
10/03/2024
Maamulkan waa feke dishiishe 4 xabo ah yaa ka walay
RAMADAN MUBARAK
Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan, Waxaan Hambalyo u diraya dhammaan Ummada Muslimiinta ah, Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Reer mareero, Waxaan alle ka baryayaa inuu inaga dhigo Kuwii ka faa’iidaysta fadliga Bishan ay leedahay.
Madaxweynaha dowladda mareero ayaa ugu hambalyeeyay dadka muslimiinta ah, Umadd Soomaliyeed gaar ahaan shacab waynaha reer mareero bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Madaxweynaha ayaa xusay fadliga Bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.
“Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo badan.”
Waxaan ugu baaqayaa Shacabka reer Mareero İnay is cafiyaan oo ay isu kaalmeyaan, dadkeena liita loo gar gaaro si Alle inoogu Gargaaro
Ramadaan Mubaarak.