Wargeyska HADAF

Wargeyska HADAF Wargeyska Hadaf Boggan waxaad ka akhrisan gartaa wararka jaaliyada Soomaaliyeed ee Iswiidhen. Wuxuuna ku lamaanan yahay warsidaha Hadaf ee jaaliyada.

Warbixinta uu xambaarsan yahay warsidaha Hadaf'na waa mid joogto ah oo uu guddiga fulinta ee SRFS horey u balan qaaday, inuu 3-dii biloodba mar soo siin doono ururada xubnaha ka ah SRFS. Warbixinta ma ahan mid iyadoo daabacan xubnaha gaari doonta, waa warbixin si electronic ah ku soo gaari doonto xubnaha.

*** ***

TODOBAADKA DHAQANKA EE ESKILSTUNA.Bishii November waxuu ururka SRFS ka helay casuumaad Isbuuca dhaqanka ah maamulka maga...
10/02/2015

TODOBAADKA DHAQANKA EE ESKILSTUNA.

Bishii November waxuu ururka SRFS ka helay casuumaad Isbuuca dhaqanka ah maamulka magaalada Eskilstuna.
SRFS ayaa la wadaagtay dood dhoor su’aal ahayd howlwadeenada arimaha bulshada ee magaaladaasi.
Su’aalaha doodana waxaa ka mid ahaa: farqiga u dhaxeeya habka bar'baarinta caruurta ee Sweden iyo Soomaaliya, soo galootiga cusub iyo sida loo qaabilo, iyo weliba su'aalo kale oo ku saabsan soomaalida reer Eskilstuna.

Sidoo kale ayaa habeenimadii SRFS waxay la wadaageen siminaar xubno muhiim ah oo howlmaalmeedkooda kula kulma dad soomaaliyeed. Waxaana ka mid ahaa Macalimiinta dugsiyad, howlwadeenada caafimaadka iyo deganayaasha Eskilstuna.
SRFS waxaa uga qeyb galay kulankaas Habane Xasan iyo Caasho Ismaaciil.

[email protected]
www.srfs.se

SHIRKA GUDDOOMIYE YAASHA URURADA SRFS. Gudoomiyeyaasha ururadda ka tirsan Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Isw...
10/02/2015

SHIRKA GUDDOOMIYE YAASHA URURADA SRFS.

Gudoomiyeyaasha ururadda ka tirsan Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Iswiidhen (SRFS) ayaa shir soconayay labo maalmood ku yeeshay hotel-ka IBIS-Spånga ee magaalada Stockholm.
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen guddoomiyeyaal ka kala yimid inta badan gobolada dalkan Sweden, ayaa looga hadlay qodobo badan. Waxaana ka mid ahaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta dalada SRFS iyo ururada xubnaha ka ah.
Sidoo kale ujeedooyinka shirka waxaa ka mid ahaa qorshaynta howlaha ay SRFS iyo ururadeeda xooga saarayaan sannadka 2015 iyo waxa uu urur kasta doonayo in ay SRFS wada qabtaan.
Intii uu socday shirkan waxaa sidoo kale looga hadlay cunsuriyadda noocyadeeda kala duwan iyo sidalaysaga kaashan karo ka hortageeda.
Shirkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee si’gaar ah masuuliyiinta SRFS ulayeeshaan guddoomiye yaasha ururada ka tirsan dalada. Marka laga reebo shirka guud ee sannad laha ah.
Sida la qorshaynayo shirarka noocan ah waa kuwo sannad walba uu maamulka la qaadan doono madaxda ururada, si ururada ay talo ugu yeeshaan howlaha SRFS ee soosocda.
[email protected]
www.srfs.se

BOOQASHADII  DR.CABDIRAXMAAN (BAADIYOW)Dr. Cabdiraxmaan Macalin (Baadiyow) ayaa booqasho ku yimid dalkan Sweden. Dr. Baa...
10/02/2015

BOOQASHADII DR.CABDIRAXMAAN (BAADIYOW)

Dr. Cabdiraxmaan Macalin (Baadiyow) ayaa booqasho ku yimid dalkan Sweden. Dr. Baadiyow oo socdaalkiisa ku booqday dhoor magaalo oo ay ku jirto caasimada dalkan Sweden ee Stockholm ayaa waxaa u suurta gashay in uu kulamo la qaato qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan.
Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Iswiidhen (SRFS) ayaa kulan casho ah kula qaatay Dr.Baadiyow xarunta SRFS ee Sweden.
Masuuliyiinta SRFS ayaa warbixin guud ka siiyay Dr.C/raxman xaalada jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden. Sidoo kale waxaa isna dhankiisa ka warbixiyay Dr.Baadiyow oo ka hadlay xaaladda guud ee dalkeena Soomaaliya. Ugu danbayntiina waxaa kulanka soo xeray guddoomiyaha SRFS Cabdinuur Ciise.

[email protected]

SHIRKA IS-KAASHIGA DALADAHA NORDIC.Daladaha Somaliska Riksförbundet (SRFS), iyo Finlands Somaliska League (Suomen Somali...
10/02/2015

SHIRKA IS-KAASHIGA DALADAHA NORDIC.

Daladaha Somaliska Riksförbundet (SRFS), iyo Finlands Somaliska League (Suomen Somalitiitto) oo kala matala ururada soomaaliyeed ee dalalka Sweden iyo Finland iyo ururo kale oo ka socday dalalka Norway iyo Denmark ayaa kulan si heer sare ah looga soo shaqeeyay ku wada qaatay dalka Finland.
Kulanka oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen ururada kala matalayay afarta dal ayaa hadana waxaa si gaar ah isaga kaashaday suurta galintiisa SRFS iyo Suomen Somaliliitto.
Ujeedada ugu wayn ee shirkan ayaa ahayd sidii ay daladahan u yeelan lahaayeen iskaashi iyo wada shaqeyn joogta ah.

Waxa sidoo kale kulan kan lagu casuumay madax sare oo heer wasiir ah oo ka kala socday dalalkan. Sidoo kale dowlada Soomaaliya ayaa iyadana shirkan lagu casuumay oo wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda ayaa ka soo qeyb galay. ..

Madaxda iyo aqoon yahano soomaaliyeed oo lagu casuumay sirka ayaa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay halkaas. Ugu danbayntiina shirka waxa uu ku soo dhamaaday sidii loogu talogalay.
[email protected]
www.srfs.se

12/12/2014

Adress

Österögatan 1, Kista
Stockholm
16440

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Wargeyska HADAF postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Dela