Caseyrland State House

Caseyrland State House Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Caseyrland State House, Media/News Company, Alula.

WAR-SAXAAFADDowladda Casayrland oo Soo Dhawaysay Dhamaystirka Maamulka Waqooyi Bari SoomaaliyaCaluula – 27 Luulyo 2025: ...
26/07/2025

WAR-SAXAAFAD

Dowladda Casayrland oo Soo Dhawaysay Dhamaystirka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya

Caluula – 27 Luulyo 2025: Dowladda Casayrland waxay si rasmi ah u soo dhaweynaysaa dhamaystirka geedi-socodka dhismaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, oo shirkiisu uu muddooyinkii u dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood. Tani waa tallaabo muhiim ah oo ku aaddan horumarka siyaasadeed, xasilloonida, iyo dowlad-dhiska dalka Soomaaliya.

Dowladda Casayrland waxay muujinaysaa taageerada ay u hayso dadaallada ku saleysan wada-tashi, midnimo iyo is-maqal, iyadoo aaminsan in xalalka waara ay ku yimaadaan is-faham iyo tixgelin wada-jir ah oo dhexmarta bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Casayrland waxay hambalyaynaysaa dhammaan ergadii, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka qayb qaatay hirgelinta maamulka cusub, waxayna u rajaynaysaa guul iyo horumar waara.

Sidoo kale, waxaan si adag uga digeynaa Maamulka Puntland in uu joojiyo damacyada ku saleysan faragelinta iyo carqaladaynta geedi-socodka siyaasadeed ee si sharci ah uga hirgalay Gobollada Maamulka Waqooyi Bari; Puntland waa inay fahantaa in xilligii cabburinta iyo dulmigu uu idlaaday, lagana gudbay xooggii lagu maquunin jiray rabitaanka shacabka.

Dowladda Casayrland waxay si cad uga digaysaa cid kasta oo isku dayda in ay hor istaagto geeddi-socodkaas inay qaadan doonto mas’uuliyadda ka dhalata falalkaas.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha
Madaxtooyada Dowladda Casayrland.

Address

Alula

Telephone

+252907661387

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caseyrland State House posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Caseyrland State House:

Share