Halbeeg tv

Halbeeg tv Halbeeg tv waa warbaahin Madax banaan oo dhex dhexaad ah bulshadana u soo tabinaayo warar Sugan ah.

22/07/2026

Maan oo sheegey in uu weli ku sugan yahay Duurka.

Gudoomiye Kalaayo iyo Ciidamo uu wato oo lagu soo dhoweeyey Magaalada baydhano wuxuu ka mid ahaa Raga taabacsan Maamulki...
22/07/2026

Gudoomiye Kalaayo iyo Ciidamo uu wato oo lagu soo dhoweeyey Magaalada baydhano wuxuu ka mid ahaa Raga taabacsan Maamulkii h**e Abdiasis MohamedLafta Gareen.

Baydhabo, Luul 16, 2026:-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Dr Mahad Maxa...
16/07/2026

Baydhabo, Luul 16, 2026:-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Dr Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo ay wehlinayeen ku xigeennadiisa ayaa maanta guddoomiyay kulanka 5aad Kalfadhigiisa 1aad.

Ajandaha kulankaan oo ahaa meel marinta iyo dhaarinta Xukuumadda cusub ee Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadiray mudanayaan gaaraya 87 Mudane.

Hoggaamiyaha Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo soo bandhigay Xukuumaddiisa cusub iyo Barnaamijka Siyaasadeed ee Dowladda oo uu saldhig kaga dhigay Midnimada, dib u heshiisiinta, Xasilooni Siyaasadeed, Amniga, Kobcinta dhaqaalaha, yaranta saboolnimada, ka hortagga Abaaraha iyo wada-shaqaynta Dowladda Koofur galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqbaliyad leh waxaa ku meel mariyay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.

Fadhiga Golaha Wakiillada ayaa lagu dhaariyay Golaha Wasiirrada cusub ee Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya oo dhowaan la wareegi doona Xilkooda.

Ansixinta ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Dr Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo ku dhawaaqay natiijada Ansixinta ayaa Xukuumada iyo Barnaamij siyaasadeedkeeda u helay sharciyad buuxa oo loogu adeegi doono bulshada ku nool deegaanada koonfur galbeed soomaaliya.

Hoggaamiyaha Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Mudaneyaasha Golaha Wakiillada kaga mahadceliyay Ansixinta Xukuumaddiisa iyo Barnaamijka Siyaasadeed ee Dowladda ayaa ballan qaaday in wax badan ay ka qaban doonaan Deegaannada iyo Degmooyinka Dowladda iyaga oo u caddaalad samaynaya Bulshada Koofur galbeed Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

09/07/2026

Shir Jaraa’id – Nabad iyo Nolol

Guddiga Farsamada ee Nabad iyo Nolol, oo ku matalaya wada-hadallada u dhexeeya mucaaradka iyo Dowladda Federaalka, ayaa faahfaahin ka bixiyey nooca doorasho ee ay soo jeediyeen iyo shuruudaha lagama maarmaanka u ah hirgelinteeda. Waxay sheegeen in soo-jeedintoodu ku salaysan tahay hannaan doorasho oo la mid ah kii ay Dowladda uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo bandhigtay sanadkii 2018.

Xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa war ka soo saaray kulan ay xubno ka tirsan xisbiga la yeesheen masuuliyiin ka tirsan Dowlad...
08/07/2026

Xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa war ka soo saaray kulan ay xubno ka tirsan xisbiga la yeesheen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa soo saaray liiska urur siyaasadeedyada ku tartamaayo doorashada Galmudug.
08/07/2026

Guddiga doorashada ayaa soo saaray liiska urur siyaasadeedyada ku tartamaayo doorashada Galmudug.

Xubnaha Nabad iyo Nolol ku matalaya wadahadallada doorashooyinka ee uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaaj...
07/07/2026

Xubnaha Nabad iyo Nolol ku matalaya wadahadallada doorashooyinka ee uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda gaaray xarunta loo asteeyey kulanka maalinta 1aad oo ay garwadeen ka yihiin dowladda Turkiga.

Xubnahan oo isugu jira Wasiirro iyo masuuliyiin h**e oo saameyn ku lahaa Dowladdii Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirkii Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq oo door weyn ka soo qaatay hannaankii doorashooyinka iyo amniga qaranka.

06/07/2026

Hogaamiyaha KGS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoowe: "Lama bedalaayo Hogaamiye waa sida loo yiri".

06/07/2026

Rw Xamse: "Soomaaliya k**a shaqeynayso Maanta Jabhadnimo, cida aan la hadlaayo waa is ogtahay haka waantowdo hub uruursi iyo Shabaab guda ka galis".

06/07/2026

Kusimaha gudoomiyaha Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar "Gudoomiyaha afar sano ayaan soo wada shaqeenay, waxaan ahay qofka kaliya ee dhaliili kara, nasiib ayaad leedihiin, hogaamiye Sheekh Aadanow safka koowaad iyo safka labaad waxa ka muuqda waa rag waxa sacbinayana waa dumar ma aqaan waxay ku faraxsanyihiin".

Address

Southweat State Of Somalia
Baydhabo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halbeeg tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Halbeeg tv:

Shortcuts

Share