Gugundhabe Community

Gugundhabe Community G3

Qarniyo Xusuus Mudan: Beelihii Miisaanka Lahaa ee Jidle iyo Caddaalad-darradii Dhaxashay Kala-QaybsanaantaHordhacQarniyo...
03/08/2025

Qarniyo Xusuus Mudan: Beelihii Miisaanka Lahaa ee Jidle iyo Caddaalad-darradii Dhaxashay Kala-Qaybsanaanta

Hordhac

Qarniyo badan, beelaha Jidle waxay ka mid ahaayeen bulshooyin aad loogu tixgaliyo sooyaalka Soomaaliyeed—dad leh sharaf, miisaan, dhaqan suuban iyo xiriir adag oo ka dhexeeya qabiilooyinka Soomaaliyeed. Waxay door muuqda ka qaateen nabadaynta, ganacsiga, iyo ilaalinta hidaha iyo dhaqanka. Deegaannadooda oo ku fidsanaa koonfurta, bari-galbeedka Soomaaliya, iyo Somali Galbeed ayaa noqday xarun bulsho oo xooggan oo lagu yaqaanay is-dhexgal iyo nabad ku dhisan isku kalsooni beeleed.

Si kastaba ha ahaatee, xilliyadii dambe waxaa soo baxay nidaam hoggaamineed oo aan sinnaanta ku dhisnayn, kaas oo sababay cadaalad-darro iyo kala fogaansho sii kala dhantaalay midnimadii Jidle. Reer Ugaas oo hormuud u ahaa hannaanka dhaqameed ayaa laga dareemay eex iyo tixgelin la’aan beelaha kale ee walaalaha la ahaa.

Beelihii Saameynta Xun Kala Kulmay Nidaamka Hoggaanka

1. Beesha Murule

Beesha Murule, oo ahayd tan ugu awoodda badan beelaha Jidle, ayaa dareentay cadaalad darro, ka faquuq siyaasadeed iyo dhaqan. Ugu dambeyntii waxay u guureen dhanka Kenya, iyagoo raadinaya nabad, cadaalad iyo nolol dhaanta tii deegaanka ay kasoo jeedeen.

2. Diinle Dalcowstire

Beeshii Diinle Dalcowstire waxay go’aansadeen inay la jaanqaadaan beelaha Majeerteen, si ay u helaan tixgelin siyaasadeed iyo cadaalad ay ku qanceen.

3.Maxamed Dalcowstire

Beesha Maxamed Dalcowstire waxay ka tallaabeen xuduudaha deegaanka Jidle, iyagoo ku biiray beelaha Ceyr habareji halkaas oo ay ka heleen degaan bulsho iyo siyaasad u muuqata mid ka furan tii ay horay uga maqnaayeen.

4. Beesha Agaay

Beeshan waxay si cad u muujiyeen inay dareemayaan culeys hoggaamineed iyo cadaalad darro, waxayna ugu dambeyn doorteen inay ka madax bannanaadaan nidaamkii Jidle, iyagoo xitaa duubtay Ugaas u gaar ah, taas oo ah tallaabo cad oo muujinaysa go’aan siyaasadeed iyo dhaqan oo madax-bannaan.

Illaa Maanta: Hoggaan La’aanta Beesha Jidle

Dhibta ugu weyn ee ka dhalatay burburkii siyaasadeed iyo eexdii reer Ugaas ayaa ah in illaa maanta aysan jirin Ugaas guud oo mideeya beelaha Jidle. Taas macnaheedu waa in nidaamkii dhaqameed ee beesha oo ka koobnaa laamo xooggan, aanu mar dambe yeelan xarun dhexe iyo matalaad mideysan. Mid walba waxay u dhaqaaqday meel gooni ah, hoggaan gooni ahna samaysatay si ay u badbaadiso jiritaankeeda.

Tani waxay caddeyneysaa heerka uu gaarsiisnaa kalsooni darradii iyo caddaalad-xumadii dhex gashay beelaha walaalaha ahaa. Waxaa muuqata in la luminay qiyamkii mideyn jiray beesha, lagana dhex baxay haldoorkii odoyaasha ee ka shaqeyn jiray isku haynta iyo heshiisiinta beelaha hoos yimaada Jidle.

---

Gunaanad

Jidle waa beel fac weyn, leh taariikh dhaqan iyo sooyaal bulsho oo qani ah—kuwaas oo qarniyo badan ku salaysnaa midnimo, is-ixtiraam iyo hoggaan mideeya. Si kastaba ha ahaatee, cadaalad-darradii, hoggaan-xumadii iyo eexdii soo food saartay beelaha Jidle ayaa sababay kala fogaansho, kalsooni darro iyo kala daadasho siyaasadeed.

Arrinta ugu xanuunka badan ee taariikhdan laga dhaxlay waxay tahay in illaa maanta uusan jirin Ugaas guud oo mideeya beelaha Jidle. Tani waxay muujinaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo dib-u-heshiisiin dhab ah, dib u eegis lagu sameeyo hoggaanka dhaqanka, iyo in beel walba si cadaalad ah loogu daro go'aan ka gaarista masiirka guud ee Jidle.

Haddii ay jirto himilo lagu dhisayo mustaqbal wadajir ah, waa in la qiraa khaladaadkii h**e, lagana gudbaa danaha gaarka ah ee burburiyeen jiritaankii Jidle.

WQ siyaasi Mohammed Hussein Omer
Mowliid Haji Ali Shuuriye Soomaalaay Midnimiyo Muwaafaqo Gugundhabe Community Beydisle community Suldaanka Agaay Dalcowtire Weytaan

02/08/2025

💍✨ HAMBALYO MEHER QARAN ✨💍

Mr. Abdinasir shukri & Mss. Qaali Haji Ali

Meher lagu xardhay sharaf, dhaqamo suubban iyo isu soo dhowaansho bulsho.
Waxaan hambalyo u diraynaa lamaanahan quruxda badan, kuwaas oo meherkoodu noqday mid ay ka soo qaybgaleen:
masuuliyiin sare, cuqaal, waxgarad iyo dhaqanka beelaha walaalaha ah ee Jidle iyo Xawaadle.

Waa aroos aan ahayn keliya mid laba qof, balse ah midayn iyo xushmad u dhexeeysa labada beelood.

Allah ha idiin barakeeyo guurkiinna, ha idinka yeelo qoys ku dhisan jacayl, degenaansho & ubad kheyr qaba.
Dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee maqla farxaddan, waxaan leenahay: Nala daawada, nala duceeya, nala wadaaga. 🤲💚


-

waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Guddiga Horumarinta Dhalinyarada Beesha Maamiye iyo xi...
02/08/2025

waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Guddiga Horumarinta Dhalinyarada Beesha Maamiye iyo xildhibaanada wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale ee beesha ku matalo, heer federaal iyo heer dowlad-goboleed

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd:

1: Xoojinta midnimada iyo wadajirka beesha

2: Dardargelinta horumarka iyo ka-qaybgalka siyaasadeed

3: Raadinta xuquuqda beesha ee heer federaal iyo dowlad-goboleed

kulankan waxuu daba socday shirar kale oo isdaba joog ah, ayadoo loona balamay kulama kale, si loo mideeyo dadaallada beesha loona xoojiyo ka qeybgalka siyaasadeed iyo horumarineed ee dalka.

Guddiga Horumarinta Dhalinyarada Beesha Maamiye ayaa door muhiim ah ka qaatay qabanqaabada kulanka, iyagoo ka shaqeeyay isu keenidda mas’uuliyiinta iyo waxgaradka beesha si loo adkeeyo wadajirka iyo midnimada bulshada.

Degmada Mustaxiil ayaa martigelisay barnaamijka "Dhaxal Reebka Cagaaran", iyadoo uu guddoomiyaha degmada, Mudane Maxamed...
01/08/2025

Degmada Mustaxiil ayaa martigelisay barnaamijka "Dhaxal Reebka Cagaaran", iyadoo uu guddoomiyaha degmada, Mudane Maxamed Cabdullaahi Joogow, hormuud ka yahay dadaalka lagu beeraya malaayiin geed si loola dagaallamo nabaad guurka iyo isbeddelka cimilada.

✅ Cagaar reeb → Mustaqbal dhis

✅ Neef dhir ah → Jiilal ku neefsada

✅ Cagaar samee → Dhul badbaadi

✅ Dhirta beero → Nabaad guurka jooji

✅ Gacan ku geed beerta → Gacan ku dhisa qaran

✅ Geedkasta oo la beero → Waa nolol la abuuray

✅ Hal talaal cagaaran → Hal talaabo horumar ah

Beesha Jijeele, oo ka mid ah beelaha Gugundhabe ee Hawiye, kana mid ah beelaha asal ahaan degan Koonfurta iyo Bartamaha ...
31/07/2025

Beesha Jijeele, oo ka mid ah beelaha Gugundhabe ee Hawiye, kana mid ah beelaha asal ahaan degan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale si weyn uga degan deegaanada Soomaalida ee dalka Itoobiya. Beeshani waxay si gaar ah ugu badan tahay gobolka Hiiraan iyo gobolka Bakool ee Soomaaliya, iyo sidoo kale gobolka Shabeelle ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Beesha Jijeele waa beesha ugu xuduud dheer ee wadaagta xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ay si gaar ah u degtaa degmooyinka Mustaxiil iyo Qalafe, oo ah kuwa ugu istaraatiijisan gobolka. Si kastaba ha ahaatee, beeshani k**a helin wax matalaad la taaban karo xilalka maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida. Ma jiraan xubno u matala beesha Jijeele xilalka muhiimka ah sida:

Guddoomiyeyaasha degmooyinka ay degto beesha,

Kuxigeennada gobollada,

Iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka heer degmo iyo heer gobol.

Arrintan waxay keentay dareen cabasho ah oo kasoo yeeraya bulshada beesha Jijeele, maadaama ay yihiin muwaadiniin si buuxda uga qeyb qaata horumarinta, nabadeynta, iyo wada noolaanshaha deegaanka, haddana ay ka maqan yihiin masraxa maamulka iyo go’aan qaadashada.

Waxaan si xushmad leh ugu baaqeynaa madaxda sare ee DDS, gaar ahaan:

Madaxweynaha DDS,

Wasiirrada xilalka haya,

Xildhibaanada deegaanka,

Iyo dhammaan hay’adaha deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya

Mustafa Omer
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida
Degmada Mustaxiil

Beesha degmada Mustaxiil waxay asal u ahayd 3da xildhibaan ku matala deegaanka laba mid ah wuxuu ka iibsaday beelo kale ...
30/07/2025

Beesha degmada Mustaxiil waxay asal u ahayd 3da xildhibaan ku matala deegaanka laba mid ah wuxuu ka iibsaday beelo kale oo ay qaarkood xidid yihiiin.ama abtiyaal u wada ah sidoo kale wuxu isbaaro u dhiktay matalaad beesha ka heshay dowlad deegaanka oo uu is hor istaag ku sameeyay dhalinyara dooneesay inay shaqa ka helaan. Qaybaha kala duwan ee deegaanka.
Sidoo Xilalka xafiisyada ugu muhiimsanaa ee degmada, marka laga reebo guddoomiyaha degmada Mustaxiil iyo duqa degmada, dhammaan intii kale ee ugu muhiimsaneed waxay sidoo kale ka iibsadeen reer abtiyaashiisa, isagoo adeegsanaya awood iyo dano gaar ah
Sidoo kale waxay bixiyeen dhulal daaqsiimo ah oo caan ka ahaa degmada Mustaxiill oo ay si hoos lacag uga qaateen reero kale

Waxa kale oo wali jirta cabsi weyn oo ku aaddan in hadda la wado qorshe lagu wareejinayo qabalayaasha degmada Mustaxiil, loona raaricinayo beelo aan deegaanka asal u lahayn, taasoo dhaawaceysa xaqqa deegaanka iyo jiritaanka beesha deegaanka u dhalatay.

Tani waa ceeb siyaasadeed, cadaalad-darro muuqata, iyo damac aan sal lahayn oo wax u dhimaya midnimada bulshada, xasilloonida reerka dhexdiisa

Cabashada Beesha Gugundhabe ee ku wajahan Maamulka Madaxweyne Mustafe CagjarAnagoo ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta,...
29/07/2025

Cabashada Beesha Gugundhabe ee ku wajahan Maamulka Madaxweyne Mustafe Cagjar

Anagoo ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada beesha Gugundhabe ee ku dhaqan Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI), waxaan si cad u muujinaynaa walaaca iyo cabashada beesha ee la xiriirta cadaalad-darrada ka jirta maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).

Cabashooyinka Ugu Muhiimsan:

1. Matalaad La'aan Siyaasadeed – Heer deegaan &Gobol & Heer Federaal

Beesha Gugundhabe waxay si buuxda uga qeyb tahay bulshada deegaanka, waxayna degtaa dhul baaxad leh oo ku yaalla dhammaan gobollada deegaanka. Si kastaba ha ahaatee, beeshan k**a muuqato matalaadda siyaasadeed ee muhiimka ah:

Lama siiyo xilal gobol iyo federaal oo ku saleysan tirada iyo deegaanka ay degto.

Beesha waa laga reebay miisaaniyadda siyaasadeed iyo wakiillada lagama maarmaanka u ah maamulka deegaanka iyo dowladda dhexe ee Itoobiya.

2. Magacaabista Degmooyin & Gobollo Cusub oo Beesha Lagu Baalmaray

Maalmo ka hor, madaxweynaha deegaanka wuxuu magacaabay degmooyin iyo gobollo cusub, kuwaas oo gebi ahaanba lagu saleeyay eex iyo dano gaar ah, iyadoo beesha Gugundhabe laga saaray liisaska.

Tani waa tillaabo ka dhan ah wadajirka beelaha deegaanka degan.

Waxaa lagu xadgudbay xuquuqda aasaasiga ah ee beesha ee dhanka dhulka, siyaasadda iyo maamulka.

Xaqiiqda Dhabta ah:

Beesha Gugundhabe waa mid ku fidsan deegaanka oo dhan, waxaana ay leedahay taariikh, dhaqan, iyo dad badan oo deegaanada si sharciga ah u degan.

Waa beel aan lahayn hub, balse leh nabad-doonimo iyo doorkeeda ku aaddan dhismaha deegaanka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Codsigeennu waa:

1. In si degdeg ah dib loogu eego matalaadda beesha ee heer gobol iyo heer federaal.

2. In dib loogu laabto magacaabista degmooyinka iyo gobollada cusub si ay beelaha deegaanka u helaan caddaalad iyo sinnaan.

3. In la joojiyo siyaasadda takoorka ku saleysan beeleysiga iyo in la beddelo hannaanka doorashooyinka iyo magacaabista si loo helo deegaan is-qaddariya oo caddaalad ku dhisan.

Ugu dambeyn:

Beesha Gugundhabe marna ogolaan mayso in laga dhigo beel la afduubtay oo cod la’. Waxaan diyaar u nahay in aan mar kasta ka qayb qaadanno nabadda, horumarka, iyo dowlad-dhisidda deegaanka — balse waxaan si cad uga hortegi doonaa cid kasta oo isku dayda in ay meesha ka saarto doorka iyo jiritaanka beesha.

Wabillaahi Towfiiq.

Waxaa soo saaray:
Golaha Odayaasha, Waxgaradka & Aqoon-yahanka Beesha Gugundhabe
Taariikhda: 29 Luulyo 2025
Goobta: Dowlad-Deegaanka Soomaalida, Itoobiya
Mustafa Omer
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida

Abdinasir Sharif Ahmed
Hon Mohamed Ibrahim Moalimuu
Hon Mohamud Abdirahman Beenebeene
Mohamed Abdullahi Hassan - Nuux
Soomaalaay Midnimiyo Muwaafaqo
Degmada Mustaxiil
Ibrahim Mohamed Ali
Ibrahin Siyaad
Abdi dhaanto
Mowliid Haji Ali Shuuriye
Abdi Aziz Gurbiye

TACSI إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَMaamulka Degmadd  Quracjome wuxuu si murugo iyo tiiraanyo leh u shaacina...
28/07/2025

TACSI

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
Maamulka Degmadd Quracjome wuxuu si murugo iyo tiiraanyo leh u shaacinayaa geerida naxdinta leh ee ku timid laba wiil oo dhalinyaro ah oo ka tirsanaa beesha Cumar Yuusuf, kuwaasoo ku geeriyooday dhacdo murugo leh oo ka dhacday shir sanadle ah oo beesha loogu talagalay is-xasuusin, is-xogwaraysi, iyo farxad.
Iyo wiilkaloo kugeeriyoodey gudaha magaalada

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii, eheladii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka ay saameysay geeridan. Ilaahay waxaan uga baryeynaa inuu labada marxuum naxariistiisa ku darsado, jannada Fardowsana ka waraabiyo. Samir iyo iimaan ha ka siiyo dhammaan qaraabadoodii.

Sidoo kale, maamulka Qurac Joome wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in laga fogaado falalka dabaal-degga halista leh, gaar ahaan kuwa keeni kara khatar nafeed, si aynu uga fogaanno khasaare hor leh.

Allaha u naxariisto labada marxuum. Aamiin.

W/Q: Maamulka Magaalada Qurac Joome
Taariikh: 28 Luulyo 2025.

Waxaan halkan hambalyo iyo duco uga diraynaa Ramad Omar Elmi iyo Shukri Osman Bocor munaasabadda meherkiinna barakaysan ...
28/07/2025

Waxaan halkan hambalyo iyo duco uga diraynaa Ramad Omar Elmi iyo Shukri Osman Bocor munaasabadda meherkiinna barakaysan ee maanta iyo yagleelidda guriga cusub ee uu Alle raalli ka yahay.

"Reerkii lagu nastee lagu nagaadee wada jiree nabad gala, Allahayow idinka yeel."

Ilaahay ha idiinka dhigo reer barwaaqo ku waara, qalbigooduna is fahmo, is jecel, isla markaana Alle dartiis isu hogaansan.
بَارَكَ اللهُ لَكُمَا وَبَارَكَ عَلَيْكُمَا وَجَمَعَ بَيْنَكُمَا فِي خَيْرٍ

Nabadoon xaaji Aadan Gurey – Hoggaanka bulsho ee degmada Degmada Mustaxiil  Muddo ku siman 30 sano, Nabadoon Aadan Gurey...
28/07/2025

Nabadoon xaaji Aadan Gurey – Hoggaanka bulsho ee degmada Degmada Mustaxiil

Muddo ku siman 30 sano, Nabadoon Aadan Gurey wuxuu ahaa tiirka dhexe ee bulshada Mustaxiil — isagoo ah Nabadoonka Guud ee degmada, kana mid ah hoggaanka dhaqameed ee beelaha Gugundhabe ee gobolka Shabeelle.

30kii sano ee la soo dhaafay, Nabadoon Aadan Gurey:

Wuxuu si joogto ah ugu dooday xuquuqda shacabka Mustaxiil, isagoo u ololeeyay in degmada la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha nadiifta ah iyo adeegyadii kale ee bulsho.

Wuxuu si firfircoon uga qeyb qaatay nabadaynta deegaanka iyo xalinta colaadaha iyo khilaafaadka bulshada dhexdeeda.

Wuxuu si geesinimo leh ugu istaagay ka hortagga cadaalad-darrooyinka iyo isir takoor siyaasadeed, isagoo cod dheer u noqday bulshada laga tirada badan yahay ama xuquuqdooda la duudsiyo.

Wuxuu qeyb ka ahaa shirar, gogol nabadeedyo iyo wacyigelin ku saabsan midnimada beelaha Gugundhabe, gaar ahaan sidii loo heli lahaa matalaad rasmi ah iyo horumar muuqda.

Wuxuu sidoo kale door weyn ka qaatay kordhinta ka qaybgalka bulshada ee arrimaha maamulka iyo siyaasadda, isagoo dhiirrigeliyay dhalinyarada iyo haweenka deegaanka.

Nabadoon Aadan Gurey wuxuu yahay astaan u taagan hoggaan daacad ah, ujeedkiisuna yahay in Mustaxiil hesho xuquuqdeeda buuxda, isla markaana bulshada deegaanka ay helaan nolol sharaf leh, amni ah, oo horumar leh.




-burte

Taladii waa la dhameeyay, xilalkiina waa la qeybsaday — Jidle magac buu lahaa, laakin kursi ma helin.”
28/07/2025

Taladii waa la dhameeyay, xilalkiina waa la qeybsaday — Jidle magac buu lahaa, laakin kursi ma helin.”

Wasiir Ibrahim Ali M***a
27/07/2025

Wasiir Ibrahim Ali M***a

MAXAA QABYAALAD AH, MAXAASE CADAALAD AH!

Culumada daraasaysa Hogaaminta waxay hogaaminta ku shegeen
"Leadership Involves an Interaction Between the People, the Leader and the Situation/ Hoggaamintu markeynu lenahay waa is-dhexgalka dadka, hoggaamiyaha iyo xaaladda”.

Marka qofka hogaanka ahi wuxu isku haya/udhaxeeya bulshada iyo xaalada wakhtigaas taagan.
Hadi uu hogaanku xaalad u isagu abuuray ama u higaaminteeda masulka ka yahay oo shacabka u hogaanka u yahay ku ah xaq aynan muddnayn, waxaa ka dhalan kara diidmo, kala fogaanshiyo iwm.

Marka an anigu inta badan cadaalada an ka hadlo gaar ahan Gobolka Siti, ayaa ah mid asalkeedu yahay "Masuliinta ay taladu ka go'do wakhtigaas" laakin an qusaynin bulsho ama ah mid an la xidhidhin. Khaladaadka masuliyintu ay galayaan ayaa bulshada walaalaha ah is kusoo dhaweeya ama inay kala irdhooban ka dhiga! Taas micnaheda ayaa ah marki uu tareenki dawladnimo er siday horumarka kala duwan u qaar bulshada ka mid ah un qaado dee lama wadasoocdo oo waxna lama wada qabsan karo, midnimana warkeeda majiridoono!

Marka tallabadi shalay lagu ansixiyay qaabdhismeedyada cusub madaama u ahaa mid ay hogaamintu si laab la kac ah u samaysay wuxu abuuray tafaraaruq, intu bulshadi dhaafay isla hogaaminti xukuumada ay ku kala tageen!

Kala qaybsanaantu waxay ka dhalatay qaabka daraasada kusalaysnayin ee ay hogaamintu wax u samaysay mooye k**a dhalan qaabdhismeedka la sameeyay oo la diidan yahay.
Waayo DDS.qaabdhismeedka maamul ee hada jira in ka badan ayu u bahan yahay. Laakin, hadii markasta tallabooynka hogaamintu ay dhaafi waydo laab lakac iyo aniga ayaa miiska fadhiya waxay sii wiiqidoontaa uun xadhiga Soomaalinimda ah ee isku hayya bulshada.
Xadhigaasna hadi uu go'o natiijadisu taarikh xumo, burbur iyo in la raadiyo bulshadi Soomaaliyeed ee DDS sida hadda loo raadiyo bulshadi Muslimka ahayid ee "Andulus" ee Qarnigi 8ad ila Qarnigi 15ad ka arimin jirtay Qaarada Yurub gaar ahan dhulka hada loo yaqaano "Spain, iyo qab Portuguese, Italy & in yar oo Faransiska ah"

Ugu danbayn, qormadan oo an ugu tallogalay gundhig ahaan, waxaan soo qoridoona kuwa an si gaar ah ugaga hadlaayo mawduuca an kor kuxusay!
Wad mahadsantihin!

Address

Balad Weyn

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gugundhabe Community posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gugundhabe Community:

Share