Bayaan media

Bayaan media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Bayaan media, Media/News Company, Balad Weyn.

20/02/2025

Albaabada Jannada waxaa la furaa ..

30/01/2025

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo xoogagga shacabka oo isku garab Ah iyo Khawaariijta ayaa ka soconaya deegaanka Ceel-Lahele oo Hoos Tagga degmada Halgan, ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay dagaal xoogan kula jiraan kooxda argagixisada ahee AS.

Iska horimaadka ayaa billowday kaddib markii ciidanka huwanta ah ay weerar qorsheysan ku qaadeen goobaha ay ku sugnaayeen maleeshiyada AS taasoo keentay dagaal aad u xooggan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay is-weydaarsanayaan rasaas culus, iyadoo xaaladdu wali kacsan tahay.

Cibaado Allah Loogu dhawaanayo, laguna cirib jaraayo Khawaarijta Ayaa Subaxaan ka Socota Deegaanadda dhaca Waqooyigga Degmadda Buula-barde ee gobolka Hiiraan

DEG DEG: Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga ay ka go’an tahay in ay sare u qaadaan dadaallada diblumaasiyadeed s...
08/10/2023

DEG DEG: Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga ay ka go’an tahay in ay sare u qaadaan dadaallada diblumaasiyadeed si loo helo degenaansho laga gaaro dagaalka u dhaxeeya ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta.

Isagoo warbaahinta kula hadlay Istanbul, wuxuu sheegay in xal laba dowladood ah ay tahay sida kaliya ee lagu gaari karo nabad gobolka, haatanna ay lama huraan tahay in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah oo ay caasimad u tahay Qudus.

08/10/2023

Golaha Ammaanka ee Israel ayaa xaalad dagaal ku dhawaaqay, tan oo ka dhigay markii u horreysay ee Israa’iil ay shaaciso inay gashay marxalad dagaal oo dhab ah, tan iyo sannadkii 1973.

Eritrea: MW Afwerki ayaa soo dhaweeyey MW Xassan Sheekh
08/10/2023

Eritrea: MW Afwerki ayaa soo dhaweeyey MW Xassan Sheekh

08/10/2023

DEG DEG: Dagaalyahanno ka tirsan garabka militari ee tababarada gaarka ah qaba Xamaas ee Al-Qassam oo sita shan doonyood ayaa weerarro ka fuliyay xeebaha Asklan, halkaa oo ay sidoo kale goobo qabsadeen.

Ururka Xamaas oo Baarishuut kusoo galay magaalooyinka ay Yahuuda dagan yihiin sida Afokim, Saad, Magin, and Shukda.Waa F...
08/10/2023

Ururka Xamaas oo Baarishuut kusoo galay magaalooyinka ay Yahuuda dagan yihiin sida Afokim, Saad, Magin, and Shukda.

Waa Farsamo cajiib ah oo warbaahinta aad u hadal heyso. Sawirkaan ayaa laga qabtay Maanta

08/10/2023

DEG DEG: Xamaas ayaa war hadda ka soo baxay waxay sheegeen inay ballaarin doonaan howlgallada dagaal oo la isku xiri doono weerarro ka dhaca daanta galbeed illaa xadka Lubnaan, sida laga soo xigtay PledgedTime iyo baro Telegram-ka ee taageerra Xamaas.

Dagaalka ayaa loo arka inuu saacad walba si xooggan ku soconayo, iyadoo hoggaanka Militariga Israa’iil ay sheegeen toddobadayo inuu socon koro dagaalka, lagu tilmaamay midkii ugu xooggana ee muddo nus qarni ah ay la kulmayaan Israa’iiliyiinta.

Prof. Khalil Al-Anani, ayaa wareysi ay Al Jazeera goor dhow baahisay wuxuu ku sheegay “ Waxa socda waxay naxdin aan h**e...
08/10/2023

Prof. Khalil Al-Anani, ayaa wareysi ay Al Jazeera goor dhow baahisay wuxuu ku sheegay “ Waxa socda waxay naxdin aan h**e loo arag ku tahay Israel iyo reer Galbeed xulufada la ah, iyo Dawladda Netanyahu oo dib loogu doortay inuu amniga hagaajinayo — waxay la kulmeen Israel guuldarradii ugu weyneyd ee 50-kii sanno ee la soo dhaafay”.

Ra'iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC.Muqdisho, Oktoobar 07, 2023: Ra'iisul Wasaaraha Xukuuma...
07/10/2023

Ra'iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC.

Muqdisho, Oktoobar 07, 2023: Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.

07/10/2023

UPDATE:-Khilaaf xooggan ayaa la sheegay inuu soo kala dhex galay Hoggaanka ugu sareeya AS, kaasi oo markii dambe isku bedeley gacan ka hadal.

Sida ay baahisay Idaacadda ku hadasha afka ciidamada qalabka ee SNA Radio ayaa sheegtay in Saaka laba garab oo ka tirsan AS ay kala hogaaminayaan Mahad Karatee iyo Axmed Diriye Dagaal Qaraar ku dhexmarey Degmada Jilib ee gobolka Jubbada hoose.

Waxaa jiro khasaaro xoogan oo iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo dagaalameyaasha AS dhexdooda soo gaaray .

Khilaafka AS ayaa ka bilaabtay 3 kamid ah hoggaanka AS oo ku heyb ah Mahad Karatee kuwaas oo xabsiga la dhigey.

Waxaana hadda labada hoggaamiye ee Mahad karatee iyo Axmad Diiriye kala fadhiyaan degmada Jilib iyo Tuulada Hargeysa-yareey.

Sidoo kale Sarkaal Cabdiraxmaan fiiloow ayaa isna garab sadaxaad hoggaaminayo kaas oo taageeraya Mahad Karatee oo ah mid ka gadoodsan xarigga saraakiisha ku haybta ah .

Address

Balad Weyn

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bayaan media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share