Shaamil.com

Shaamil.com Hi Welcome to Svh H page1

Nin baa isagoo xanaaqsan ku  yiri xaaskiisii saxeex warqada furiinka!Wey naxday weyna la yaabtay, waxeyna ku tiri sababt...
09/11/2023

Nin baa isagoo xanaaqsan ku yiri xaaskiisii saxeex warqada furiinka!

Wey naxday weyna la yaabtay, waxeyna ku tiri sababta ii sheeg keentay inaa i furtid kadib ban saxeexayaa warqada!

Wuxuu yiri sadex sababood ban kuu furayaa:

1) waxaad guriga la timid boorso buuxdo oo hadiyad ah oo malaha nin kale ayaa shopping kuusoo sameeyey.

2) shan maalmood kahor waxaan kuu sameeyey qado waad cuntay mana aadan ii mahadcelinin.

3) shalay waad kasoo dib martay xiligii aad shaqada ka imaan jirtay.

Xaaskiisii ayaa tiri warqadan waxaan saxeexayaa markaan ka jawaabo eedaha aad iisoo jeedisay waadna shalaayi doontaa,

-Tan kowaad ee ah guriga ayaad la timid shopping nin kale kuusoo sameeyey ,
Ma ahan sidaa u fahamtay ee waxaa meesha ku jira suit iyo kabo iyo dhar aan adiga kuusoo iibiyey si aad u xirato markaan u dalxiis tageyno Singapore .

-Tan labaad ee ah qadadi aan kuu diyaariyey waad cuntay mana aadan ii mahadcelinin,
Waa sax kuuma mahadcelinin oo adiga ayaa igu yiri waad cayishaye "diet" gal ama is caatey oo ha cunin "Non vegetarian" sida hilibka iyo chicken, ee kaliya qudaarta cun, sidaa owgeed maalinkaas waxaa ii sameysay chicken marka kuuma mahadcelinin ileen waad ogeed inaa is caateyn ku jiray,

-Tan sadexaad ee ah waad soo daahday,
Haa waan soo daahay oo waxaan Boss keyga shaqada u sheegayey inaa shaqada ka tagayo sababtoo ah waxaan Bakhtiyaa Nasiib u helay lacag dhan 30Million oo US Dollar ah, Warqadiina wey saxeexday isagoo ilmeynaya!

marka haleeska dhaafo fudeedka iyo hubsiima la'aanta.

Abdifitah Injey

Sheeko Gaaban ♥️Nin baa guursaday gabar aad iyo aad iyo aad u qurux badan, aad buuna u jeclaaday.Keddib, gabadhii waxaa ...
09/11/2023

Sheeko Gaaban ♥️

Nin baa guursaday gabar aad iyo aad iyo aad u qurux badan, aad buuna u jeclaaday.

Keddib, gabadhii waxaa ku dhacay cudurrada maqaarka mid kamid ah oo qatar ah. Timeheedii ayaa inay gurmaan billaabay. Gabadhii quruxda badnayd waxa ay dareentay inay tartiib tartiib u sii fool xumaanayso.

Muddadaas, ninkii ayaa safar magaalo kale u aaday. Intii uu sii maqnaa gabadhii is beddel xoog leh oo saansaantiisa la sii arkayay baa ku dhacay.

Ninkii markii uu safarkii ka soo laabanayay, intii uu dhexda ku soo jiray, buu shil gaari galay, sababay in uu aragga beelay.

Ninkii waxa uu noqday indhoole, lammaanahiina waxay sii wateen noloshoodii, islaantii oo maalinba maalinta ka dambaysa quruxdeedii qaybi isa sii dhimayso. Hase yeeshee ninku waxa uu ka indho la’aa cilladda xaaskiisa haysata.

Ninku xaaskiisa si aan caadi ahayn buu u jeclaa, islaantuna sidoo kale, is ixtiraamkii iyo is qaddarintii h**e ayaana weli dhexdooda taallay.

Maalintii dambe, xaaskii ayaa dhimatay, ninkiina aad buu u murugooday, una muraara dillaacay. Islaantii markii qabuurihii la geeyay oo la aasay, dadkiina ay kala tegayeen, buu ninkii keligiis iska dhaqaaqay oo gurigiisii aaday.

Nin saaxiibkiis ahaa ayaa ka daba dhaqaaqay, una dhawaaqay: “War hebeloow, soow taad indho la’ayd! Soow tii ay muddooyinkii dambe oo dhan xaaskaagu ku hagi jirtay! Sidee ku dhacay in aad iminka keligaa socotid?”

Ninkii oo indhihiisa ilmo ka qubanaysaa waxa uu ku jawaabay: “Ma aanan indho la’ayne, markii aan ogaaday xaaskaygu inay cudurka qabto, quruxdeeduna sii baaba’ayso, ayaan iska dhigay in aan indho la’ahay, si aanay eegmadaydu dareenkeeda u dhaawicin”💔

Ninkii ninkaas ragannimo ku gaaraa, gacanta ha taago !!!

Sabriye Musse

Follow dheh pageka.

Adress

Stockholm
0046

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Shaamil.com postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Dela