15/09/2025
Maanso: DOQONKA
Waxa tiriyey Jamaal Cali Xuseen
15 Isniin 2025
Inta aan mid doqonoo,
Dariiqii ka soo lumay,
Deeqsiiyey hadaliyo,
Murti daacadaa badan,
Inta aan duxdaydii,
Dalowyada ka tuuree,
Ku dan seegay baa badan,
Inta aan dulqaad iyo,
Deganaan tusaayee
Daajinaayey baa badan,
Kaan derejo siiyee,
Misna aniga ii daran,
Daawee Ilaahoow,
Xisaab baa danbeysee,
Ruuxii abaal daran,
Dawadiisa lama helo,
Dabayshii dhacaysana,
Ileyn waad dareentaa,
Daryeel qaran ha joogee,
Doqonkii maqiiqani,
Dadka wuu galaaftaa,
Gacalkuu duleeyaa,
Saaxiibkuu dagaalaa,
Dadku kala dareen roon,
Ama kala dulqaad weyn,
Ama kala dedaal badan,
Doqon sheekadiisiyo,
Sifihiisa kala duwan,
Buug laguma daabicin,
Maanso laguma sii deyn,
Dalqadiisa hoosana,
Toos looma deyinoo,
Duryamkiisa lama hubin,
Goobtu dagamsanaan jiray,
Dadkii baa ka didayoo,
Inay deris wadaagaan,
Cidi dooni maysee,
Maxaa loola doodeyn,
Daah looga qaadeyn,
Doqon loogu sheegeyn,?
Maxaa diiranaantiyo,
Dalbashada xumaantiyo,
Darbad iyo wareeriyo,
Naxli daadanaaniyo,
Inta dacayda lalisaa,
Dunidani isugu timi,
Dulmi iyo dhibaatiyo,
Dira-diriyo beeniyo,
Denbi iyo xasaradiyo,
Dacar iyo dhunkaaliyo,
Durbaan dhiila tume iyo,
Dab munaafaq shidayiyo,
Durujaa ayaad tahay,
Doxoryahow wareersani,
Nabsi lama dur-duurtee,
Adiguna nin dalagloow,
Doqon iyo dirkiisoow,
Mana deysid naxdin iyo,
Dabbar iyo hinaasiyo,
Dibindaabyadaaddii,
Aniguna docdaydii,
Maan deyn dedaaliyo,
Hanka aan durkinayiyo,
Wanaagiyo dadnimadii,
Ninka qudhin dugsanayiyo,
Weligii dakano qabe,
Waa boog dalooshoo,
Digta aakhiraa sugi,
Adduunkana dadkiibaa,
Magaciisa daallacay,
Dibu socod afkiisiyo,
Ruuxii dareen qaba,
Duxda hadalka garashiyo,
Dibnahaad ka garataa,
Dadku hadday ku moodeen,
Mar inaad darbane tahay,
Dood kale ma hayside,
Da’fur baad sidiisii,
Dibadaha wareegtaa,
Marka daasad loo tumo,
Adhigaaba didda oo,
Dareenkoodu dheeryee,
Ninka damacu qaadow,
Ma hungowdo daacaddi,
Waxa tahay dabayshii,
Docba geesta jiidhee,
Danankiyo dhawaaqii,
Dadku ay run moodeen,
Doqoniimadaadiyo,
Intaad deris wadaagtaan,
Ma gartaan dadnimaddee,
Adiguna digtaadii,
Duullan weerarkaagii,
Dookh dhufashadaadii,
Uur dabashadaadiyo,
Waar inaad damane tahay,
Daah nagama saarnee,
Maxaan kugu dabiibnaa,?
Doqon iyo warkiisiyo,
Hadal digashadiisiyo,
Deel qaafka ba’anina,
Dacar iguma kicisoo,
Dar-darsiiyo xoogliyo,
Dedaal baan ka qaadaa,
Duufaanku ima rido,
Hadaladda dubaaxdiyo,
Doqon tororogleeyana,
Dibnahayga uma furo,
Ducuf iyo nin liitiyo,
Dulli baa wax caayee,
Waa kaa duullay hadalkoo,
Dood culus ma hayside,
Dibso baan ku leenahay,
Afartaa ku sii daa,
Docda kalena sii eeg,
Inta ay dadkeenii,
Digashadda saboolkiyo,
Darxumaddu la deris tahay,
Nolol lagu dakeeyiyo,
Hay daayo faankuna,
Imisaa dadkeennii,
Gaajiyo daryeel xumo,
Dibindaabyo iyo silic,
Degalladda la joogoo,
Hanka uu dirqinayoo,
Niyadana ka dumin weli,
Imisaa dadkeennii,
Qurbahaasi daashaday,
Allahayow wixii daran,
Dunuubtoodda naga hay,
Suugaanta darayga ah,
Ganey baa daliilshoo,
Door h**eba mariyoo,
Murtidii ku soo daray,
Daan bari adoo yaal,
Iyadooy diraac tahay,
Cirkoo doollo ka onkoday,
Beeshoo ah doog raac,
Adna awrtu dabar li’i ,
Intay kaa dareeraan,
Labadaadii Aar dillo,
Dusha waxaad ka raratana,
Kol ay tahay dameer hayn,
Reerkii kaa dul guuriyo,
Deriskii wax kugu tara,
Markay dani ku haysaad,
Dadka kala ogaataa,
Mid kaloo ka daran taa,
Aan idin dul joojee,
Anna waxaan ku darayaa,
Doqonkaad daryeeshee,
Inta uu docdaadii,
Gacan debecsan soo biday,
Adna aad dedaalkii,
Waxaad duunyo haysiyo,
Darka iyo wadaantii,
Daacadnimo ku siisee,
Dabadeed ka sii daray,
Markii uu dibiray ee
Doogiyo xareedii,
Xoolahiina daaqsaday,
Daryeel kale ha joogee,
Dar-dartiyo awooddii,
Inuu igu dul tuuroo,
Igu duro qaniinyana,
Damiirkiisu siiyee,
Denbigaasi iga galay,
Kaasaa ka sii daran,
Abaal doora waa sede,
Afartaa ku sii daa,
Weli doodi ii furan,
Dad waxaa u sii daran,
Ninkaad deeqda siisee,
Isagoo dam yidhi waa,
Dadku ay ka maageen,
Dalab kuugu yimide,
Doorateed wax siisee,
Ganacsigii daboolnaa,
Webigaa dur-durayiyo,
F***j iyo dariiqiyo,
Duunyo badan inuu helo,
Ilaahay kaaga dhigay danab,
Ha yeeshee dariiq kale,
Dakanooyin waaweyn,
Kugu soo durkinayee,
Adiguun ku daba gala,
Kolba daahir yaa shamis,
Intuu daawadii furay,
Dufan jecel darnaantiyo,
Dirir iyo cadaaweba,
Dadku ay la yaabeen,
Hadduu Doobi buuxsamo,
Intuu daato waaw halis,
Qofka dunida keligii,
Hadba door macaashee,
Dulmigiyo xumaantana,
Faa’iidada ka doonee,
Isaguun is daawada,
Way ka daadan doonta,
Nabsigaa deg-degayee,
Dariiqiisi haystaa,
Kolna daahi maayoo,
Ruux kuu daraan jiray,
Wuu kuu duleyniye,
Aadmiyow bal daalaco,
Kolka uu bal soo d**o,
Habeen dama daliilkiyo,
Doqon nacab sokeeyiyo,
Daalicii iftiiniyo,
Abidkii ma daahiro,
Daamanlow waraabahu,
Doofaar qudhiisuna,
Isba ficil darnaantaa,
Loo cadaabay door h**e,
Marka roobku da’o ee,
Durdurkii biyahuna,
Degalada fadhiistaan,
Dibirada h**eetaba,
Dibi baad sidiisii,
Dar-dartiisa oo kale,
Damacaagu muuqdaa,
Ha yeeshee dareen kale,
Dibigaa laftiisuna,
Waxa uu daciifaa,
Marka oonku daashee,
Abaartii dulaysneyd,
Dusha ay ka raratee,
Garbahiisu daalaan,
Alleylehe darjiidhoow,
Dibigaasiyo adigaa,
Darafkaa ka dhiganoo,
Damacaagu waaliyo,
Hungurigaa dalooliyo,
Damiir aan xishooniyo,
Doqoniimo weeyaan,
Afar kaloo ka sii daran,
Guud ahaan dareenkii,
Waxa aan ku darayaa,
Doqonadda is doortee,
Danyar goofafkeedii,
Sida daad u gelayaa,
Horta yaa bal soo diray?
Daalimiinta yaa wada?
Dugsigoodu waa kee?
Xaqa didey ma soo noqon?
Dariiqii la qaadaba,
Daallin baa maraayee,
Tolow maanu duulnaa?
Doqonkii duryamayaa,
Dusha yuu ka raran jiray?
Yuu deyn ku leeyahay?
Ninka ficil ku doodee,
Shaxda degi yaqaanana,
Inta uu dixdaasiyo,
Ku dabaasho webiyada
Badda weyn dul mari karo,
Sida danab u dhici karo,
Miyuu doqonku moog yahay,
Dulucdaydu waxay tahay,
Doqon hadashay yeelkeed,
Iyadoon dedaaliyo,
Degelkii ka kicinoo,
Dusha aanba rarinoo,
Ka dareerin dhididkii,
Ayaa ay difaaciyo,
Faan uun dal-daliyoo,
Duruuftii khiyaamiyo
Dulligiyo xumaantana,
Ku ducaysan abidkeed,
Sheekadda duxdeediyo,
Dareenkeedu waxay tahay,
Nabar daawadiisii,
Laga waayey dunidoo,
Xaasidnimo la derisaa,
Dadkeenii hadheeyaye,
Sidee loo dabiibaa,
Daad looga moosaa,
Danta guud u raacnaa,
Wanaag ugu daryeelnaa?
Afar kale docdaasiyo,
Dareenkeeda hoosiyo,
Waxaan uga dan leeyahay,
Dib-ka naax bidaariyo,
Carab dalab leh hadaliyo,
Deg-degsiimo nacasnimo,
Dusha kay ka muuqdaan,
Isagooy digniiniyo,
Daacadnimo ka dheer tahay,
Intuu doobta laliyuu,
Kugu yidhi i dooroo,
Ictiraafkan dunidii
Dadkii ay ka maageen,
Anigaaba duhurkii,
Daaqadaa ka keeniye,
Inkastood i diideen,
Doorkan waaba taagnahay,
Ducana waan sugaayaa,
Dad Allow ma maqasheen,?
Idinkuba dadweynoow,
Doqonkaa duryamee,
Duluc iyo ujeediyo,
Diin iyo dadnimo iyo,
Qawl lagu daneeyiyo,
Deeqsinimo ka madhane,
Kolkuu waagu daalacay,
Daawaday hadhkiisee,
Madaxnimo is doorbiday,
Muu helin dareenkii,
Loo diiday berigii,
Iyo wuxuu dumiyey waagii,
Ileyn waa damiin iyo,
Duruuf kaliyo sheydaan,
Digaa hoos ka shidanoo,
Denbiyaddii h**eetiyo,
Kuwa dayrtan joogaa,
Damqashadii ka bi’iyoo,
Imaan darnaantani,
Duruus bay u dhigiyoo,
Wuu dibiri dilaalkuye,
Hor Ilaah dunuubtii,
Nabsigii duleysnaa,
Iyo doc isku qaadkaa
Dawyadda ka tuuriye,
Idinkuna dadweynoow,
Waalidan dilaalane,
Doqoniimo wadataa,
Yeey idiin dardaar werin,
Ninka duhur dharaareed,
Durbaan dhagaxa Xaajow,
Tuntayee dabaal-degay,
Miyuu duni ogsoonyahay?
Digdigtiisa Faqatiir,
Waa dabeecadiise,
Dad u jiibinaayan,
Dar Alle la yaabnahay,
Waa dabuub rag h**e yidhi,
Waa mahadho duug weyn,
Waxaan uga dan leeyahay,
Iyo duurxulkeeduna,
Waa ujeedo daalacan,
In sujuuddu diin iyo,
Iimaan dillo u tahay,
Daacadi ku ladhan tahay,
Dadoow haw malaynina,
Awrkuba dawaad weyn,
Dacalladda qadaadkiyo,
Dusha wuu ku leeyahay,
Afartaa ku sii daa,
Doqon kalena iga qabo,
Dirxiguba dantiisuu,
Qudhun ugu dabaashaa,
Daallin baa ka dhigan taa,
Dacwad loola tegayoo,
Doqonkii u hiishoo,
Dadku ay Garsooriyo,
Guddi dimuqraadiya iyo,
Ruux diin yaqaaniyo,
Halyeey iyo nin dooriyo,
Dul-ka muumin inuu yahay,
Dadku ay u haysteen,
Duqa way ka hoostoo,
Isba waa nin doqonoo,
Damiir aan lahaynoo,
Uur-ka daallin inuu yahay,
Xaqii baa ku daakiray,
Xaajadaa daluunsane,
Dadku ay la yaabeen,
Wax la dedo ka xeel dheer,
Daraf kale aan eegee,
Ninka dabin qarsoodiya,
Igu daadafeeyee,
Xaqaygiina duudsiyey,
Kolba dabina ii dhigay,
Sharcigii ka doorbiday,
Danahiisa gaarka ah,
U badheedhay duulaan,
Daallin iyo dadkiisow,
Dulmi doodayaad tahay,
Dufan jecel ayaad tahay,
Dariiq oodan baad tahay,
Iftiim dama ayaad tahay,
Dawo cudura baad tahay,
Godob dagamsan baad tahay,
Nacas doorsan baad tahay,
Alla doori baad tahay,
Weli doodi ii furan,
Duni noocyo badanaa,
Ninka tiisa deyrshee
Doqonkii dugsanayee,
Ka sugaaya derajiyo,
Deeq iyo wanaagiyo,
Xilal uu dalbado iyo,
Malab uu darsado iyo,
Inuu dadka ugu h**eeyu,
Ku dakeeyo nolol wacan,
Alleylehe dadweynoow,
Kaasaa ka sii daran,
Doqonkaa ogeydeen,
Dulucdeeda hoosena,
Waxan uga dan leeyahay,
Dunidu maaha tii h**e,
Dadku maaha kii h**e,
Ma maqlaan damanaha,
Iyo daalimiintii,
Maalkuun daldalan jiray,
Dhegta dacaladeedaa,
Haddii laba dilaacshoo,
Mindi lagu duqeeyana,
Daloolkaa ka hadha e,
Doqonkii la wadda arag,
Tabahiisu daallacan,
Dariiqiisa xidhaniyo,
Duqeyntiisa daraniyo,
Danahiisa gaarkiyo,
Dacaydiisa lulatiyo,
Han-yaraanta dulucdiyo,
Inaanu weligii daahirin,
Dadkoo dhami wadda arag,
Hadal aan dux wadan iyo,
Dabar aan wax celin iyo,
Doqon iyo dirkiisuna,
Docna kuuma jiidaan,
Waalidii dalooshaay,
Dur-durkaaga faanka ah,
Dalbahaaga cayda ah,
Waa horaa la daawaday,
Niman dooni wada koray,
Midi uu dejinayoo,
Daacaddii ka dheer yahay,
Maxaa lagu dabiibaa,
Dawadiisa soo sheeg?
Dani seeto weeyee,
Maah-maah da’ weynbaa,
Daliilkeedda nuxurkiyo,
Dulucdeedu ay tidhi,
Ha gargaarin doqonoo,
Hana gargaarsan doorkale,
Dulucdii warkaygiyo,
Halka aan dul-marayaa,
Gudintii dul dhigayaa,
Dabuubteedu waxay tahay,
Waa dullin qabyaaladi,
Waa daabad xoogloo,
Cilmi aan dul saarneyn,
Waa shay aan dabar go’in,
Dulli aan gaboobeyn,
Nabar aan dawoobeyn,
Doqon iyo nin liitiyo,
Daallin baa ku xoogsadda,
Dibadaha la meeroo,
Dadka kala kaxeeyoo,
Ku dabara dantiisiyo,
Danahiisa gaarka ah,
Marna dogobka qiiqa leh,
Dagaal uun ku huriyoo,
Fariidkiyo dirkiisana,
Ka duudsiya xaqooddii,
Diintiyo wanaagiyo,
Dhaqan iyo distoorkiyo,
Dimuqraadinimadiyo,
Inay dadku codeeyaan,
Dalkeenaa u baahane,
Daa’inkii na uumoow,
Ducadayada ajiiboo,
Dadkii garan lahaa iyo,
Dalka kii u daacadda,
Deeqdaadda nagu sii,
Doodaydu waxay tahay,
Dumar iyo duqayiyo,
Danyar iyo tujaariyo,
Digtoor iyo askarikuba,
Dalkeenaa xariirta ah,
Waa goob ay degaanoo,
Daacadnimo ku nool yihiin,
Dunidaa korkeediyo,
Dusha waxa bal noo sudhan,
Daa’iin baa asteeyoo,
Dulucdeena noloshiyo,
Diiwaanka aakhiro,
Dadku uma sinaadoo,
Qofba intuu dedaaluu,
Derejadeeda helayaa,
Ma ogtahaay da’deedaay,
Ruuxii damqanayoow,
Waalidiinta darajee,
Dul-qaad iyo wanaagiyo,
Naxariis aan daaleyn,
Dacaladda u hay oo,
Ducadoodu yaaney,
Kaa daadan weligaa,
Afartaa ku sii daa,
Dareen kalena iga qabo,
Hadraawaa daliilshoo
Dulucdeeda gabaygiyo,
Maansaddeenii dihinayd,
Door h**e ku soo yidhi,
Allahayoow nin daacadda,
Allahayoow nin daalina,
Deeqdaada haw simin,
Qays baa ku soo daray,
Heestiisi diirneyd,
Doqoneey dabkaa be’
Duruufaha adkaadiyo,
Geelluba hadduu dido,
Adoon ugaba sii darin,
Aayar uun durduriyoo,
Darafyadda ka joogsoo,
Maskax uun la daba soco,
Afartaa ku sii daa,
Mid aniga ii daran,
Dabuubteedu waxay tahay,
Inaan dabaqyo fuuloo,
Marna aan dabaashoo,
Dantayduun ku foofoo,
Daruuraha bal daawado,
Danta guud ka door bido,
Qorshahayga kuma darin,
Shaxdan dirir qadhaadhiyo,
Mici habar dugaagiyo,
Inta daadahaysaa,
Kolba ay hog dagayaan,
Isma dhiibin duuduub,
Derajadda hankaygii,
Dibu eegis mooyee,
Doorkeedii maan gabin,
Afartaa ku sii daa,
Dareen kalena iga qabo,
Waxa uu damiirkii,
Hoos uga daloolee,
Ducaddii wadaadada,
Aqbal looga diidee,
Cirku uu daruurtii,
Waayadan u daayee,
Dooxyadiina daadkii,
Dur-durkii uga gudhiyeen,
Duqaydiina garshadda,
Daah looga saaree,
Dadweynuhu xumaantii,
Ugu dabaal degaayan,
Danyartii wareerkii
Dawakhaad u jiifaan,
Dabadhilif basaaskii,
Sacab loogu daraye,
Dadku ay hurdadda dheer,
Duhurkii u jiifaan,
Hadaa garanba diideen,
Anigiyo dagnaantay,
Idinkuna digniintiin,
Weli doodi ii furan,
Dulucdeeda maansadan,
Fariinteeda dabacsani,
Waxa aan uga dan leeyahay,
Gacmo daallis weeyoo,
Kuma deyn karaayoo,
Doqon waad dareemiye,
Dabarkoon adkayniyo,
Daacad iyo hufnaanba,
Lagu soo dabaalaa,
Hanka lagu durduriyaa,
Naxariis aan dagaynbaa,
Rabbi laga duceystaa,
Diintiyo quraankiyo,
Dal jacaly dadnimo iyo,
Dawgii Ilaah iyo,
Dariiqiisii toosnaa,
Waa in lagu dedaalaa,
Danta guud ka raacnaa,
Duunyo waxa ka xaasila,
Nabsigaa dur-durayee,
Docna aan istaageyn,
Iyo geeridaa na deyneyn,
Doqonkana korkiisaa,
Xisaab lagu dal-daliyoo,
Wajiguu dilaaciyoo,
Daamankiisu weynaan,
Weligaa nin dawdaran iyo,
Beenaale damac badan,
Waxba laguma darsado ee,
Dadnimooy ayaankaa,
Waxa tahay dareen dhaba,
Dawo caafimaadiyo,
Dood iyo damiir nool,
Dumi maysid weligaa,
Bulshadeenu daahiyo,
Inta ay dabool weyn,
Doqonkii ku dedayaan,
Digo-roganba maynee,
Aayaha danbeetiyo,
Halka doqon wakhtigu dhigo,
Taariikhdan u deynoo,
Diiwaanka wuu geli
Dhamaad – Waxaa tiriyey Jamaal Cali Xuseen