
09/05/2025
Warbixin: Madaxweyne Laftagareen iyo Difaaca Xuquuqda Digil iyo Mirifle
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa si geesinimo leh uga hor yimid ku biirista xisbi siyaasadeed uu ku tilmaamay mid aan si dhab ah u metelin saamiga siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho ee shacabka uu matalo – beelaha Digil iyo Mirifle.
Madaxweyne Laftagareen ayaa ku adkaystay in masiirka iyo matalaadda siyaasadeed ee bulshada Koonfur Galbeed aan lagu hallaynin nidaamyo xisbiyeed oo aan la tashi iyo dan-wadaag ka helin beelaha deegaanka. Wuxuu si cad u sheegay in:
Digil iyo Mirifle ay leeyihiin taariikh siyaasadeed iyo dhaqan-dowladnimo oo ku saleysan cadaalad iyo wada-tashi.
Saamigooda siyaasadeed aan lagu qiimeyn karin tirokoob been ah ama dhismo xisbiyeed aan sal iyo raad toona ku lahayn deegaanka.
Ujeedada xisbiyada qaar tahay inay cabburiyaan matalaadda beelaha aan codka badan lahayn, taasoo uu u arkay mid dhaawacaysa midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Dadaalkiisa Siyaasadeed iyo Qaranimo
Laftagareen wuxuu si firfircoon uga shaqeeyay:
Xoojinta maamulka Koonfur Galbeed isagoo dhisay gole deegaan, maxkamado iyo laamaha amniga si ay shacabka u helaan adeegyo dowladeed oo hufan.
Heshiisiin iyo nabadeyn beelaha Koonfur Galbeed, isagoo door muuqda ka qaatay daminta colaadaha gudaha.
Ka qeybgalka wadahadallada Federaalka, isagoo had iyo jeer difaacaya saamiga Digil iyo Mirifle ee heerka qaran.
Aayaha Digil iyo Mirifle
Bulshada Digil iyo Mirifle waa kuwo leh dhaqan sal adag, wax-soosaar beeraley iyo degaan hodan ah. Waxaa muddo dheer la lunsaday xuquuqdooda siyaasadeed, balse dadaalka siyaasiyiinta sida Laftagareen ayaa horseedaya in codkooda iyo saamigooda ay helaan:
Matalaad sax ah oo ku saleysan tirada, deegaanka, iyo kaalintooda dhaqaale.
Ka mid noqoshada go’aan-qaadashada qaran iyadoo aan la cabburin codkooda.
Ixtiraamka nidaamka federaalka oo ogolaanaya in maamul walba uu iskiis u tashado, gaar ahaan marka ay timaado dhismaha xisbiyada siyaasadeed.
Mowqifka Madaxweyne Laftagareen wuxuu astaan u yahay u doodista xuquuqda bulshada la dulmay ee Digil iyo Mirifle, wuxuuna tusaale u yahay hoggaan u taagan difaaca danaha shacabka ee ka baxsan dano gaar ah ama xisbiyeed.
Cabdirashiid Anteeno