Maamulka Degmada Balcad

Maamulka Degmada Balcad TALO IYO WADA TASHI

03/02/2026

GUDDOOMIYAHA DEGMADA BALCAD OO KORMEER KU TAGAY DEGANKA BOOHI OO KA TURSAN DEGMADA BALCAD.

20/01/2026
20/01/2026

🌿✨ Balcad Nadiif Ah, Bulsho Faraxsan!

Maamulka iyo Bulshada Reer Balcad Ayaa Maanta Si Wadajir Ah Uga Qayb Qaatay Ololaha Nadaafadda, iyagoo Dib U Soo Celinaya Bilicda Degmada.

BALCAD — Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Balcad, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Md. Ismaaciil Bare Nuur, Guddoomiye Ku-x...
07/01/2026

BALCAD — Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Balcad, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Md. Ismaaciil Bare Nuur, Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Md. Axmed Maxamed Cabdullaahi (Awadaad), iyo dhammaan bulshada reer Balcad ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo kormeer shaqo ku yimid Degmada Balcad.

Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray u kuur-galidda heerka diyaar-garowga doorashooyinka iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

-Dhamaad-

Balcad, maanta waxaa si rasmi ah loogu soo xiray Tababarka Kor u Qaadista Tayada Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada ...
18/12/2025

Balcad, maanta waxaa si rasmi ah loogu soo xiray Tababarka Kor u Qaadista Tayada Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Balcad. Tababarkan ayaa lagu xoojinayay aqoonta, hufnaanta shaqo, iyo maamul wanaagga xildhibaanada, iyadoo ka qayb qaatay Hay’adda IOM Somalia oo bixisay taageero muhiim ah.

Xafladda soo xiritaanka waxaa goob-joog ka ahaa Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, Mudane Ismaaciil Barre, Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad, Xoghayaha Dowladda Hoose, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Hirshabeelle.

Mas’uuliyiintii ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda tababarkani u leeyahay horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta hufnaanta xubnaha golaha deegaanka.

— DHAMMAAD—

Gudoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa magaalada  Balcad Mudane Kasim Ali Nur ayaa kulan laqaatay Madaxa Hay'adda IOM Mu...
16/12/2025

Gudoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa magaalada Balcad Mudane Kasim Ali Nur ayaa kulan laqaatay Madaxa Hay'adda IOM Mudane Manuel Marques Pereira kadib Casuumaad uu ka helay Xafiiskiisa.

Kulakaan lagu marti qaaday Gudoomiyaha ayaa looga gol lahaa xoojinta iskaashiga soo jireenka eh ee udhexeyo hay'adaha IOM iyo Degmada Balcad iyo Sara uqaadida mashaariicda horumarineed ee iska kaashanayaan maamulka degmada balcad iyo IOM Somalia.

Gudoomiyaha ayaa uga mahad celinayay Mudane Manuel sida dhiiran uu usoo dhaweyay una balanqaaday in kaalin Mug leh ka qaadanayo Maamulka Degmada mashaariicda horumarineed ee wax ku oolka eh eey bulsha weynta reer Balcad waxtarka uleh.

15/12/2025

DUQA MAGAALADA BALCAD OO QAATAY SHAHAADA CODBIXIYEHA DOORASHOOYINKA QOF IYO COD

Balcad – Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa magaalada Balcad, MD Kaasim Cali, ayaa maanta qaatay kaarka codbixiyaha doorashooyinka qof iyo codka ah, kaddib markii uu iska diiwaangeliyay degmada Balcad.

Address

Balcad

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamulka Degmada Balcad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category