Hubshe Media

Hubshe Media pege-kan waxaad kahelikartaa barnaamijyo muhiim ah iyo warar tayeysan

05/08/2024

Qori iyo qaaciisba waa la'isla tuuraaye,dalka hadii nabad laga rabo, caqiidada qaldan dadka halaga saaro. ✅️

02/04/2022

(3)
soomku yuu ka ansaxaa ?
yuuse ku waajibaa ?

28/03/2022

(2)
?

21/01/2022

wacdi saameyn leh

20/01/2022

Sikooban ku baro dalka

07/11/2021

AMA BOQOLAAL GRAM OO DAHAB AH WALLAHI WAA YAAB!!!
bal aan wada dhagaysano walaalayaal inta lagu ama lagu guuriyey gabadhii ugu qayrka badnayd haweenka ee uu dhalay suubanaheena muxamed (n.n.k.h)

07/07/2021

Waa maxay passport ?

Nin Reer baadiyo ah Ayaa xaaskiisa u yimid wuxuuna ku dhahay waad iga furantahay ilaa in mudo ah ;ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦkadib ninkii wa...
30/06/2021

Nin Reer baadiyo ah Ayaa xaaskiisa u yimid wuxuuna ku dhahay waad iga furantahay ilaa in mudo ah ;ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ

kadib ninkii waa uu ka shalaayay, waxa uuna doonay in uu ka noqdo, hasa ahaatee waxa uu Raadiyay Mudadaas u carabaabay inta ay tahay,

wuxuu soo aaday Rasuulka scw wuxuuna rabay inuu waydiiyo: Goorma ayaan Xaaskeeyga ku noqon karaa? Hasa ahaatee Rasuulka scw wuu soo waayay xaafadiisa ma joogin waqtigaas.

kadib wuxuu soo aaday Abuu bakar Rc wuxuuna waydiiyay isla Su,ashii ahayd " ﺣﺘﻲ ﺍﻟﺤﻴﻦ " Tafsiirkeeda (macnaheeda) Abuu bakar Rc wuxuu ku Macneeyay: xaskaaga kuuma banaano ilaa Aad ka dhimaneeso, Yacnii waligaa kuma noqoneysid, wuu ka soo Tagay.

Hadana wuxu u yimid cumar bin khadaab Rc Hadana isla su,ashii ayuu waydiiyay cumar Rc wuxuu ku jawabay : waxay Xaraam kaatahay ilaa 40sano.

Hadana wuxuu u yimad cuthman bin cafaan Rc isla su'ashii ayuu waydiiyay, cuthmaan wuxuu ku jawaabay: waxay xaaraam kaatahay 1sano oo kaamil ah(12bil).

Hadana wuu ka so Tagay wuxuu u yimid Cali bin abii daalib isla su'ashii ayuu waydiiyay? wuxuuna ugu jawaabay: waxay xaaraam kaatahay 1 habeen.

Saxaabigii jawaabihii Tirada badnaa ayuu ku wareeray, Ra'yigee qadataa Tafsiirka kalmdii ahayd " ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ "

kolkaaas buu usoo noqday Rasuulka scw Asoo bustihiisa ku hoos jira, waxa uuna u sheegay wixii dhacay iyo jawaabihii u soo helay.

Rasuulka scw wuxuu dhahay Fadhiiso, wuxuu u Yeeray 4tooda,(Abuubakr,cumar,cithman iyo cali)RC Markeey u yimaadeen Rasuulka scw,

Abuubkar ayuu Rasuulka ku dhahay: Abuu bakarow sababtee ayaad Ninkaan xaaskiisa Ugu xarimtay ilaa uu ka dhimanayo "Yacnii inuusan waligiis ku noqon karin?

Abuubakar: Rasuulka allow Ilaahay soo Qur'aanka kuma dhihin ( ﻓﻤﺘﻌﻨﺎﻫﻢ ﺣﺘﻰ ﺣﻴﻦ ) macnaha " ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ " ee halkaan ku jirtana so maahan ilaa dhimshada"

Rasuulka scw wuu amusay, wuxuuna dhahay adigana cumarow maxad ninkan xaaskisa ooga xarintay 40 sano.?

Cumar asna wuxuu dhahay: Rasuulka allow, Alle soo qur'aanka kuma dhihin bilaawga suuratul INSAAN ( ﻫﻞ ﺃﺗﻰ ﻋﻠﻰ ﺍﻹﻧﺴﺎﻥ ﺣﻴﻦ ﻣﻦ ﺍﻟﺪﻫﺮ ﻟﻢ ﻳﻜﻦ ﺷﺌﺎ ﻣﺬﻛﻮﺭﺍ ‏) " ﺣﻴﻦ " Halkaan macnaheeda waxaay ku tahay" in Nabi adam CS janada u ku Nagaaday 40sano Inta aanan Dhulka loo soo Dajin.

wuu amusay Rasuulka scw. Hadana wuxuu dhahay adigana Cithmaanow maxaad ugu xarimatay Ninkaas Xaaskiisa mudo sanad ah (12bil).

Cithaman bin cafaan ayaa yiri: Rasuulka allow, miyuusan Alle subxaannahu watacaala Qur'aanka ku dhihin (ﺗﺆﺗﻰ ﺃُﻛﻠﻬﺎ كل حين)" ﻭﺣﻴﻦ " Halkaan waxay la macno tahay geedaha badankood waxay miro dhalaan sanad walba,

wuu amusay Rasuulka scw. Hadana wuxuu dhahay adigana caliyow maxad ugu xarimtay Ninkaas Xaaskiisa mudo Habeen ah?

Cali ayaa yiri: Rasuulka allow miyuusan alle Qur'aanka ku dhihin: ( ﻓﺴﺒﺤﺎﻥ ﺍﻟﻠﻪ ﺣﻴﻦ ﺗﻤﺴﻮﻥ ﻭ ﺣﻴﻦ ﺗﺼﺒﺤون ‏)" ﻭﺣﻴﻦ " Halkaan waxay lamid tahay "Habeenkii"

Rasulka Scw wuu ku farxay Saxaabadiisa. Markaas Ayuu yiri "Saaxabbadayda waa sida xiddigihi oo kale mid kasta ood ku dayataan waad ku hanuuneysaan,"

Rasuulka scw wuxuu u ishaaray inuu qaato Fikirka cali Rc sababtoo ah isagaa kuu fudud ayuu ku yiri.!!

Hadaad ku raaxeysatay Akhrinteda ku sali xabiibka Scw

Waa codsi ma aha amar Hadduu ku soo gaaro kheyrkaan Allaah dartiis u Share garee.

Hubshe media
Like iyo shere
Mahadsabid
X:samafalegroup

02/06/2021

oo baxar galey kadibna weelkii maqaaxida lagu dhaqay😀😁😁

"Dadka Sidee ayeey jinka isaga ilaalin Karaan.?!Marka h**e Aan Ku siiyo Macluumad Kooban Oo Ka hadlayo Nuucyada jinka U ...
11/04/2021

"Dadka Sidee ayeey jinka isaga ilaalin Karaan.?!

Marka h**e Aan Ku siiyo Macluumad Kooban Oo Ka hadlayo Nuucyada jinka U Kala baxo:
قال تعالي:[وماخلقت الجن والإنس الاليعبدون]:

Jinku Waa Makhluuq Laga Abuuray Dab Olol badan , iyaga Waa ay inna Arki Karaan Lkn innagu Ma arki Karno Waayo Allah baa Arageena Waxaa Uu Saaray Dabool innaga qarinaya inan Muuqaalkooda aragno.

Waayo Haddii Kale Oo Aan Arki laheen Muuqaalkooda Waan Argagaxi laheen Oo Naxdin baanu la dhiman laheen Muuqaalkooda Waa Mid lagaga Argagaxo Maslaxad darteed ayaa innoola Kala qariyay.

Waxeey Ku nool yihiin hareeraheena iyo dhinacyadeena Qaarkood Weeyba nala dhaqmaan Sida dharka biyaha jiifka Macaamalaadka guud ayeey nala Wadagaan.

Waxaa loo Kala qeeybiyaa jinka ilaa Sadax qeyb

1: { Cifriit } Kani Waa Nuuc Ka mid ah Bahweeynta jinka Waxaa Uu leeyahay Awood gaar ah Wuxuu Awoodaa in Uu Waxa Uu doono Ka soo qaad qaarad Ka qaad Ama Wadan Ka Wadan, Waa Midka U fududeeya Qolyaha Saaxiriinta ah in Ay Wax Sixraan indho sarcaad badan ayuu la yimaada.
قال تعالي:[ قال عفريت من الجن أنا اتيك به قبل ان تقوم من مقامك]:

2: { Khubul}: Waa Nuuc labaad Waa qeybta dabaalada ah Ama Doqomada Ee jinka Waa Kuwa inta badan dhiba beni Aadanka Waxeey Ku Keenaan Sida Waalida iyo Shooka badan.

3: [Giilaan]: Waa Nuuc Ka Mid ah Nuucyada Jinku U qeybsamo Qeybtaan Waxeey isu soo ekeysiiyaan sida dadka ama bisada , Eey Dameer, iyo Xayawaano Kale .

Dhamaantod Sidaa ay yihiin Hadane Waa Kuwo Aan Tabar laheeyn Oo ducafa ah Marka la fiiriyo Hadalka Allah Ee ahaa:
قال تعالي: [إن كيد الشيطان كان ضعيفا]:

Sidaa daraaded intooda badan Ama dhamaantood Weey Ka baxsadaan goobtii lagu aqrinayo Suuratu "يس Ama Suuradaha Mucawadateynka الفلق" الناس Ama Suuratuالبقرة Awood Uma lahan Eey Ku dhageystan Dhamaan suuradahaan Aan Kawarnay .

Aad beey U neceb yihiin Waana Ku gubanayaan ilaa heer geer ku sigtaan.

F: G : Walaalkeyga ama Walaasheyda muslimada ah Waxaa Lagu boorinayaa in Aad talaabadan qaadaan Mar Walba intaad Nooshahay :

1: Markad rabto inaad dharka badalato Waxaad tiraahdaa" بسم الله الرحمن الرحيم " Si aysan Marna U arkin Cowradaada Waayo

Eegmadooda Waa mid Qaab daro badan Laga yaabo in ay Ku cowreystaan Ka dib Ku jirato.

2: Markad Seexaneyso Waxaad U jiifataa dhanka midigta Waxaad aqristaa Labada Suuradod Ee Mucawadateynka ah
Haddii Aad ilowdo Jinka iyo Shayaadiinta Kale

Habeenka Waxeey Ku dulseexanayaan Korkaada Weeyna Kugu dul ciyaarayaan Waxeey Kugu sameeyn Karaan Riyo Argagax leh iyo Madax Xanuun Waagu marku baryo ah.

3: Markad meel sare Ka soo dageyso sida dabaq ama Wiish Waxaad ku bilaawdaa Bismillh Maxaa yeelay Waxaa dhici karto in Halkaa Ruux jin ah Hurdayo

4: Suuliga ama Musqulaha Haku daadin Biyo Kulul Adigon dhihin
اللهم إني أعوذبك من الخبث والخبائث
Maxaa yeelay Halkaa Waa gurigooda Ugu Qiimaha badan Markad Ku Xaajo gudaneysane Ha Ku dhax hadlin Ama Haddii Qof Ku Waco Ha U jawaabin Waxaa sido Kale Dhici Karto in Aad Soo jeediso Dhamaan jinka meesha dagan Ka dib Adiga Ku soo Aadan Kuna dhibaateeyaan.

5: Haddii Aad dhagaha Ka maqasho Wax sida sacab la tumayo Ayadoo Aadan U jeedin Waxa sacbinaya Ama Aad dareento Kuleyl Kugu furan Ama Kugu soo Shiirto Sida dab Gubanayo Waxaad ogaataa hortaada Waxaa taagan Ruux jin ah Waxaad Sameysaa Ka Cuudubileyso .

6: Haddii Uu Kaa hor yimaado Xayawaan Sida bisad Madow badan Ama Nuuc Kale Oo Xayaan Aad Ka baqdo Adiga Waad Ka baqday lkn isaga Waa Uu Kugu soo socdaa kaama baqayo Ka carar Kaas Waa Jin Ka dib Cuudubileyso.

7: Ha isku dayin inaad hor istaagto miyaaradda Qolkaaga Adigoo Qaawan Adigo is eegaya
Haddii Nin Aad tahay Waxaa Ku jeclaan doonto Naag jin ah Haddii Aad gabadh tahay Waxaa Ku jeclaan doono Nin jin ah.

Markaa Ka dib Jinkii Ku jeclaaday Waxaa Uu Habeenkaa isku dayayaa in Uu Kula Raaxeysto Haddaad gabadh tahay Ninka jinka ahaa Raaxo ayuu Habeenkaa kaa rabaa
Haddii Aad Nin tahay Naagta jinka Habeenkaa raaxo ayeey Kaa rabtaa Mana Awoodid Howsha

8: Markad Seexaneyso Waxaad Ku Sesxataa Allah Xuskiisa iyo Aayatul-Kursi Marka Jinka iyo Shayaadiintu Waxeey U dhalaalayaan sida baraf biyo Lagu riday Oo Kale.

/ Dhamaad:
Hadii Aad dhameysay Waxaad Allah dartiis U faafisaa qoralkan Si dhamaan Looga faaideysto

Haka mid noqon Kuwa Aan jecleyn Kheyrka Oo Uu Sheydaanka Ku Adeegto.

Ka soo dhiibo Fikirkaaga Waxa Aad Ka faaiiday. Qoraalkan dheer Ee Qiimaha badan.?

CCM Rashka
Like Hubshe media

Maxaad Ka Taqaannaa Taariikhdii Dahabiga Aheyd Ee  Weligii Ilaahey " Sheekh Cali Samatar Xasan "Magaciisa Haddaan Ka Bil...
12/03/2021

Maxaad Ka Taqaannaa Taariikhdii Dahabiga Aheyd Ee Weligii Ilaahey " Sheekh Cali Samatar Xasan "

Magaciisa Haddaan Ka Bilaabo Waxaa La Dhihi Jiray Sheekh Cali Samatar Xasan Cabdille Wuxuu Ahaa Caalim Cilmi Iyo Cibaado Badan..

Wuxuu Dhashay Taariikhda Hijriyada Markey Aheyd 1311 Degmada Ee Gobolka Mudug.. Wuxuuu Ku Barbaaray Degmada Ee Isla Gobolkaas Ah..
Waxaa Qur'aan-ka Soo Baray Macallin-kiisii Ciise Bin Fiqhi Wuxuu Xifdiyey Qur'aan-ka Asagoo 14 Jir Ah..

Wuxuuu Usoo Safray Gobolka Si Uu Usoo Barto Cilmiga Shareecada.. Wuxuu U Sii Gudbay Degmada Ee Gobol-ka Shabeellada dhexe..
Wuxuu Kula Kulmay Magaaaladaas Sheekhiisii Weynaa Ee Sheekh : Abuubakar Najli Khadiib Oo Uu Ka Bartay Culuum Badan Oo Xaga Shareecada Ah..

Wuxuu Dib Ugu Soo Laabtay Gobolka Wuxuuna Ku Xirmay Sheekhiisii Weynaa Ee Sheekh : Muxyidiin Macallin Mukarram Oo Uu Ka Bartay Fiq-higa Islaamka Dhamaatiis Haar Ahaan Fiq-higa Imaamu Shaafici Oo Ahaa Midka Illaa Hadda Soomaaliya Laga Barto Illaa Uu Ka Noqdey Nin Caan Ku Ah Cilmiga Fiq-higa Iyo Dhamaan Masaa'isha Iyo Iftaha..
Intaas Kadib Sheekha Wuxuu Cilmiga Tafsiir-ka Qur'aanka Iyo Culuumtiisa Ka Bartay Sheekh : Aadam Maxmuud Cawlyahan Wuxuuna Noqday Ardadiisa Ragga Ugu Aqoonta Badan Cilmiga Tafsiir-ka Iyo Culuumtiiisa..

Sheekh Cali Samatar Xasan Wuxuu Noqday Caalim Weyn Oo Yaqaanno Dhmn Culuumta Islaam-ka Fanni Kasta Iyo Qeyb Kasta..
Wixuuna Dariiqada Qaadiriyo Ee Sarreysa Ka Qaatay Sheekhiisii Jaliil-ka Ahaa Ee Sheekh : Axmed Macallin Cusmaan Kandarshe Oo Ahaa Lhaliif-kii Sheekh : Uweys Axmed Al-qaadiri Waa Sheekhii Keenay Dariiqafa Qaadiriyada Dhul-ka Soomaaliyeed..

Waxay Taariikhdu Qoreysaa In Sheekheenna Sheekh Cali Samatar Xasan Uu Lahaa Culumo Gaarayso Illaa 12 Sheekh. Waxay Ku Tusineysaa Dadaal-ka Sheekha Iyo Wadada Dheer Ee Uu U Maray Barashada Diinta Islaam-ka Asagoo Ka Tagay Dhul-kii Uu Ku Dhashay Iyo Meeshii Uu Yaqaannay..

Sheekha Culumadiisa Waxay U Direen In Uu Cilmigan Faraha Bdn Uu Bartay Looga Baahan Yahay Dhul-kii Uu Kasoo Tagay Ee Gobollada Dhexe Inuu Ka Faafiyo..
Ilaahey Wuu Ku Guuleeye Wuxuuna U Safaray Kana Billaabay Culuumtii Iyo Dariiqadii Qaadiriyo..
Dhib Bdn Oo Sheekha Loo Geystay Ka Dib Sheekha Wuxuu Noqday Nin Ay Ku Faanaan Soomaaliyoo Dhan Iyo Caalam-ka Islaamka..
Mar Uu Qasiido Ku Amaanaye Allaha U Nxrstee Sheekh : Yuusuf Sh. Ibraahim Direed Wuxuu Yiri "

فمن لم يجد حبرا محققا مثله * يدور بواد الجهل حيران أكمها

'' Ardaygii Aan Helin Sheek Cali Samatar Ookale
Weligiis Jahli Ayuu Ku Dhex Wareegayaa Asagoo Indha La' ''

Waxaa Ka Mid Ahaa Dhaxal-kii Uu Ka Tagay Sheekha 2 Kitaab Oo Muhiima Oo Kala Ah

1- Kitaab Tasawwuf Iyo Rabaynta Nafta Ah Oo La Yiraahdo
القول النافع فى التصوف

2- Iyo Kitaab Fiqhi Ah Oo Uu Ku Sharaxay Minhaaj Oo La Yiraahdo
غاية المرام في حل أالفاظ المنهاج

Culumadii Sherkha Wax Ka Bartay Aad Bay Ufara Bdnaayeen
Waxaa Ka Mid Ahaa Culumadii Ka Aflaxday Sheekha :

1- Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim Direed
2- Sheekh Cali Cilmi Yare Sheykhul Caam
3- Sheekh Yuusuf Jimcaale Dhalac
Iyo Culumo Kaloo Bdn Oo Aan Meeshaan Lagu Soo Koobi Karin.

Markay Taariikhdu Aheyd 6 Rajab 1362-kii Ayuu Sheekhu Wafaaday, Wuuxuuna Ku Dhintay Meel U Jirta 60km Oo Lagu Magacaabo Lagu Raqsay..

Cimrigiisa Oo Dhamaa 51 Sano Wuxuu Ku Dhameeye Barashada Diinta Iyo Dad-ka Bariddiisa..

Ilasheey Waxaan Uga Baryeynaa Sheekha Maqaam-kiisa Inuu Weyneeyo Barakadiisa Na Siiyo.. Aamiin.

W/Q : Maxammed Xassan Cilmi..

(Cudurka Gaaska). Maxaa keena Cudurka Gaaska ? Cudurkaan waxaa keena waxyaalo badan oo kala duwan.Labada wax ee ugu bada...
11/03/2021

(Cudurka Gaaska).

Maxaa keena Cudurka Gaaska ?

Cudurkaan waxaa keena waxyaalo badan oo kala duwan.
Labada wax ee ugu badan ee keena waa:

1. Daawooyinka loo yaqaan Xanuun baabi`iyaasha ama qandho jabinta/lafo-xanuunka/dhiig-furfureyaal, luqadda caafimadkana lagu yiraahdo NSAIDS (Non-Steroidal Anti-Inflamatory Drugs).
Daawooyinkaan waxaa ka mid ah

1. Aspirin
2. Ibuprofen
3. Naproxen
4. Diclofenac(Voltren)
5. Indomethacin
6. Celecoxib
7. Unikal
8. Meloxicam
9. Diclocin

2. Bacteeriyada loo yaqaan Helicobacter Pylori (H.Pylori).

Maxaa ku khaas ah Bakteeriyadaan?
Guud ahaan waxaa jira bakteeriyo ku nool jismiga (jimsiga) qofka, taas oo aan wax dhib ah haba yaraatee u gaysan qofka balse ayadu faa`iidooyin u haysa sida:

A. In ay qayb wayn ka qaadato shiidista iyo dheef-shiidista cuntada qofku cuno
B. Ka qayb-qaadashada samaynta iyo soo-saarka Faytamiinnada muhiimka u ah qofka.
C. Difaaca jismiga (jimsiga) qofka ayada oo
I. Bacteeriyada iyo jeermiska kale kula tartamaysa quudashada nafaqada cuntada ka iman, si ay bakteeriyada kale u waydo nafaqadaas oo ay u dhimato.
II. In ay dheecaammo dilaa ah kusii dayso jeermiskaas soo galaya jismiga (jimsiga) qofka, si ay baabi`iso.
Bakteeriyada noocaan ah waxaa loo yaqaan Flora (oo macnaheedu luqada Latinka ku ah ubax) Waxa ay ku nooshahay jirka intiisa badan sida: Maqaarka, Xiidmaha, daloolada dhagaha, Sanka, Afka IWM.

Bakteeriyadaani kuma noola:

1. Dhiigga dhexdiisa
2. Kelyaha, kaadi-haysta, kaadi mareenada aan ka ahayn afafka h**e ee kaadidu ka baxdo.
3. Maskaxda iyo Neerfayaasha
4. Caloosha

Meelahaan aan soo sheegnay ayaa ah kuwo xiran intooda badani oo aysan jirin meel bakteeriyadu ka gasho aan ka ahayn caloosha taas oo bakteeriyadu ka soo gali karto wixii afka laga qaato. Haddaba maxaa caloosha u diida in ay ku noolaadaan wax jeermis ah?
Caloosha ayaa leh aashato aad u daran taas oo aysan u dulqaadan karin noolayaasha oo dhammi. Haddaba waxaa jira hal bakteeriyo oo loo yaqaan Helico-bacter Pylori taas oo leh dheecaan ay ku darto kan aashatada caloosha, taas oo keenta in ay aashatada yarayso ama baraxdo ilaa ay gaarsiiso heer ay bakteeriyadaan ku noolaan karto. Sidaas ayaa keenaysa in Helicobacter Pylori ay noqoto waxa kaliya ee iska difaaci kara aashatadaas, sidaas darteedna ay ku noolaato caloosha dadka intooda badan.

H. Pylori ayaa ah bakteeriyada dhalisa cudurka Gaaska.

Maxaa kale oo keeni kara cudurkaan aan ka ahayn Daawooyinkan iyo Bakteeriyadaan?

Khamrada, Sigaarka, Jirrooyinka aadka u liita, Cadaadis-maskaxeedka (stress), Gubasho ballaaran , Dhaawacyada , Ekfeshinka dhiigga raaca, iyo Howl-gabka kelyaha, beerka, iyo xubnaha kale ee muhiimka aadka u ah nolosha ayaa ayana ah waxyaalaha kale ee keeni kara cudurkaan.

Hubshe media

Address

Adado

Telephone

+252619101404

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hubshe Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share