09/11/2025
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay dhaqan geliso nidaamka cusub ee Electronic Travel Authorisation (ETA), kaas oo si buuxda u xakameyn doona socdaalka rakaabka ka duulaya ama u socda Soomaaliya oo ay ku jiraan dhamaan garoomada Caalamiga ah sida Muqdisho, Hargaysa, Garowe iyo Bosaso.
Nidaamkan oo bilaabanaya 27-ka Nofeembar 2025, ayaa si toos ah ugu xirnaan doona nidaamka duulimaadyada shirkadaha diyaaradaha (Departure Control System – DCS) iyo nidaamka xog isdhaafsiga rakaabka (API/PNR) sida uu muujinaayo documents ay aragtay Warbaahinta Inside Somalia.
Marka ETA la hawlgaliyo, lama oggolaan doono in rakaab loo saaro diyaarad ku socota Hargeysa ama meel kale oo ka mid ah Soomaaliya, haddii uusan oggolaansho ka haysan nidaamka ETA ee dowladda Soomaaliya.
Nidaamkan cusub ayaa siinaya dowladda Soomaaliya awood ay ku aragto xogaha socdaalayaasha oo ay ka mid yihiin:
-Magaca buuxa, taariikhda dhalashada iyo faahfaahinta baasaboorka
-Taariikhda safarka iyo fiisayaasha h**e
-Faahfaahinta tigidka iyo goobta uu ku socdo rakaabku
Khubaradu waxay sheegeen in nidaamkan ka adag yahay fiisaha elektaroonigga ah (E-visa), isla markaana uu saameyn weyn ku yeelan doono shirkadaha duulimaadyada sida FlyDubai iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo aan awoodi doonin in ay bixiyaan “boarding pass” ilaa oggolaansho laga helo nidaamka ETA ee Muqdisho.
Tan ayaa ka dhigan in Hay'adda socdaalka qofka ay doonto ka reebi karto diyaarada sidoo kale ay hayso dhamaan xogta dadka diyaarada saaran.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid amni iyo siyaasadeed oo Soomaaliya ku muujinayso in ay gacanta ku hayso hawadeeda iyo nidaamka socdaalka dalka, taasoo si toos ah u taaban karta cidkaste oo ka hor imaata.
Inside Somalia