayaa sheegtay in magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada boqol-jire ay ka hirgalinayso buundo wayn oo ay ku baxayso dhismaheeda ku dhawaad 20 Milyan oo Dollar.

Sida uu sheegay wasiirka Hawlaha guud ee Somaliya Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf waxaana uu sheegay in hirgalinta dhismahani uu ka mid yahay mashaariida dawlada dhexe ee somalia ka hirgalinayso maamul goboleedyada.

"Waxaan si adag u cambaaraynayaa xadhiga sharci darada ah ee lagula kacay Wariye Hasan Koranto Agaasimaha Warbaahinta Ma...
06/08/2026

"Waxaan si adag u cambaaraynayaa xadhiga sharci darada ah ee lagula kacay Wariye Hasan Koranto Agaasimaha Warbaahinta Madaxa Banan ee GOODIR TV oo lagu xidhay magaalada Boorama, xadhig aan sharci ahayn qabashadiisana aan loo marin dariiq sharciga waafaqsan.

Saxafigan Dhalinyaradda ah ayaa markii labaad xidhay xukuumada Xisbiga Wadani.
Xadhigiisa waxaan u arkaa mid ka hor imanaya shuruucda iyo xoriyada saxaafada madaxabanaan.

Xukuumada Xisbiga Wadani waxay caado ka dhigatay cabudhinta cagajuglaynta iyo carjuuqdheda saxaafada madaxabanaan.
Wax la aqbali karo maaha ku xadgudubka xuquuqa saxaafada iyo xoriyada hadalka.

Waxaan ku baaqayaa in si dagdaga xoriyadiisa loogu celiyo saxafigan."

Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda Heer Qaran Ee Xisbiga Kaah.
Dr Nimcaan.

06/08/2026

"Somaliland waxay noqotay meel Sadex habrood maalinba qolo tidhaa anagaa leh oo" Saleeban Cali Koor

06/08/2026

Xisbiga Kaah Oo Xarunta Wadani Looga soo jawaabay.

Adress

Stockholm
53436

Aviseringar

Var den fรถrsta att veta och lรฅt oss skicka ett mail nรคr Nagiib Media postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att anvรคndas fรถr nรฅgot annat รคndamรฅl, och du kan nรคr som helst avbryta prenumerationen.

Kontakta Affรคren

Skicka ett meddelande till Nagiib Media:

Genvรคgar

Dela