Udgoon Tv

Udgoon Tv broadcasting news company

26/03/2023

Ramadaan kariim

02/10/2020

Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada dadban ee 2020/2

Muqdisho, 1 October 2020

Hannaanka Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada 2020/2021

Mabaadi’da Guud ee Hannanka Xallinta Khilaafka ee Doorashada 2020/21

1. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay go’aamiyeen in Doorashada 2020/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii’da caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga.
2. Golaha Wadatashiga Qaranka iyagoo ka duulaya Mabaadi’da caalamiga, ilaalinta sharafta hannaanka doorashada, dhowrista xuquuqda codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta, waxaay lagama maarmaan u arkeen in la sameeyo habraac cabasho oo waxtar leh lana fulin karo, kaasoo lagu xukmin ama go’aamin karo cabashada codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta si sharci iyo sinnaan leh.
Qaab-dhismeedka Guddiga

1. Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa la dhisayaa ka hor magacaabidda/diiwaangelinta murashaxiinta iyo hawsha soo xulidda ergooyinka, waana inay socotaa ilaa laga xaqiijiyo natiijada k**a dambeysta ah ka dib marka la eego dhammaan cabashooyinka iyo diidmada doorashada.

2. Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa labaatan iyo kow xubnood (21), kuwaas oo 9 xubnood ay soo magacaabayso Dowladda Federaalka ah, halka 12 xubnood oo kale ay soo kala magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF min labo (2) xubnood.

3. Waxaa la ilaalinayaa Metelaadda haweenka ee guddiga xallinta khilaafaadka iyagoo (30%) xubnaha guddiga ay noqonayaan dumar.

1. Guddiga xaruntiisu waxay noqoneysaa magalada Muqdisho, wuxuuna xafiisyo ku yeelanayaa xarumaha ay doorashadu ka dhacayso, iyadoo tixgalin gaar ah loo sameynayo Somaliland.

2. Guddigu waxaa uu kulan kooda ugu horeeya iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Guddomiye ku xigeen. Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka waxaa la dooranayaa cod hal dheeri ah (50%+1).

3. Guddoomiyaha Guddiga ayaa saddex (3) xubnood u magacaabaya in ay ka hawl-galaan mid kasta oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah DF, waxayna go’aanadooda ku gaarayaan cod hal dheeri ah.

Hannaanka Xalinta Khilaafaadka doorashada ee 2020/2021:

1. Waxaa dacwad u gudbin kara guddiga xallinta khilaafaadka ergooyinka codbixiyayaasha ah iyo musharixiinta oo ay si toos ah u saameyo xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada.

2. Guddigu waxa uu ku dhameystirayaan go’aaminta cabashooyinka muddo todoba (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta cabashada loo soo gudbiyey si dhameystiran.

3. Guddigu waa inuu go’aannada cabashada ugu gudbiyaa dacwoodaha 24 saacadood gudahood marka go’aanka la qaato.

4. Kulamada guddiga ee lagu eegayo ama dhagaysanayo go’aanada guddiga, waa inay guud ahaan ahaadaan kuwo dadweynaha u furan (sida goobjoogeyaasha gudaha ee la ogolaaday, wakiillada musharaxiinta, wakiillada warbaahinta) haddii aysan jirin sabab amni.

5. Arrimaha ama diidmada u baahan xal siyaasadeed waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Wadatashiga Qaranka si isla ogol ah.

6. Qofkasta oo cabasho u gudbiya Guddiga waa in uu bixiyaa lacagta diiwangalin cabashada oo dhan $3,000 oo dollar (sadex kun oo dollar), waraaqda cadaynaysa in uu ku shubay xisaabta bangiga ee Guddiga dooroshooyinka heer Federal waana in uu kusoo lifaaqaa galka cabashadiisa.
Xilalka & Waajibaadka:

Guddiga xallinta khilaafaadka wuxuu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo arrimaha soo socda:

1. Guddigu wuxuu ka mas’uul yahay u garnaqidda iyo xallinta cabashooyinka laga keenay go’aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeen labada heer ee Guddiyada ;

2. Guddigu wuxuu xaq u yeelan doonaa inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada sida (cagajugleynta, cod iibsiga, joojinta hawsha, saameyn xun oo lagu sameeyo isugeynta ama ku dhawaaqidda natiijada);

3. Guddigu waxa uu go’aannada ku qaadan doonaa aqlabiyad (50%+1) haddii ay xubnaha guddigu isku raaci waayaan go’aan wadar ogol ah, ka dib marka waqti ku filan la siiyo doodda iyadoo la raadinayo go’aan wadar ogol ah;

4. Muranka lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada labada heer ee ku aaddan kala shaandheynta ergooyinka doorashada iyo/ama murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka;

5. Go’aanada Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxaa dib u fiirin kara Madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah, Go’aankaas ay Madaxdu gaarto ayaa noqonaya go’aanka k**a denbeysta ah, dibna dacwadaas uma gali karaan Guddi ama hay’ad kale oo sharci ah.

DHAMMAAD

02/10/2020
02/10/2020

Lifaaqa 2. Shuruudaha Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:.

1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
2. Dhimirkiisu u dhan yahay
3. Da’diisu ka yarayn 25 sano
4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxk**adeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.

8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.Lifaaqa 2. Shuruudaha Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:.

1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
2. Dhimirkiisu u dhan yahay
3. Da’diisu ka yarayn 25 sano
4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxk**adeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.

8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

23/09/2020

Subscribe,like,share & Comment.

04/07/2020

الدرس الثامن من علم النفس في برنامج الشباب لقناة ادغون العالمي
اليك الاشارات الستة التي تؤكد لك بان البنت تكون معجبة بك ومفكرة فيك.
١:- انها تمدح دائما في اقوالك وافعالك المختلفة في جميع نشاطاتك اليو مية.
٢:- انها تحب بمحادثاتك اليومية يعني تحب البنت المعجبة فيك ان تتحدث معك دائما بدون شروط ولا تفكير.
٣:- انها تحب دائما بان تتحدث معك في معتقداتك وهواياتك اليومية.
٤:- انها توافق فورا في معتقداتك و هواياتك دائما بدون شروط ولا تفكير.
٥:- انها تكون دائما قلقة عليك و حزينة لجميع مشكلاتك وامراضك الشخصية.
٦: انها تعاتبك على افعالك واقوالك اليومية في معاملاتكما مثل ان تعاتبك على عدم ردك في تليفوناتها ومكالماتها وتعاتبك مثلا بعدم سؤالك على غيابها عنك وهكذا.
اعجب بصفحتنا لمتابعة الدرس التاسع من هذا البرنامج.
وشكرا لحسن المتابعة.

17/06/2020

Shirkii wada hadalada somalia iyo Somaliland oo dib u bilowday ka dib markii uu raysulwasaaraha jabuuti uu Ku guuleystay inuu dib isugu soo celiyo ergadii labada dhinac oo maanta galabtii mar kala kiciyay galabtii ka dib markii ay isku fahmi waayeen soda La sheegay qodob ka mid ah qodobada ugu xamaasadda badan shirkaasi oo ahaa inaanan la siyaadadeynin isu socodka bulshada labada dhinac sida fanaaniinta ,dhaqanka cayaartoyda iwm ,halka LA sheegayo in laisku afgartay qodobo fara badan oo muhiim ah.
Somali guul ,somalia ha midowdo .

17/06/2020

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa la sheegayaa Iney mar kale dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada gudaha iyo dibadda dalkeena soomaaliya ,si looga taxadiro khatarta cudurka covid-19 .

Baarlamaanka jfs oo maanta la horgeeyay xeerarkii dhameeystiri lahaa sharciga doorashooyinka qaranka soomaaliya.
17/06/2020

Baarlamaanka jfs oo maanta la horgeeyay xeerarkii dhameeystiri lahaa sharciga doorashooyinka qaranka soomaaliya.

09/06/2020
09/06/2020
09/06/2020

Address

Baydhabo
0025261

Telephone

+252616212206

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Udgoon Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share