Radio Balanballe Galgaduud

Radio Balanballe Galgaduud kala soco wixii warar ah Radio Balanballe. Radio Balanballe Isha Wararka Somaalia

31/05/2023
Madaxa waxbarashada Degmada Balanballe Cabdi Salaan Maxamed aar Galan-gooli, Agaasimaha Qorshaynta Degmada Cabdiqani Car...
31/05/2023

Madaxa waxbarashada Degmada Balanballe Cabdi Salaan Maxamed aar Galan-gooli, Agaasimaha Qorshaynta Degmada Cabdiqani Carab iyo Talyaha Booliska Degmada Balanballe Cabdifitaax Daahir Bulle Ayaa Ka Qayb Galay xiritaanka Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee Dugsiyada sare oo.Guud ahaan maanta Gobolada Dalka Lugu Soo Gaba gabeeyay

Masuuliyiintaan oo Ardayda Laqayb Saday farxada ayaa Ardayda urajeeyay guul iyo Natiijo Fiican iyo inay Kamid Noqdaan Ardayda Imtixaanka kaalmaha H**e Gasha

ILA TALI WALAAL Xaaskeyga ayaa heshay taleefankeyga, waxa ayna tirtirtay (Delete gareysay) lambarka gabadha uu xiriirka ...
30/05/2023

ILA TALI WALAAL

Xaaskeyga ayaa heshay taleefankeyga, waxa ayna tirtirtay (Delete gareysay) lambarka gabadha uu xiriirka shukaansi igala dhaxeeyo ee lagu magacaabo Naomi, kadibna lambarkeeda ayeey iigu qortay (save gareysay ) magaca saaxiibteey ee Naomi.

Ma ogeyn in uu qof u sheegay xaaskeyga arrimaha shukaansi ee naga dhaxeeya aniga iyo Naomi.

Intaas kadib waxaan helay farriin qoraal iiga timid Naomi oo ay igu weydisaneyso/ dalbaneyso lacag dhan 2,000 naira (Nera waa lacagta dalka Nigeria 🇳🇬) kadib aniga oo aad u deg-degaya ayaan xaaskeyga u tagay beenna u sheegaya ayaan ku iri waxaan u baahanahay lacag 2,000 naira ah weliba si deg-deg ah ayaan ugu baahanahay.

Walaalkeey oo aad u xanuunsan in uu lacagtaas si dhaqsa ah ugu baahan-yahay ayaana u sheegay xaaskeyga.

Markiiba wey i siisay lacagti aan xaaskeyga ka codsaday waxaana ula cararay inaan ku diro akoon lambarki (account number) ay farriin qoraalka iigu soo dirty saaxiibtey Naomi.

Maalin shaqo oo dheer kadib gurigeygi ayaan kusoo noqday, aniga oo jawi nasasho ku jira ayaan is iri tolow gacalisadaadi Naomi ma heshay lacagti aad u maanta u dirtay.

Farriin qoraal ayaan markiiba u diray aniga oo weydinaya in ay lacagtii heshay iyo in kale, waxayse jawaabteedu aheyd fadlan isoo wac!

Maba sii fadhine intaan ordday ayaan bannaka guriga gadaashiisa ah tagay si aan gacalisadeyda u waco.

Shib iska dheh!

Waad qiyaasi kartaa wajigeyga argaggaxa leh marki aan taleefanka ka dhex maqlay codka xaaskeyga aniga oo sugaya codka gacalisadeyda Naomi!

Seddex (3) maalin ka hor oo ay dhacdadani i qabsatay ilaa hadda bannaanka guriga ayaan taaganahay, mana aqaan si aan gurigeygi ugu laabto.

Fadlan ila tali……!

HAYE Maryooley sheekadaan camal Ama mid udhow weligaa makugu dhacday ?

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa waaran soo qabasho iyo horkeenid Maxkamad u jartay.1- Bile Axmed Aadan2- Shakuur Macal...
22/04/2023

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa waaran soo qabasho iyo horkeenid Maxkamad u jartay.

1- Bile Axmed Aadan
2- Shakuur Macalin Xayir
3- Cabdul Xoosh Jaamac

Ragaan sadexda ah ayaa ku eedaysan inay 5 nin ku dileen Deegaanka Garasle Bishii Ramadaan.

Ma kula tahay in la soo qabto

Warqad ka soo baxday xaafiiska gudoomiye ku xigeenka degmada Balanballe Jaamac Muxumed Diini ayaa loogu diga haayadaha a...
17/04/2023

Warqad ka soo baxday xaafiiska gudoomiye ku xigeenka degmada Balanballe Jaamac Muxumed Diini ayaa loogu diga haayadaha ayaga oo aan soo marin maamulka ka shaqeeya degmada.

Haayadaha ayaa lagu amra in ay soomaraan maamulka waxaana warqada lagu sheega in hayadii Jabisa sharcigaas in talaabo sharicga waafaqsan laga qaadi doono.

Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha degmada Balanballe ayay ku diideen xero ciidan oo la sheegay  hay’adda Nabad Sugidda ...
15/04/2023

Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha degmada Balanballe ayay ku diideen xero ciidan oo la sheegay hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka ee NISA in ay ka dhisanayso degmada Balanballe.

Odayaashaan ayaa sheegay in aysan marnaba aqbalayn xero ciidan oo dan gaara laga leeyahay in laga hirgaliyo degmada Balanballe.

Odayaasha ayaa Taliyaha Nisa Mahad Maxamed Salaad ku yiri ciidanka aad leedahay Balanballe oo aan dhib ka jirin ayaan ka dhisayaa marka h**e ha ku so qabto dadkii asaga xigtada u ahaa ee jabiyay heshiiskii Xirsi Lugey.

La soco muuqalka

09/04/2023

Odoyaasha dhaqanka beesha Habargidir Cayr oo ka hadlay deegaanka dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in si wada jir ah looga howlgali doono cidkasta oo gacan ka gaysatay falkii wuxuushnimada ahaa ee ma dhacay garasle.

LAJIILE .; Shir hor dhac u ah Gogol dib uheshiisineed oo udhaxaysa Beelaha Dir iyo marexaan ayaa maanta ka qabsoontay De...
06/04/2023

LAJIILE .; Shir hor dhac u ah Gogol dib uheshiisineed oo udhaxaysa Beelaha Dir iyo marexaan ayaa maanta ka qabsoontay Deegaanka Lajiile oo kamida Deegaanada Hoos yimaada Degmada Xeraalle Ee Gobolka galgaduud

kulankaan ay maanta yesheen Qaar kamida Dhaqanka labadaan beelood ayaa looga arinsanayay Adkaynta Nabad galyada iyo kahor taga Falalka Dilalka ah oo baryihii lasoo dhaafay ka dhacayay Deegaanada udhaxeeya balanablle iyo Xeraalle

Odayaasha ayaa isla Isla afgartay in gogol wayn ee Dib Usheshiisiineed Ladhigi doono Deegaanka lajiile Bacdul ciid hadii alle idmo iyagoona dhanka kalle Odayaaha Iskula dardaarmay inta laga gaarayo Shirkaa Dib uheshiisiineed Lagawada Shaqeeyo Xasiloonida Deegaanka iyo kahor taga Falalka Laxiriira Dilalka qabaa il

Waxaa in mudaaba Deegaanada udhaxeeya Degmooyinka Balanballe iyo Xeraalle kuso Noq noqonayay Dilalka qabaail ee la xiriira Aanooyinka Qabiil iyadoon aan jirin Maamul iyo Dowlada wax ka qabata Is hor imaadkaa qabiil

04/04/2023

Kudoodhawada Radio Balanballe Galgaduud

Gudoomiye Kuxigeenka Xariirka kubadda Cagta Galmudug Mudane Ahmed Abdi Hirsi (Carabey) ayaa maanta ka qayb galay Doorash...
22/02/2023

Gudoomiye Kuxigeenka Xariirka kubadda Cagta Galmudug Mudane Ahmed Abdi Hirsi (Carabey) ayaa maanta ka qayb galay Doorashadda Gudoomiyaha Xariirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo maanta ka dhacday magaaladda muqdisho.

Gudoomiyaha Xariirka kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa loo doortay Ali Shiine oo h**ey u ahaa siihayihii gudoomiyihii xilku ka dhamaaday.

Gudoomiye Mudane Ahmed Abdi Hirsi Carabey ayaa doorashadaan ku matalayay Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo qayb weyn ku lahaa doorashadda Gudoonka sare ee Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa doorashadaan ku casuunaa Xub ka socota FIFA iyo Xubinta Saxaafada u qaabilsan Cecaffa.

Degmada Balanballe Ee Gobolka GalgaduudBalanballe oo ah Degmo Dhacda Xaduudka Soomaalia Iyo Ethoopia Sanadihii Udanbeeya...
10/01/2023

Degmada Balanballe Ee Gobolka Galgaduud

Balanballe oo ah Degmo Dhacda Xaduudka Soomaalia Iyo Ethoopia Sanadihii Udanbeeyay Waxay Samaynaysay Hormaro Kala Duwan


Mohamud Jama Joker 📸

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa joojisay dabaaldegga maalinta madax-bannaanida ee loo qorsheeyay in la ...
07/12/2022

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa joojisay dabaaldegga maalinta madax-bannaanida ee loo qorsheeyay in la qabto Jimcaha.

Samia ayaa fartay in lacagta loogu talagalay dabaaldaga munasabada oo gaadhaysa $445,000, loo isticmaalo in lagu dhiso qolal ay seexdaan carruurta baahiyaha gaarka ah qaba.

Madaxda Somalidu Ma Sameyn Karaan?

Address

Balanballe

Telephone

+252619553888

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Balanballe Galgaduud posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share