27/08/2025
*Safarka Degdegga ah ee Jen. Mahad Cabdiraxmaan (Shub) ee Baydhabo*
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub), ayaa shalay si degdeg ah ugu ambabaxay magaalada Baydhabo. Ilo-wareedyo xog ogaal ah oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyada ka socda Villa Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in safarka Jananka uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo miisaan leh, kuwaas oo ay si gaar ah uga wada tashanayaan isaga iyo Laftagareen – wiilka uu soddoga u yahay – iyo saaxiibkood Aadan Madoowe.
*Ujeeddooyinka Safarka:*
1. *Isbeddelka Maamulka Degmada Baydhabo:*
Waxaa la filayaa in la beddelo guddoomiyaha degmada Baydhabo, Cabdullaahi Cali Watiin, iyadoo la isku raadinayo shaqsi cusub oo lagu beddelo, taasoo lagu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.
2. *Magacaabista Taliyaha Cusub ee Asluubta:*
Janaraal Shub ayaa wajahaya xaalad caafimaad darro kadib maaddaama uu la il-daran yahay xanuunka Faalig. Tani waxay dhalisay baahi degdeg ah oo lagu raadinayo beddelkiisa, iyadoo la isku dayayo in xilkaasi uusan gacanta u gelin cid aan iyaga ka mid ahayn, sida wararku sheegayaan Laftagareen iyo Jeneral Shub waxaa miiska u saaran nin magaciisa lagu sheegay Amiin Mad Daruur (Amiin Hoomeey) kaasoo hadda ku magacaaban Taliyaha Booliska Gobolka Baay.
3. *Ka Jawaabista Heshiiskii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka:*
Waxaa laga baaraan-degayaa jawaabta laga bixinayo heshiiskii dhowaan la gaaray oo u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta miisaanna culus ee Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal. Laftagareen iyo Aadan Madoowe waxay u arkaan in heshiiskaasi halis gelinayo kuraastooda iyo saamayntooda siyaasadeed ee hadda jirta iyo tan mustaqbalkaba.
Inkasta oo Aadan Madoowe si toos ah aan safarka uga muuqan, haddana ilo sirdoon ayaa xaqiijinaya in uu yahay maskaxda gadaal ka riixeysa kulamada socda. Safarka Jen. Shub ayaa noqon kara mid fure u ah isbeddelo siyaasadeed oo culus oo laga filan karo Koonfur Galbeed maalmaha soo socda.