Wadani News

Wadani News Wadani News

Guddoomiyaha Xisbiga JSP Mudane Xasan Sheekh waxaa Dastuur iyo Doorasho uga maqan:1. Lacag $50 Milyan ka badan oo lagu b...
18/03/2026

Guddoomiyaha Xisbiga JSP Mudane Xasan Sheekh waxaa Dastuur iyo Doorasho uga maqan:

1. Lacag $50 Milyan ka badan oo lagu bixiyay socodsiinta diiwaangelinta iyo doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Dastuur baddalasho! Lacagahaas waa kuwii laga sameeyay dhulka danta guud.

2. Xilal isugu jira Wasiiro, Danjireyaal, diblomaasiyiin iyo Agaasimeyaal oo kulligood la siiyay qaraabada iyo saaxiibada Xildhibaannadii codka laga rabay.

3. Dallacsiin kumannaan isugu jira askar iyo Saraakiil Militari, Booliis, Asluub iyo Nabad Sugid oo ay dhex marsadeen Xildhibaanno cod laga doonayay. Xitaa darajo Janaraal ayuu siyaasad ku bixiyay.

4. Dhul bixin xad-dhaaf ah si loogu socodsiiyo dastuurka iyo doorashooyinka. Nacfigii waxaa qaatay dadkaan ka kala tagay hadda, sumcaddiina waxay ka dhimatay isaga oo kaliya.

5. Caawa waxaa xayndaabkiisa ka maqan Xildhibaano ka socday Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo wax kasoo ansixiyay Dastuurka, xilalna ka haya Xisbigiisa haatan lagu kala dhaqaaqay ee JSP.

Malaga yaabaa inuu is daba noqdo oo qasnaddiisa dhuuqsado, dhulalka uu bixiyay inta uu ka daba tagi karana soo ceshado?

Warbixin KoobanShirkadda Hormuud Telecom ayaa ku deeqday lacag dhan $700,000,000 si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay...
10/03/2026

Warbixin Kooban
Shirkadda Hormuud Telecom ayaa ku deeqday lacag dhan $700,000,000 si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha.

Si lacagtaasi si hufan oo cadaalad ah ugu gaarto dadka u baahan, iyadoo la tixgelinayo musuqmaasuqa ka jira dalka, waxaa muhiim ah in la qaato habab cad oo la isku halayn karo.

Ugu horreyn, waxaa habboon in lacagta si toos ah loogu diro dadka ay dhibaatadu saameysay iyadoo la adeegsanayo adeegyada lacagaha mobilada, si loo yareeyo in lacagtu dhexda ku lunto. Sidoo kale, waa muhiim in la sameeyo liis sax ah oo lagu aqoonsanayo qoysaska u baahan gargaarka.

Ugu dambeyn, waxaa muhiim ah in la dhiso guddi madax-bannaan oo kormeera bixinta gargaarka iyo in bulshada si joogto ah loogu soo bandhigo warbixin cad oo ku saabsan sida lacagta loo bixiyay iyo cidda ka faa’iidaysatay.

Habkan wuxuu xaqiijinayaa in deeqda ay bixisay Hormuud Telecom ay si dhab ah u gaarto dadka ay abaaruhu saameeyeen, isla markaana la yareeyo musuqmaasuqa.

Bil gudaheed, kaydka cuntada iyo rasaasta ayaa dhammaan doona, qiimaha saliidda iyo gaaskana cirka ayay isku shareeri do...
02/03/2026

Bil gudaheed, kaydka cuntada iyo rasaasta ayaa dhammaan doona, qiimaha saliidda iyo gaaskana cirka ayay isku shareeri doonaan, sidoo kale kaydka Ruushka ayaa cirka isku shareeri doona. Mowjadaha soo socda, waxaan arki doonaa Aramco iyo xarumaha wax soo saarka saliidda iyo gaaska oo la duqeeyay, laga yaabo warshadaha korontada iyo milixda in sidoo kale la duqeyo. Uma maleynayo in dadka Khaliijka, oo bartay barwaaqada, ay u adkaysan doonaan. Waa dagaal ay ku guuleysan doonaan dadka saboolka ah iyo kuwa sabra.

Alexander Dugin,Khabiir u dhashay Ruushka ahna la taliyaha sare ee Putin.

26/12/2025

Dhagarta Gaalada iyo laab la kaca soomaalida.

26/12/2025

Dhagarta Gaalada iyo laab la kaca soomaalida.

Taatiko

Address

Baidoa

Telephone

0615404233

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wadani News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wadani News:

Shortcuts

Share