Somali Eye

Somali Eye Somali Eye is an independent news platform delivering verified reporting and balanced analysis on Somalia and the Somali region.

Somali Eye – keeping an eye on Somalia. 👁️

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO QAABILAY TALIYE KU-XIGEENKA CIIDANKA DIFAACA DALKA YUGAANDHAMuqdisho, 06, Agoosto, 2026: M...
06/08/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO QAABILAY TALIYE KU-XIGEENKA CIIDANKA DIFAACA DALKA YUGAANDHA

Muqdisho, 06, Agoosto, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Jamhuuriyadda Yugaandha, General Sam Okiding, oo Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa kulamada uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu la qaadanayo madaxda ciidamada ee ka qaybgalaya shirka, kuwaasi oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo tayeynta wada-shaqeynta dalalka saaxiibka ah ee taageera amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Yugaandha kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska hay’adaha amniga iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

06/08/2026

Gudoomiye Mohamed mursal oo hadlay ayaa yiri “jaamac waa Nin Dhalinyaro ah Balse Dadku ay isku raaceen in uu hogaamin karo Barlamaanka dalka”.

06/08/2026

Xildhibaan saransoor oo sheegay In Musharax Jaamac uu yahay qof ay ku mideysan yihiin muxaafad iyo Mucaarad.

06/08/2026

Gudoomiye h**e Mohamed Mursal oo soo gaaray Muqdisho, isagoo qeyb ka ah olalaha Musharax Jaamac

06/08/2026

Magaalada Hudur ayaa bilaha soo socda soo saari doonta dhiig cusub oo ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ku dhowaad 800 oo askari ayaa la filayaa in tababarkooda loogu soo xiro magaaladaasi, Ciidankan ayaana kamid noqon doona Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

05/08/2026

Maxay tahay sababta keentay in uu tanaasulo Xildhibaan Saadad Caliyow?

05/08/2026

Xildh saadad ayaa utanaasulay musharax Gudoomiye baarlamaan jaaamc

05/08/2026

Sen garyare oo ah Musharax Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo madaxda dalka ugu sareyso ayaa maanta kulan Muhiim ah qaatay.

05/08/2026

Deg-Deg: “Ciidan aan aheyn midka Puntland k**a jiro deeganadan, Dhalinyarada la qalday Waxaan leenahay kamid noqdo ciidankiina Puntland”. Madaxweyne Siciid Dani oo ka hadlay Dagaalkii maanta ka dhacay Gaalkacyo

05/08/2026

“Halkan Howlgal ayaan ka fulinay, hub iyo maxaabiis tiro badan ayaan qabanay”. Ciidanka Puntland ayaa sidaas sheegay kadib Markii maanta ay soo Afjareen Ciidankii PSF ee ku sugnaa Gaalkacyo

Address

Airport Road
Banaadir
00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Eye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share