Raa,ido Media

Raa,ido Media Raaido Ali Isse

CIYAARTA GALABTA OO  SABTI AH_____DHUUSAMAREEB 🆚 GALKACYO🏟 Dhuusamareeb STADIUM 🗒️ 03/02/2024⏰ 04:PM🏆 FRIENDLY MATCH DAW...
03/02/2024

CIYAARTA GALABTA OO SABTI AH_____

DHUUSAMAREEB 🆚 GALKACYO

🏟 Dhuusamareeb STADIUM

🗒️ 03/02/2024

⏰ 04:PM

🏆 FRIENDLY MATCH

DAWASHO WACAN

__________________

Corneyl. Mohamed sh.ali isaaq(madaxeey)Waa taliyihii ugu horeeyey wax qabad muuqda ka qabtay hogaanka dhismaha ee police...
10/04/2023

Corneyl. Mohamed sh.ali isaaq(madaxeey)

Waa taliyihii ugu horeeyey wax qabad muuqda ka qabtay hogaanka dhismaha ee police ka...

DE DEG: Al-shabab ayaa Qarxiyay CeelkiiBiyaha laga cabijiray iyo labo shirkadood oo ahKuwa Isgaarsiinta kuna yaalay Deeg...
01/09/2022

DE DEG: Al-shabab ayaa Qarxiyay Ceelkii
Biyaha laga cabijiray iyo labo shirkadood oo ah
Kuwa Isgaarsiinta kuna yaalay Deegaanka
Cadakibir ee Gobolka Galgaduud.

Cadakibir oo Cadaado dhanka bari uga beegan
60KM ayaa Degmada Baxdana u jirta 30KM oo
Jihada Galbeed ah.

Howgalkaan ayaa dhacay sida dadka deegaanku sheegeen Abaara 4:00am Aroornimo ee saakay.

02/04/2022

Asc.

Khilaaf soo kala dhaxgalay Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa oo sabab u noqon kara in aay guud ahaan is taagto...
07/03/2022

Khilaaf soo kala dhaxgalay Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa oo sabab u noqon kara in aay guud ahaan is taagto doorashada Beledweyne.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa ku warramaya in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed uu soo kala dhex galay khilaaf salka haaya qaabka loo maamulayo doorashada 11-ka kursi oo doorashadooda ka harsan tahay magaalada Beledweyne.

Warka ayaa intaasi ku daraya in Cali Guudlaawe uu rabo in kuraasta harsan doorashadooda la furo halka Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed uu qabo fikir ah in kuraasta harsan loo xero musharraxiin gaar ah.

Khilaafka ayaa sidoo kale sameyn ku yeeshay Guddiga doorashada Hirshabelle oo la kala saftay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka taasi oo xaaladda cirka kusii shareertay.

Khilaafkan ayaa sabab u noqday in uu guud ahaan jadwalka doorashada 11-ka kursi ee harsan uu dib-u-dhac ku yimaado.

Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa ayaa kala wata Musharaxiin gaar ah oo qaarkood la leeyahay dhaqaale ayaa horu-dhac looga qaaday, waxaana sidoo kale iyane meesha ka marneyn sameynta mucaaradka dowladda iyo Villa Soomaaliya oo dhankooda musharraxiin wata.

Haddii xaaladda aay sidan sii ahaato waxaa lagu wadaa in Cali Guudlaawe uu dib ugu laabto magaalada Jowhar isla markaana uu dhameestiŕo doorashada kuraasta ku harsan Jowhar.

11/02/2022

Golaha kacdoonka ee Gobolka Hiiraan oo Hogaamiye Cusub u Doortay Cabdiraxman Barqadle Xuubeey.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka dalbaday Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka...
28/12/2021

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka dalbaday Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka in uu soo gudbiyo Warbixin buuxdo oo la xiriirto xariga Sheekh Mukhtaar Munsuur Roobow.

Maraykanka ayaa Taageeray Raysalwasaare Rooble.Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho  ayaa sheegtay inay taageereyso baaqii ...
26/12/2021

Maraykanka ayaa Taageeray Raysalwasaare Rooble.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay inay taageereyso baaqii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Raysalwasaaraha dalka H.E Mohamed Hussein Rooble.

Guddiga doorashada ee Puntland ayaa shaaciyay qabashada doorashada 10 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka
26/12/2021

Guddiga doorashada ee Puntland ayaa shaaciyay qabashada doorashada 10 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka

Wareegto uu soo saaray Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga  JFS ugu magacaa...
26/12/2021

Wareegto uu soo saaray Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga JFS ugu magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

Ra’iisulWasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga maanta la yeeshay wak...
26/12/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga maanta la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka kaas oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada .

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Wakiilladu waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wadatashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada.

Address

Adado

Telephone

+252612550100

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Raa,ido Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Raa,ido Media:

Share