
03/06/2025
Maalinta ay Xamar ku shirayeen maalmo yar ka hor ayey dalka soo galeen ayagoo dalal shisheeye ka yimid.
Canshuur ma baxshaan, oo xitaa qarashaadka ku baxa waxaa ka faa'ideysta dalal iyo dadyoow kale oo ay biil, kiro, iyo badarka ay cunaanba ku biiriyaan iney ku bixiyaan berin aysan degin ayagoo waliba ku bahdilan.
Difaaca iyo dagaalka dalku ku jiro af, aragti, iyo awood toona ugagama qayb qaataan.
Deegaanadoodii horumarin, hagaajin, iyo hawl midna k**a hayaan, habeenna uma hoydaan.
Markii ay shiraan oo ay shawraanna, wax na shaafiya ma sheegaan aan ka ahayn shar iyo balo sheeg, shaki iyo shux shuxna way nagu abuuraan.
Shacabka Soomaaliyeed lama shiraan, lamana shawraane, shisheeyaha ayey shilallada ku xeeran ugaga daataan, dabadeedna shabakadaha iyo shaashadaha la iska arko ayey ku shaaciyaan ayagoo shir iyo shawr ugu tagay oo sheeda ugaga daatay sharwadayaasha sheegta iney Soomaaliya shilimaan shaloongo ah oo shacabkooda laga soo qaaday ay siiyaan.
Bal haddaba su'aashu waxay tahay, dal aysan u quurin iney naftooda ku aaminaan, oo ku noolaadaan, miyey rabaan iney shar ku soo socota ka badbaadiyaan oo barwaaqo iyo baraare u horseedssn?
Maxay dalka, dadka, iyo dawladda ku soo biiriyeen?
Waxay sanad walba la soo taagan yihiin dalkaanu samata bixineynaa, mana ogola iney habeen seexdaaa oo ay u samraan silica iyo saxariirta ay Soomaalidu ku nooshahay iney la qaybsadaan.
Mar walba ma waxaan dhagaysaneynaa in nin kaligiis boorso iyo suud wataa, uu na yiraahdo anaa idin badbaadinayee halkii aan afar sano ka hor joognay aan dib ugaga sii laabanno, oo yeynaan marnaba horey u socon?
Waannu diidnay mana dooneyno inaan dib u laabano sanado iyo bilo badan midna.
Waxaan doonaynaa inaan doorano qofkii dooqeenna iyo doonisteennu noqoto, haddii Daa'imkeennu waqtigeenna noogu daro.
Noloshu waa hayaan, sidaas darteed waa inaan leenahay meel aan ka socod bilowno, meel aan ku hoyano, iyo meel aan u soconno oo aan hiigsaneyno.
Allow kheyr keen.
Ali Hersi