Afsan Tv Radio

Afsan Tv Radio Kusoo Dhawoow Page-ka Afsan Radio Tv Waxaad Kala Socon Kartaa Warbixinada Kala Duwan

28/09/2022

Wazaaradda Waxbarashada KGS. ayaa sheegtay inaysan aqoonsaneyn urur&midow dugsiyo oo ka jira deegaanada KGS.

26/09/2022

Xaliimo Yareey ayaa dalka Cumaan loogu doortay gudoomiyaha ururka gudiyadda doorashooyinka ee dalalka carabta.

24/09/2022
Kulanka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa waxa ka soo baxay go’aamo dhaxalgal ah oo looga gol leeyahay in wax looga qabto...
22/09/2022

Kulanka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa waxa ka soo baxay go’aamo dhaxalgal ah oo looga gol leeyahay in wax looga qabto xaaladaha amni ee dalka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa waxa ka soo baxay go’aamadan soo socda.

1. Goluhu waxa uu soo jeediyay si loo xoojiyo kaalinta siyaasadda ee amniga qaranka in golaha amniga qaranku yeesho kulamo aan caadi aheyn oo u gaar ah hagista howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada.

2. Waxa uu go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, oo ka koobnaanaayo, Ra’iisu Wasaaraha JFS, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Awqaafta & Arrimha Diinta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dhallinyarada, Wasiirka Isgaarsiinta, Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo ciddii kale ee uu Ra’iisul wasaaruhu u garto in aan looga maarmin hawshan.

3. Waxa uu go’aamiyay in barnaamijka ladagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata loo beddelo Hay’adda Qaran ee la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabshada wata.

4. Waxa uu go’aamiyay qabashada shir qaran oo looga arrinsanaayo fidinta, dhiirigalinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

5. Waxa uu go’aamiyay In la hirgaliyo lana fuliyo sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgalinta argagixsada (AML/CFT), lana bartilmaameedsado oo la burburiyo shabadakadaha ururada argagixisada ugu xilsaaran maaliyadda; isla markaana la sameeyo liiska xayiraadaha & cunaqabateynta lana dhaqangaliyo.

6. Waxa uu go’aamiyay ansixinta ISITRAATIIJIYADDA GUUSHA EE DABARGOYNTA ARGAGIXISADA, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Saaxiibada Soomaaliya.

7. Waxa uu go’aamiyay in wasaaradaha hoos ku taxan ay si degdeg ah u gutaan waajibaadka kaga aaddan dagaalka lagu xoreynaayo dalka.

1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha:
2. Wasaaradda Gaashaandhigga:
3. Wasaaradda Amniga Gudaha:
4. Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta:
5. Wasaaradda Caafimaadka:
6. Wasaaradda Korontada iyo Biyaha:
7. Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul Insaanka:
8. Wasaaradda Arrimaha dibadda:
9. Wasaaradda Maaliyadda:
10. Wasaardda Warfaafinta:
11. Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta:
12. Wasaaradda Dhalinyarada & Isboortiska:
13. Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada:

Jubbaland oo abaabul bilowday kuna dhawaaqday guddiyo kala duwan, sida lagu sheegey warsaxaafadeed ka soo baxay Jubbalan...
22/09/2022

Jubbaland oo abaabul bilowday kuna dhawaaqday guddiyo kala duwan, sida lagu sheegey warsaxaafadeed ka soo baxay Jubbaland:
---
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada oo diirada lagu saarayay arimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah AS.

Waxaana la dhisay guddiyada ka shaqayn lahaa howshaas oo kala ah.

1. Guddiga Hogaaminta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

2. Guddiga Taakuleynta & Gurmadka ee Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

3. Guddiga Abaabulka & Wacyigalinta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

Guddiyadan waxaa ay ka kooban yihiin laamaha kala duwan ee Dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo sida ugu dhakhsiyaha badan u howlgalaya.

22/09/2022

Kuliyadda farsamada & xirfadaha ee magaalada Qabridahar ayaa 2 qoys oo ka mid ah bulshada danyarta ah ee magaaladaasi udayactiraysa guryahooda.

Maamulka & shaqaalaha kuliyadda  tababarrada xirfadaha & farsamada ee magaalada Qabridahar ayaa barnaamijka tabarrucaadk...
22/09/2022

Maamulka & shaqaalaha kuliyadda tababarrada xirfadaha & farsamada ee magaalada Qabridahar ayaa barnaamijka tabarrucaadka bilaha xagaaga ah ka billaabay isla magaalada.

Masuuliyiinta kuliyadda tababarrada xirfadaha & farsamada ee magaalada Qabridahar iyo shaqaalaha kuliyadda ayaa saaka dhir-beeris ka sameeyay gudaha kuliyadda, dhir-beeristan ayaa ka mid ah barnaamijka cagaarinta ee dalka ka socda.

Sida oo kale, maamulka kuliyadda ayaa labo qoys oo danyar ah oo ka mid ah bulshada ku nool xaafadaha magaalada Qabridahar u billaabay dayactir guryaha ay ku nool yihiin.
Barnaamijkan oo si guud dalka dhawaan ugu billaabmay ayaa ah mid lagu caawinayo dadka danyarta ah ee hayntoodu hoosayso.
Qoysaska nasiibka u helay in guryaha loo dayactiro ayaa maamulka kuliyadda uga mahad-celiyay taakuleynta ay u sameeyeen.

Afsan Tv &Radio com

Masuuliyiin uu hoggaaminayay Wasiirka Xafiiska Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS ayaa dhir-beeris ka sameeyay magaalada Dha...
22/09/2022

Masuuliyiin uu hoggaaminayay Wasiirka Xafiiska Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS ayaa dhir-beeris ka sameeyay magaalada Dhagaxbuur.

Dhir-beeristan oo laga fuliyay afaafka h**e ee kuliyadda tacliinta farsamada, xirfadaha iyo sayniska Dhagaxbuur ayaa waxaa Wasiirka Xafiiska Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS ku wehelinayay Duqa Maamulka Magaalada Dhagaxbuur Mudane Bashiir Yuusuf.

Masuuliyiintan ayaa tilmaamay in dhirtani ka qeybqaadan doonto bilicda magaalada.
Guud ahaan muddooyinkii udambeeyay masuuliyiinta Maamulka Magaalada Dhagaxbuur ayaa waday hawlo wax lagaga baddelayo muuqaalka magaalada.

Afsan Tv &Radio

22/09/2022

"Waxaan ku qanacsanahay shir-weynaha wadatashiga ee lagu qabanayo Deegaanka iyo gudigiisa xaldoon" Maxamed Daahir, Hoggaanka Warfaafinta

22/09/2022

Goob fageere ah ayaa lagu Qisaasay Ninkii Gabadha Baydhabo ku dilay Dad ayaana Goobtii ku Miirdaboolmay.

22/09/2022

Haweenka Dhusamareb ayaa sheegay in loo diiday ka mid noqoshada Golaha Deegaanka waliba iyadoo Beeluhu u ogolaadeen.

Www. Afsan Tv Radio com

Address

Afgoye
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Afsan Tv Radio posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category