13/08/2026
Shirka Toddobaadlaha ah ee Amniga Koonfur Galbeed.
Baydhabo, 13 Agoosto 2026: Maanta magaalada Baydhabo waxaa lagu qabtay shirka toddobaadlaha ah ee amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo uu shir-guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Isaag Maxamed Isaag (Korsaar), waxaana shirka qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Hussein Mohamed Hagi Hassan (El Hagi),iyo saraakiisha laamaha amniga.
Shirka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, kordhinta feejignaanta ciidamada iyo qorshayaasha lagu adkeynayo nabadda iyo xasilloonida.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay nidaaminta dakhliga dowladda, habraacyada canshuuraha iyo kastamka, iyo nidaaminta soo gelinta iyo ganacsiga qaadka ee magaalada Baydhabo.
Kadib dood iyo falanqayn, shirka waxaa laga soo saaray go’aanno iyo awaamiir lagu xoojinayo amniga, nidaamka dakhliga dowladda iyo ilaalinta habraacyada canshuuraha iyo kastamka, kuwaas oo dhaqan galaya laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Agoosto 2026.