Makhir news

Makhir news this page is for media service of community and to assist from the community needs of news

Cidii  khibrad ule dhagaxan oo loga shakisan yahay dheman ama cidii wado uhaysa hakala soo xiriireen lanbarkan 090768385...
28/11/2023

Cidii khibrad ule dhagaxan oo loga shakisan yahay dheman ama cidii wado uhaysa hakala soo xiriireen lanbarkan 0907683852

Badhan Oo Hesha Cid U Qarenta Lana Jaan Qaada Dhigeda. Badhan Amni Badhan Nadiif ah Badhan Iftiimayso Badhan Bilicsan Bu...
04/05/2023

Badhan Oo Hesha Cid U Qarenta Lana Jaan Qaada Dhigeda.

Badhan Amni
Badhan Nadiif ah
Badhan Iftiimayso
Badhan Bilicsan

Bulshoy An midowno Oo Muujino Codkeena Iyo Cududena Si An Uga Dhabayno Hankeena iyo Himiladena

Matalaad Iyo Midnimo
Masuliyad Iyo Mudnaan

Jiil Cusub Iyo Jiho Cusub
Astaanta Ururka Mideeye U Codee Faraska 🐎 ❎

29/03/2023

بسم الله الرحمن الرحيم

Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto Aniga Oo Ah SICIID CABDIRAXMAAN MAXAMUUD Halkana idin Kula Wadaago Laga bilaabo maanta oo Ah maalin ARBACA ah, taariikhduna ku beegan tahay 29/03/2023.

Keddib wadatashiyo aan la sameeyay Qoyskayga Ehelka iyo Asxaabtayda qeybaha kala duwan ee bulshada
Markan Arkay Baahida Lo qabo Hogaan Dhalinyaro ah Nadiif ah waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa ina aan ahay musharax Xildhibaan u taagan. Tartanka Golaha Degaanka Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag Puntland.

Waxan Shacab Weynaha Degmada Badhan Waxa Marti idinka ahay Codkiina Si an Ugu Adeego Si Hufan Cadalad Isla Xisaabtan Iyo Matalad Dhab Oo ay Mudo La'aayen Hadii An Ku Gulaysto Waxan Isla Dooni doonaa Degmo Amni Ah Nadiif ah Dakhli leh Bixisa Adeegyada Dadweynaha Hesha Mashariicda iyo Horumarada Ay Degmoyinka dhigeda Helaan Waxa iga go'an Hadii Ad Codkiina Isiisan in Aan U Adeegi Doono Bulshada An Codkeeda Igu Amintay.

Waxan kulamo kala duwan la qaadan Doona Bulshada Degmada iyo tan gobalka, aniga oo rajaynaya inaan heli doono kalsoonidiinna si aan idinku matalo Golaha Deegaanka Degmada Badhan Puntland.

Bulshoy An Midowno Oo Muujino Codkeena iyo Cududena Si an uga Dhabayno Hankeena iyo Himiladena,

Matalad iyo Midnimo.
Masuliyad iyo Mudnaan

Siciid cabdiraxmaan maxamuud
Alla Mahad

بسم الله الرحمن الرحيم Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto Aniga Oo Ah Abdinasir Abdirizak Ali Halkana idin Kul...
27/03/2023

بسم الله الرحمن الرحيم

Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto Aniga Oo Ah Abdinasir Abdirizak Ali Halkana idin Kula Wadaago Laga bilaabo maanta oo Ah maalin Isniin ah, taariikhduna ku beegan tahay 27/03/2023 5 Ramadan 1444,

Keddib wadatashiyo aan la sameeyay Qoyskayga Ehelka iyo Asxaabtayda qeybaha kala duwan ee bulshada
Markan Arkay Baahida Lo qabo Hogaan Dhalinyaro ah Nadiif ah waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa ina aan ahay musharax Xildhibaan u taagan tartanka Golaha Degaanka Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag Puntland.

Waxan Shacab Weynaha Degmada Badhan Waxa Marti idinka ahay Codkiina Si an Ugu Adeego Si Hufan Cadalad Isla Xisaabtan Iyo Matalad Dhab Oo ay Mudo La'aayen Hadii An Ku Gulaysto Waxan Isla Dooni Doona Degmo Amni Ah Nadiif ah Dakhli leh Bixisa Adeegyada Dadweynaha Hesha Mashariicda iyo Horumarada Ay Degmoyinka dhigeda Helaan Waxa iga go'an Hadii Ad Codkiina Isiisan in Aan U Adeegi Doono Bulshada An Codkeeda Igu Amintay.

Waxan kulamo kala duwan la qaadan Doona Bulshada Degmada, aniga oo rajaynaya inaan heli doono kalsoonidiinna si aan idinku matalo Golaha Deegaanka Degmada Badhan Puntland.

Bulshoy An Midowno Oo Muujino Codkeena iyo Cududena Si an uga Dhabayno Hankeena iyo Himiladena,

Matalad iyo Midnimo.
Masuliyad iyo Mudnaan

Abdinazer Deebaani
Alla Mahad Leh
Wabilahi Towfiiq

DEGDEG:Wasiirkii h**e ee maaliyadda UK ayaa noqonaya  Raysal Wasaaraha cusub ee dalkaasi.Isaga iyo xaaskiisa waxa hantid...
24/10/2022

DEGDEG:Wasiirkii h**e ee maaliyadda UK ayaa noqonaya Raysal Wasaaraha cusub ee dalkaasi.

Isaga iyo xaaskiisa waxa hantidooda lagu qiyaasayaa 824 milyan oo doollar.

Wuxuu noqonayaa ruuxii u horreeyey ee asal ahaan Eeshiyaan ah ee UK hoggaamiya.

24/10/2022

Waxaa qoray Sheekh Fu’aad Aflow.

Daadkii Qardho 2020kii.

Waxay ahayd 28kii Abriil 2020kii markii daadku ku soo rogmaday Qardho, waxaa dhacay khasaare baaxad leh, dad dhintay oo gaarayey 5 qof, guryo qaybiba in duntay, ganacsato kala heer iyo jaad ah oo hantiyi ka luntay, beero khasaarooyin Kala badani gaareen, baabuur biyuhu la tageen, dad lacago kaash ahi ka lumeen iyo dad dhaawacyo gaareen.

Waxaa Madaxweynuhu magacaabay guddi, waxaan anigu ka mid ahaa guddigaas, waxaan durbadiiba bilownay in aan u qareeno oo uruurino lacag, maalin walba ama labadii maalinba lacagta na soo gaarta ayaanu saxaafadda ku baahin jirnay annaga oo sheegayna magaca, meesha iyo xaddiga lacageed ee meel walba ka yimid, si bulshaduna u ogaato dadka lacagaha soo dirayna ula socdaan, xataa haddaanu qof magicii khaladno waa naloo soo sheegijirey markaas ayaanu habeenka xiga sixi jirnay.

Waxaa feer socday shaqadaas in la soo diiwaan geliyo magacyada dadka iyo meheradaha dhibku gaaray, Isla markaasna la soo sawiro wixii dhib ah ee muuqda, waxaa xigay in la hubiyo liisaska iyo dhab ahaanshaha dhibka la soo diiwaangaliyey, in laga saaro wixii labo jeer diiwaan gashan (Duplicate) oo lagu soo reebo mar kaliya, waxaan diiwaan galinay magaca qofka oo afaran, ganacsigiisa iyo dhibka gaaray, meesha uu ku dhashay, tirada shaqaale ee uu leeyahay, in uu leeyahay shati iyo in kale,guryaha, beeraha iyo gawaarida waxaan qofka ka dalabnay in uu keeno mulkiyad, qof walba waxaan ka qaadnay sawir teesare ah kaas oo aan ku dhajinnay caddaynta aan ka qornay dusheeda.

Waxaan Qardho ka shaqaynaynay habeen iyo maalin muddo 8deed bilood ah, oo anigu aanan habeen kaliya maqnaan, haddaba maxaa qabsoomay xilligaas.

1. Waxaan dadaal dheer kaddib uruurinay lacag dhan labo milyan, todobo boqol iyo shan kun, labo boqol, konton iyo saddex doolar, dhibic sagaashan iyo lix ($2,705,253.96).

2. Waxaan aqoonsanay 1440 qof in ay yihiin dhibbaneyaasha la hubo, 887 qof waa haween oo boqolleey ahaan u dhigmaysa boqolkiiba lixdan iyo labo (62%) iyo 553 rag ah oo u dhigma boqolkiiba soddon iyo sideed (38%).

2. Waxaan dadkaas iyo dhibkii magaalada Qardho ku Celina lacag dhan hal malyan, sideetan iyo know kun, afar boqol iyo shan iyo toban doolar, dhibic kow iyo todobaatan senti ($1,081,415.71).

3. Waxaan shir jaraa'id ku sheegnay in shaqadii ahayd ciwad celinta ama kabiddii dhibbanayaashu ay gabagabowday, ayna koontooyinka guddiga ku jirto haraa dhan hal malyan, lix boqol iyo labaatan iyo saddex kun, siddeed boqol iyo soddon iyo siddeed doolar, dhibic labaatan iyo shan ($1,623,838.25).

Taas oo ah $2,705,253.96-$1,081,415.71= $1,623,838.25.

Haddaba waxaa qof walba oo reer Qardhood ahi ogyahay in aan Rabbi Ina dulmin, ee biya mareennadii oo dhan la dhistay, toggii magaalada dhexmarijirayna la baabi'iyey taas oo sababaysa in mushkilad joogta ahi dhacdo, ilaa la furo marinnada biyahana suurtogal ma aha in bedqab lagu naalloodo!.

Waxaa jira biyo xireen laga sameeyey halkii biyuhu soo marijireen oo qaybtiis daadkii 2020kii ku duntay qaybina wali dhisantahay oo u baahan in la darso aqoon ahaana loo hubiyo waxtar iyo waxyeeloba.

Waxaa hubaal ah in lacagta taal aysan sina ugu filnayn maaraynta biyaha qardhood.

Waxaase yaab leh in nalagu eedeeyo lacagta maxay u hayaan?!!, oo haddii aysan ku filnayn maaraynta biyaha, dadkii la baxayna aan ka soo ururinnay sidee kale oo la yeelikaray?!!, ma waxaa la rabay in la daadsho?, ma waxaa la rabay in la lunsado?!!, sida haddaba dad u leeyihiin waa la cunay iyada oo taal!!.

Anigu cidna k**a rabo ammaan, laakiin waxaan reer Qardhood u sheegayaa akhyaartiisa in aan inshaa Allaah imaan doono shan maalmood kaddib Qardho, haddaba waxaan codsanayaa in aad sii diyaarsataan.

1. Shir ay isugu yimaadaan nabadoonbada, aqoonyahanka, maamulka iyo akhyaarta kakeba si aan warbuxintaan kooban idiinku faahfaahinno, Una soo bandhigno caddaymaha lacagaha dadka loo qaybiyey (all support documents).

2. In aad sii diyaarsataa hantidhowr aqoon leh (Certified audit).

3. Intaas marka aan meel ku ogaano ayaan jeclahay in aan idiin sheego go'aan aniga igu saabsan.

Waxaan Rabbi ka baryayaa in Reer Qardhood dhibka ka dulqaado garansiiyana maslaxaddooda adduun iyo tan aakhiraba.

Waxaa inoo ballan ah Qardho inshaa Allaah.

Cidii  khibrad ule dhagaxan oo loga shakisan yahay dheman ama cidii wado uhaysa hakala soo xiriireen lanbarkan 090735344...
21/10/2022

Cidii khibrad ule dhagaxan oo loga shakisan yahay dheman ama cidii wado uhaysa hakala soo xiriireen lanbarkan 0907353441

Address

Puntland
Badhan
SICIID7650235

Telephone

+252907650235

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Makhir news posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share