𝗕𝗶𝗹𝗹𝗮𝗻

𝗕𝗶𝗹𝗹𝗮𝗻 Soo dhawoow marwo/ mudane halkaan waxaad ka helin qormooyin iyo muuqaallo wax gal ah.❤️

Samir oo tawakal waxa ku iman  gargaarka EebeNoloshaaduna way uqurux badnaan sida aan filanaysid in ka badan❤️🥀
15/02/2025

Samir oo tawakal waxa ku iman gargaarka Eebe
Noloshaaduna way uqurux badnaan sida aan filanaysid in ka badan❤️🥀

Waa sax in ay yihiin dumarku kuwa aad u caqli badan oo durba barta language-ka ay doonaan.Balse money language waa tan u...
15/02/2025

Waa sax in ay yihiin dumarku kuwa aad u caqli badan oo durba barta language-ka ay doonaan.

Balse money language waa tan ugu fudud ayna ugu hor baran ogyihiin dhammaan luuqadaha adduunka.

Waa galab jimce ah waa dhamaadka maalin barakaysan ,waa saacado la aqbalo ducada adoomahaWaa maalin dhulka korkiisa laga...
14/02/2025

Waa galab jimce ah waa dhamaadka maalin barakaysan ,waa saacado la aqbalo ducada adoomaha
Waa maalin dhulka korkiisa laga dareemayo carafta dabaylaha bishii weynayd ee Ramadanka
Waa maalin weyn adoomahu boqorkooda ka rajaynayaan danbi- dhaaf iyo nolol sacaado badan
Qaarbadan ilaahay waxay ka baryayaan ubad,qaar risiq, badhkood caafimaad.
Janno, raali ahaansho danbi dhaaf iyo aduun qurxoon iimaan aan nusqaamin ayey ilaahay weydiisanayaan

Rabbiga magacyada amaanan leh ee awoodiisu is dhiman ,xumaan oodhana ka reebantahay ,sifadiisuna tahay dhamaystirnaan wuu awooda dhamaan codsiya adoomaha baahan.

Rabbiyow galabtan barakeeda hanaga qadin naga yeel kuwo ku samra imtaxaanka dunida ,maalinta abaal-marintana suubaha (scw) dhinaciisa naga yeel,nagu casuum jannooyinka ugu sareeya.🤲❤️🌹

Billan

Inagoo ku gudo jirna maalmihii barakada badnaa ee ayaamu baydka (ايام البيض) Maalmahani waa saddex maalmood oo soon sunn...
13/02/2025

Inagoo ku gudo jirna maalmihii barakada badnaa ee ayaamu baydka (ايام البيض)
Maalmahani waa saddex maalmood oo soon sunne ah bisha hijriga dhexdeeda laga soomo.
Maalmaha dayaxu ugu cadd yahay 13ka ,14ka iyo 15ka bilkasta.
Abu Hurayrah رضي الله عنه, Rasuulka wuxuu ka wariyey

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ: "صَوْمُ ثَلاَثَةِ أَيَّامٍ مِنْ كُلِّ شَهْرٍ صَوْمُ الدَّهْرِ كُلِّهِ".

Rasuulka ﷺ wuxuu yiri: "Soonka saddex maalmood bishii waa sidii qof u soomay sanadkii oo dhan."
Maalmahaas saddexda ah waxaa xadiis kale lagu sheegay inay yihiin 13-ka, 14-ka, iyo 15-ka bisha Hijriya:

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ: "إِذَا صُمْتَ مِنَ الشَّهْرِ ثَلاَثَةَ أَيَّامٍ فَصُمْ ثَلاَثَ عَشْرَةَ، وَأَرْبَعَ عَشْرَةَ، وَخَمْسَ عَشْرَةَ".

Rasuulka ﷺ wuxuu yiri: "Haddii aad soomi doonto bishii saddex maalmood, soom 13-ka, 14-ka, iyo 15-ka."

Maalmahaas fadliga badan waxa inoo dheer inaynu ku guddo jirno bishii shabcaan waliba 15kii shabcaan ayaa caawa ku beegan qofkii soonkii ayaamu baydku usocday caawana si weyn ha ugu sii diyaargaroobo ,inta kalena waynu ku baraarujiynaa inay habeenkan ka faa'idaystaan caawa ilaahay danbi-dhaaf ,mahadnaq iyo baahida aad qabtidba uga faa'idaysatid,baryada ilaahay maaha wax laga quusto ama laga daalo waxa kale oo inoo dheer barakadii jimcaha

Ilaahay ha inaga aqbalo ducooyinkeena raagsanmayno ,waxkasta oo gacanta boqorkeena ku jira.❤️

Billan

Qalbiga dumarka❤️
10/02/2025

Qalbiga dumarka❤️

Dhaqamada wanaagsan waxa ka mid ah in qofka laga nabad galo afkiisa waa camal wanaagsan oo Rasuulkuna scw ina faray in a...
10/02/2025

Dhaqamada wanaagsan waxa ka mid ah in qofka laga nabad galo afkiisa waa camal wanaagsan oo Rasuulkuna scw ina faray in aynu janno ku heli karno.

Waqtigan xaadirkan waxaynu baranaa dad badan oo iyagu aqoon inoo lahayn, waa dadka caanka ee badankoodu noloshooda shaqsiga ah kusoo bandhiga baraha bulshada
Waxaynu ku aragnaa dabeecado qaar Ina cajabin, kadib badhkeen ayaa aflagaado iyo cay kula dul dhaca.
Mararqaar ilaahay abuurka iyo sancada qofkaas uu ku nimcaystey ayeynu durnaa, taasina waa danbi aad u weyn laga yaaba inta aad nooshahay in aad qofka la kulmin cafisna weydiisan ama isaga geeridu haleesho.

Runtii arinkaas inbadan ayeynu aragnaa aynu iska ilaalino nafaheena ayaa la Ina raacshay ,nafteena uunba la iga xisaabi doona maalinka abaal-marinta.
Ilaahay xaqa ha inagu sugo.

"Haweeney 81 jir ah oo baratay  programming iyadoon lahayn  khibrad h**e , kadibna samaysay Game iPhone loogu talagalay....
09/02/2025

"Haweeney 81 jir ah oo baratay programming iyadoon lahayn khibrad h**e , kadibna samaysay Game iPhone loogu talagalay."

Da'du kaliya waa number caqabad kuma aha inaad qabsatid waxa aad rabtid.
Billan

Karti ,dumarnimo iyo dhalinyarnimo🫡♥️
05/02/2025

Karti ,dumarnimo iyo dhalinyarnimo🫡♥️

Gabadha   joogta guriga ee  carruurteeda      korsatay, shaqo la'aan ma ahan  ee waxay haysaa shaqada aduunka ugu adag.K...
01/02/2025

Gabadha joogta guriga ee carruurteeda korsatay, shaqo la'aan ma ahan ee waxay haysaa shaqada aduunka ugu adag.

Keliya Shaqo lama yiraahdo tan banaanka laga soo qabto ee lagu bixiyo lacagta yar .

Dib udhigasho.Dib udhigashada (procrastination) waa caado qofka ku keenta inuu dib u dhigo howlaha muhiimka ah, taas oo ...
24/01/2025

Dib udhigasho.

Dib udhigashada (procrastination) waa caado qofka ku keenta inuu dib u dhigo howlaha muhiimka ah, taas oo inta badan sabab u ah waqti lumis, walwal, iyo hoos u dhac ku yimaada waxqabadka. Sababaha keena waxaa ka mid ah cabsida guul-darrada, waajibaad badan oo isku mar ah, ama xiiseyn la’aan ku saabsan hawsha la qabanayo.

•Dib udhigashada waxay keenaysaa in la waayo waqti ku filan oo lagu dhammeeyo hawlaha muhiimka ah.

•Walaac badan iyo fikirad taban: Hawlaha aan waqtigooda lagu qaban waxay abuuraan culays maskaxeed ,nafis kuma dareemaysid oo marar badan canaan baad naftaada kula dul dhacaysaa.

•Saameyn taban oo ku timaadda nolosha qofka: Waxqabadka oo yaraada ayaa keena inuu qofku dareemo inuu guul-darro la nool yahay.

Saddexdan qodob aynu xalka kusoo koobno :

1. In howsha loo qaybiyo qaybo yar-yar oo la maareyn karo.

2. In la diyaariyo jadwal cad ,in aad qortid hawlaha aad qorshaynasaa waxay ka caawin doonta si nidaamsan in aan hawl walba waqtigeeda ugu dhamaysid .

3. is-xasuusi faa’iidooyinka aad heli kartid haddii uu shaqada waqtigeeda ku qabto.

23/01/2025

Dumarku intii ay ilaahay ka baqaan haka xijaabtaan wiilasha : ka qora lacagta korontada, kuwa biyaha iyo kuwa u keenna dhuxusha.

Waxaa ay iska oran Alla nin baan ku moodayay dee walaal wuuba yahay .😎😅

waxaa dumarnimo ila sheegan karta keliya gabadha noocaan ah;1: Gabar aan weligeed ka faanin dumarnimadeeda. 💪2: Gabar  a...
21/01/2025

waxaa dumarnimo ila sheegan karta keliya gabadha noocaan ah;

1: Gabar aan weligeed ka faanin dumarnimadeeda. 💪

2: Gabar aan weligeed si ay attention uga hesho nimanka aan bahdil u gaysan gabar kale.🧠

3: Gabar dumaashiyaasheed aan u arkin cadow ee La, leh xidhiidh wanaagsan.🫶

4: Gabar aan ammaan u arkin in sife rag lagu ammaano.🫸

5: Naag aan shukaansan gabar kale oo walaasheed ah ninkeeda .😊👏

6: Naag nafteeda jacel oo aan weligeed jacel dartiis uga tanaasulin sharafteeda.👸

7; Gabar isu aragta in ay nafteeda mas'uul ka tahay oo aan oran hebel baa sharaftiisa ahay ee iyadu nafteeda u nool oo aan ceeb iyo xumaan toona la rabin. 👸 ❤️

8: naag aan ka xumaan Ereyga [Naaya]🩵🫂

9: Gabar jacel in ay guuleystaan dumar kale.💌

Ku sii darso adna 👸🌼

Adress

Stockholm

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när 𝗕𝗶𝗹𝗹𝗮𝗻 postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Dela