11/11/2021
Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha waddanka iyo duruufaha taagan, culaysyada kala duwan ee ka jira doorashada iyo jadwallada isbaddalaya oo horay u soo baxay, islamarkaasina ay adkaatay in sidii loo qorsheeyey lagu fuliyo doorshooyinkii oo qorshaha ahaa in ugu danbeyntii lagu dhamaystiro 20ka bisha Noofeember 2021, hasa yeeshee ay suuro-galiweysey.
Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqayaa guddiyada kala gedisan ee doorashada ee Heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 Noofeembar 2021.