Radio Baraawe 89.5 mhz

Radio Baraawe 89.5 mhz Community radio is a radio service offering a third model of radio broadcasting in addition to comme

20/07/2025

Barnaamijka Madasha Martida | Maamul Wanaag & Ka-qaybgalka Muwaadiniinta

"Bulsho xog ogaal ah, waa bulsho kaalin firfircoon ku leh horumarka deegaanka."

Barnaamijkan waxa uu diiradda saaraya kor u qaadista fahamka bulshada ee maamulka deegaanka, iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa ka-qaybgalka muwaadiniinta – si hufnaan, isla xisaabtan, iyo daahfurnaan loogu dhaqmo.

Ujeeddo:

In la xoojiyo wacyiga bulshada una fududaato fahamka nidaamka maamulka deegaanka, loona abuuro jawi dhiirrigeliya ka-qaybgal toos ah oo muwaadiniintu door muuqda ku leeyihiin go'aamada saameeya noloshooda.

19/07/2025

BARNAAMIJKA MADASHA MARTIDA | oo uu soo jeedinaayo wariye Mukhtaar Adam Todabaadkan waxaa looga hadlay Kor u qaadista wada-hadalka bulshada iyo dhiirrigelinta hababka dhaqameed ee lagu xalliyo khilaafaadka si nabad ah.

Mashruucan waxaa maalgelinaya Somali Joint Fund, waxaana si wadajir ah u fulinaya UNDP iyo Barawe Women Organization.

Muqdisho – 17 Luulyo 2025Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa xari...
17/07/2025

Muqdisho – 17 Luulyo 2025

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee Taliska Qaybta Galbeed Sare, taas oo laga xukumo saddexda degmo ee Dayniile, Daarusalaam, iyo Garasbaaley.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo booliska ka tirsan, oo uu ugu horreeyo Taliyaha Qaybta Galbeedka Sare, Gaashaanle Dhexe Daauud Caraale, iyo Taliye Ku-xigeenka Booliska Gobolka Banaadir.

Gashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa bogaadiyay shaqada muuqata ee uu muddo kooban ku qabtay Gaashaanle Dhexe Daauud Caraale, isaga oo xusay in hirgelinta xaruntan cusub ay muhiim u tahay kor u qaadidda hufnaanta shaqada booliska iyo sugidda amniga bulshada ku dhaqan Galbeedka Gobolka Banaadir.

________

DHAMMAAD

15/07/2025

Dhulkeennii oo ku dhowaad 15 sano ay maleeshiyaad carqaladeynayeen in xukunka maxkamaddu noo fulo, maanta ayay ciidanka boolisku noo fuliyeen, Mahad oo dhanna Ilaahay baa leh.

Baraawe, Soomaaliya – Taliyaha Booliska degmada Baraawe, Maxamed Cali Guud, ayaa si lama filaan ah dib ugu soo laabtay m...
14/07/2025

Baraawe, Soomaaliya – Taliyaha Booliska degmada Baraawe, Maxamed Cali Guud, ayaa si lama filaan ah dib ugu soo laabtay magaalada Baraawe, kadib safar shaqo oo uu ku joogay magaalada baydhabo.

Taliyaha ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha, isagoo wata qorshayaal cusub oo lagu adkeynayo amniga magaalada iyo xoojinta wada shaqeynta ciidamada ammaanka iyo bulshada rayidka ah.

Safarkiisa shaqo wuxuu ahaa mid muhiim u ah isku xirka hay’adaha amniga ee heer gobol iyo heer qaran, wuxuuna muujinayaa dadaalka joogtada ah ee uu u hayo horumarinta iyo sugidda nabadda Baraawe.

Ballanqaad Been Noqday: Dib u Milicsi Heshiiskii 8-da Juun 2022 ee Weerarkii Radio Baraawe.Saddex sano ayaa ka soo waree...
11/07/2025

Ballanqaad Been Noqday: Dib u Milicsi Heshiiskii 8-da Juun 2022 ee Weerarkii Radio Baraawe.

Saddex sano ayaa ka soo wareegtay heshiiskii nabadeed ee la gaaray 8-da Juun 2022, kaddib weerarkii lagu qaaday xarunta Radio Baraawe.

Heshiiskaas oo ay hormuud u ahaayeen masuuliyiin sare oo uu horkacayay gudoomiyaha gobolka shabeellaha hoose Mudane ibraahim Najax , kaasoo lagu rajo weynaa in uu dhameyn doono xiisaddii ka dhalatay tacaddigii loo geestay agaasimaha idaacadda iyo qalabka warbaahinta.

Si kastaba ha ahaatee, dib u milicsiga maanta lagu sameynayo heshiiskaasi wuxuu muujinayaa in dhammaan ballanqaadyadii uu garwadeenka ka ahaa mudane ibraahim adam cali najax ay noqdeen kuwo aan waxba ka hirgalin
taasoo wiiqday kalsoonidii laga qabay Maamulka gobolka si looga dhabeeyo ilaalinta xorriyadda saxaafadda.

Heshiiskii 8-da Juun 2022:
Balanqaadyada beenta ee ku dhisan nolosha siyaasiyiinta.

Wada-hadalladii dhacay 8-da Juun 2022 oo lagu qabtay magaalada Baraawe, waxaa kasoo qeyb galay:

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose – Ibraahim Aadan Cali Najax,

Guddoomiyahii h**e degmada Baraawe – Liibaan Abuukar Baafo,

Ku-xigeenkiisii h**e Amniga iyo Siyaasadda degmada – Ismaaciil Jaadane,

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed,

Maamulka Radio Baraawe.

Waxaa kulankaasi lagu gaaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

1. In maamulka gobolka uu gacan ka geysto daaweynta Agaasimaha Radio Baraawe, Cismaan Aweys Baxar, oo dhaawac ka soo gaaray gacanta.

2. In qalabkii idaacadda ee la burburiyay la mago iyo in booliska degmada ay dib ugu soo celiyaan qalabka idaacadda.

3. In maamulka degmada uu iibiyo qalabkii laga burburiyay idaacadda oo ay ku jiraan kombuyuutaradii iyo mikrofoonada.

4. In maamulka degmada ay booqdaan xarunta idaacadda qiimeeyaanna qalabka la burburiyay.

Ballanqaadyadaasi oo dhan waxey noqdeen kuwo la jebiyay oo dhamaanba xubnihii gobolka iyo kan degmada ee dhibka geeystay ay ka gaabsadaan iney jawaab ka bixiyaan waxaa ku dhacay heshiiskii la gaaray.

Dareenka Maamulka Idaacadda:

Maamulka Radio Baraawe wuxuu si cad u muujiyay in heshiiskii 8-da Juun uu ahaa mid lagu marin habaabiyay bulshada iyo saxaafadda. Agaasimaha idaacadda, Cismaan Aweys Baxar, ayaa sheegay:

"Waxaan sugaynay caddaalad iyo cudud dowladeed oo sax ah, balse waxay noqotay marin habaabin. Wax qiil ah looma heli karo in heshiis rasmi ah oo masuuliyiin sare ku dhawaaqeen saddex sano laga aamuso."

Baaq Ku Wajahan Maamulka Cusub & Ururrada Saxaafadda

Saxaafadda deegaanka ayaa ku baaqaysa:

In maamulka cusub ee degmada iyo gobolka ay dib u eegaan heshiisyada laga baxay,

In la helo daba-gal sharci ah oo lagu hubinayo ciddii ku xadgudubtay ballanqaadyada,

In ururrada u dooda xuquuqda saxaafadda ay kordhiyaan cadaadiska ay saarayaan maamulka deegaanka si loo xaqiijiyo badbaadada saxafiyiinta iyo jiritaanka idaacadaha madaxa bannaan.

Heshiis aan la fulin wuxuu ka dhigan yahay dhaawac laba-geesood ah:

mid ku dhacay kalsoonida shacabka, iyo mid ku dhacay haybadda maamulka.

Dib u milicsiga heshiiskii 8-da Juun 2022 wuxuu na xasuusinayaa in danta guud aysan ku fuli karin hadal kaliya, balse ay u baahan tahay ficil muuqda, xushmad la siiyo saxaafadda, iyo u istaagid dhab ah oo lagu difaacayo xaqa dadweynaha ee helitaanka warar madax bannaan.

Xorriyadda warbaahinta waa tiirka dowladnimada — lagama gorgortami karo, lagamana baaqan karo ilaalinteeda.
DHAMAAD

Taariikh: 11 Luulyo 2025
Goobta: Baraawe, Shabeellaha Hoose
Qore: Weriye Fu'ad Shoble Kafe

11/07/2025

Weerarkii Radio Baraawe: Dib u milicsi tacaddiyadii uu geystay guddoomiyihii h**e

Taariikh: 11 Luulyo 2025
Qoraha: Weriye Fu'ad Shoble Kafe

Baraawe – 12-kii Agoosto 2023 waxay ahayd maalin madow oo xusuus daran u leh saxaafadda magaalada Baraawe, gaar ahaan shaqaalaha Radio Baraawe.

Koox hubeysan ayaa si qorsheysan u weeraray xarunta idaacadda, taas oo ay ku doonayeen in ay ku qaarijiyaan milkiilaha idaacadda Fu'ad Shoble Kafe iyo agaasimaha idaacada Cusman Aweys Baxar dhacdadaas waxey sababtay in hawlwadeenno badan ay goobta ka cararaan.

Weerarkaas wuxuu ahaa mid si dhow loola xiriiriyay in idaacadda la cunsuriyeeyo maadaama maamulka gudoomiyihii h**e uu ka gadoodsanaa baahinta idaacadda iyo inanu isagu ka dhex arkeynin danihiisa gaarka ah,

taasoo ugu dambeyntii keentay guuldaradiisa ku aadan waddooyinkii uu usoo maray bal inu mar un xiro idaacadda radio baraawe illaa marki dambe la yiri "idaacaddan waxey u shaqeeysaa As".

Tacaddi kasta waxa u bilowday, kadib warbixin ay idaacaddu baahisay oo lagu iftiimiyay eedeymo culus oo loo jeediyay guddoomiyihii h**e ee degmada Baraawe.

Habeennimadii 12-ka Agoosto 2023, afar nin oo hubeysan ayaa rasaas ku furay xarunta Radio Baraawe.

Inkasta oo uusan jirin wax dhaawac ah, haddana xarunta waxaa ka muuqday raadadka rasaas, waxaana taasi ay sababtay argagax ku yimaada howlwadeenada Rb Fm taasoo keentay in si ku-meelgaar ah loo hakiyo hawlihii baahinta idaacadda.

Agaasimaha idaacadda, Osman Aweys Bahar, ayaa lagu qasbay xaalad ah inuu magaalada isaga baxo wiliba si dhuumaaleeysi ah, kaddib markii uu helay digniino cabsi gelin ah.

Warbixin gaar ah oo ay baahisay Radio Baraawe kahor weerarka ayaa lagu soo bandhigay eedeymo culus oo loo jeediyay guddoomiyihii h**e ee degmada.

Eedeymahaas waxaa ka mid ahaa:
Dhul-boob iyo barakicin loo geystay dad shacab ah

Musuqmaasuq baahsan oo saameeyay adeegyada degmada

Caburin iyo hanjabaad lagula kacay dadka dhaliila maamulka

Cadaadis joogto ah oo loo geystay warbaahinta madaxa bannaan

Goobjoogayaal ayaa sheegay in guddoomiyuhu marar badan si dadban ugu hanjabay idaacadda, isagoo uga digay in ay "faragelin" ku sameyso arrimaha maamulka — taas oo loo arkay cabsi gelin toos ah oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda.

Baaqyada Bulshada & Ururada Warbaahinta:

Weerarkii lagu qaaday idaacadda wuxuu sababay in ay soo baxaan baaqyo xooggan oo uga yimid ururada u dooda xuquuqda suxufiyiinta sida NUSOJ iyo CPJ, kuwaasoo ku baaqay in:

La furo baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaado cidda weerarka ka dambeysay

In Lala xisaabtamo guddoomiyihii h**e haddii ay cadaato inuu ku lug lahaa falal tacaddi ah

In La ilaaliyo badbaadada saxafiyiinta iyo xorriyadda warbaahinta gudaha dalka

DHAMAAD.

11/07/2025

BARAAWE÷ (12-ka Agoosto, 2023-kii) Qorshayaal dil ah oo uu maleegay Guddoomiyihii H**e Ee Degmada Baraawe Liibaan Baafo, Ayee Ka badbaadeen' Milkiilaha Radio Baraawe Fu'ad Al Makhzoumi iyo Agaasimaha Radio Baraawe Osman Aways Bahar.

Habeenimadii 12-ka Agoosto, rag hubeysan oo taabacsan guddoomiyihii h**e ee degmada Baraawe, Liibaan Baafo, ayaa dhowr xabadood ku furay xarunta Idaacadda Radio Baraawe oo ah idaacad maxalli ah oo ka howlgasha Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Agaasimaha idaacada, Osman Aways Bahar oo ku sugnaa istuudiyaha xiliga uu shilku dhacayay ayaa sheegay in weerarkaasi uu yimid maalmo ka dib markii idaacaddu ay baahisay eedeymo jirdil ah oo ay geysteen booliska ka dibna sababtay dhimashada nin dadka deegaanka ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim, Allah ha u naxariistee wuxuu kaloo sheegay Agaasimaha in la doonayay in asaga iyo milkiilaha Radio Baraawe la qaarajiyo.

Weerark 12-ka Agoosto lagu soo qaaday Radio Barawe waxaa ka h**eeyay Afar weerar kale oo idaacada lagu qaaday iyo xarig lagula kacay Agaasimaha Radio Baraawe Osman Aways Bahar, Afar jeer 2020 2021 2022, iyo 2023-kii oo ay geysteen ciidanka Booliska Ee ka howlgala magaalada Baraawe.

Tallaabooyinkan waxaa dhiirigeliyay iskuday muuqda oo lagu doonayey in lagu joojiyo barnaamijyada gaarka ah ee Radio Barawe ay ku baahiso Af Reer Baraawe (Chimwimini), oo ay diidanaayeen qaar ka mid ah maamulka Baraawe.

Falkaas ayaa fajac iyo layaab ku noqday bulshada deegaanka kaasoo banaanka keenay Wiji arxan daran oo iyaga ka qarsanaa.

10/07/2025

Taariikhda Madow Marna Lama Hilmaami Karo – 30-ka November 2023: Karaama dilkii Odayaasha Dhaqanka.

Baraawe – 30-ka November 2023, degmada Baraawe waxaa ka dhacay dhacdo si weyn u gilgishay bulshada deegaanka.

Dhacdadan waxay ahayd mid ka weyn musiibo; waxay ahayd dhaawac siyaasadeed, bulsho iyo dhaqan.

Inkasta oo waqtigaas laftiisu uu ahaa mid adag oo ay jireen caqabado badan, hadana falalkii dhacay waxay muujinayaan hab-maamul aan sharaf iyo xushmad toona u A hayn dadka deegaanka.

Hoggaan aan u qalmin xilka uu hayey ayaa qaaday tallaabooyin si cad ugu jeeday in lagu bahdilo odayaasha dhaqanka oo tiirka bulshadeenna ah.

Guddoomiyihii h**e ee degmada Baraawe Liibaan Baafo, oo xilka laga qaaday markii dambe, wuxuu tallaabo sharci-darro ah ku xiray qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, iyagoo ku sugan dhulkooda hooyo. Eedeynta loo jeediyay waxay ahayd iney "ku hawlan yihiin dhul-boob", taasoo ehaano iyo gef ku aheyd Odayaasha.

Waxaa lagu hayay xarig aan sabab cad loo sheegin, waxaana odayaasha la seexiyay xabsi si ay u mutaan ceeb iyo karaamo dil aan marna la illoobi karin.

Ereyada uu guddoomiyihii h**e u adeegsaday odayaasha dhaqanka waxay ahaayeen kuwo dhaawacaya sharafka, magaca, iyo haybadda dadka deegaanka.

10/07/2025

Baraawe – 23 February 2022 Waxaa xaafadda Baqdaad ee degmada Baraawe ka dhacay fal dil ah oo sababay geerida Allah ha u naxariistee Maxamed Keniya, oo ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka.

Dilka ayaa la sheegay inuu geystay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska Ee degmada baraawe, kaddib muran kooban oo dhex maray labada dhinac.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga falka geystay uu xilligaas isticmaalayay maandooriye, taasoo laga dhaxlay falka murugada leh ee dhacay.

Askarigii dilka geystay ayaa markiiba ka baxsaday goobta, isagoo la sheegay in lagu qariyay Guriga Gudoomiyhii h**e ee degmada baraawe Liibaan Baafo, mana jirin cid si rasmi ah loo soo qabtay.

Qaar kamid ah dhalinyarada degmada Baraawe ayaa walaac ka muujiyay dilka Maxamed Keniya, waxaana ay laamaha Amniga ka codsadeen in tallaabo laga qaado Askariga dilka geystay.

09/07/2025

Wixii diiwaanada galay waxaa ka mid ahaa in gudoomiyihii h**e uu magac u bixin waayay tacaddiyadi uu ku kacay kadib markii uu beeniyay inuu gabood fal geestay.

Waxaana uu jawaab u waayay su'aalihii uu hordhigay milkiilaha radio baraawe Fu'ad Al Makhzoumi.

09/07/2025

Baraawe÷ Taariikhda Markey Ehed 12 August 2023
xilli fiid ah waxaa jirdil xooggan ay ilaaladii Gudoomiyhii h**e ee Degmada Baraawe Liibaan Baafo, u geeysteen sahra abuukar cali oo xilligaas aheyd gudoomiyihii arimaha bulshada ee degmada baraawe.

Falkaas ayaa fajac iyo layaab ku noqday bulshada deegaanka kaasoo banaanka keenay in xilkii laga qaado Liibaan Baafo.

jirdil kaliya ma aheyn ee xitaa waxa uu qorshuhu ahaa in nafta la dhaafiyo sahra abuukar cali.

gudoomiyihii h**e liibaan baafo falalkaas guracan fulintooda waxaa u qaabilsanaa ilaaladiisa qaaska.

Taxanaha xigaa ayan idiinkugu soo gudbin doonnaa qorshayaal dil ah oo loo maleegay xilligaas milkiilaha Radio barawe iyo agaasimaha idaacadda.

Address

Baraawe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Baraawe 89.5 mhz posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share