Radio Cadaado

Radio Cadaado Warar Lahuba Oo Xaqiiq Ku Qotoma Iyo Barnaamijyo Dhaxal Gal Ah Ugu Kaaley Page Radio Cadaado

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY  DALKA JABUUTIMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max...
29/10/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DALKA JABUUTI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu uga qeybgalayo munaasabadda sannad-guurada 25-aad ee ka soo wareegtay dib u yagleeliddii Jamhuuriyadda 3-aad ee dalkeenna Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuustay Madaxda Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daahfurka Xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh xasuus qorka dadkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad dhinacyo badan tabaneyso oo ku saabsan guulaha mira dhalka ah ee ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkii dib u heshiisiinta ee dadka Soomaaliyeed loogu qabtay Jabuuti ku soo bandhigi doona munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika.

Ciidanka Danab oo 18 Khawaarij ku dilay howlgal ballaaran oo ka dhacay Jubada Hoose.Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo ...
29/10/2025

Ciidanka Danab oo 18 Khawaarij ku dilay howlgal ballaaran oo ka dhacay Jubada Hoose.

Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland (JISA), Ciidanka Gaarka ah ee Danab (Danab Special Forces), iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan oo burburin ah ka fuliyay deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.

Howlgalladan ayaa si gaar ah looga sameeyay deegaanada Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay, iyo Maleyley, halkaas oo lagu burburiyay godad iyo meelo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxaha Khawaarijta ah.

Inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa la xaqiijiyay in 18 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta lagu dilay, halka 32 kale lagu dhaawacay, iyadoo la sheegay in duqeymo cirka iyo dhulka ah labadaba la adeegsaday.

Ciidamada Dowladda Jubaland iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, si loo xaqiijiyo amniga, xasiloonida iyo nolol nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan

29/10/2025

Barlamaanka Dowladda Puntland oo ansixiyey xildhibaan cusub oo buuxiyey booskii uu ka tagay Xildhibaan h**e Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil.

Dagaal beeleed xoogan ayaa ka socda deegaanka Qaloolali, oo hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.Ilo dee...
29/10/2025

Dagaal beeleed xoogan ayaa ka socda deegaanka Qaloolali, oo hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo muran dhul daaqsimeed, isla markaana uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen, halka tiro intaas ka badan ay dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa wali socda, mana jirto ilaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug ama kan degmada Caabudwaaq oo ku saabsan colaadda iyo khasaaraha ka dhashay.

29/10/2025

Askarta Cadaysatay Shacabka iyo Gudoomiye Shuute Maxaa kala haysta

29/10/2025

Wasiirka Tamarta Puntland oo suaalo laga waydiyay Malaayiin dollar oo loogu deeqay Puntland waxa uu ku qabtay.

28/10/2025

Ninkii iska lahaa Guriga Muranka Badan ka dhaliyay Baraha Bulshada oo Hadlay.

Cabdulaahi Xasan Maxamed oo Raalli-gelin siiyay Aabahiis  Muungaab.
28/10/2025

Cabdulaahi Xasan Maxamed oo Raalli-gelin siiyay Aabahiis Muungaab.

28/10/2025

Shacabka Demaga Awdheegle oo dareemay isbadal dhinaca Amniga ah.

MADAXWEYNE DENI OO KALA DIRAY MAXKAMADDA  CIIDAMADA QALABKA SIDA IYO DENBIYADA CULUS EE DOWLADDA PUNTLAND. Madaxweynaha ...
28/10/2025

MADAXWEYNE DENI OO KALA DIRAY MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA IYO DENBIYADA CULUS EE DOWLADDA PUNTLAND.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, kuna saabsan kala dirid Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Qodobka 80-aad, faqraddiisa 19-aad iyo Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro ee ka imaanaya Guddoonka iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.

Markuu tixgeliyey: Baahida dib-u-habeyn ee ka jirta Guddoonka iyo Xafiiska Xeer - ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray Dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

2. Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus waxa gaaraya Maxkamadaha Racfaanka ee Dowladda Puntland, inta laga soo dhisayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus

3. Saraakiishii h**e ee Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland waxay dib ugu laabanayaan talisyadoodii.

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

28/10/2025

Mashruucaan waa mid faa'iido weyn u leh Umadda Soomaaliyeed

28/10/2025

Madaxda Shacabka Gaalkacyo oo ilaah ka Baryay Amni.

Address

Adado

Telephone

+252615468832

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Cadaado posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share