Duurey Eemid TV

Duurey Eemid TV waad ku mahadsantahay kusoo biiritaanka Bogeena Duurey Eemid TV kusoo dhawoow bogeena Duurey Eemid TV

18/08/2025

Ģuuleysta

24/07/2025

Magacaabis Guddoomiye Ku-xigeen
Dhalinyarada Beesha Eemid
Taariikh: 24/07/2025

Guddoomiyaha Guud ee Dhalinyarada Beesha Eemid, Abdirizack Ali Hassan, anigoo ka duulaya baahida loo qabo in la dardargeliyo hannaanka hoggaamineed ee dhalinyarada beesha Eemid,

Waxaan si rasmi ah u magacaabayaa:

Mohamed Osman Issack

Guddoomiye Ku-xigeenka Dhalinyarada Beesha Eemid

Mudane Mohamed Osman Issack wuxuu xilkan u qaadayaa si buuxda oo sharci ah, wuxuuna noqon doonaa ku-xigeenka rasmiga ah ee guddoomiyaha guud. Waxaa laga filayaa inuu kaalin muuqata ka qaato:

Horumarinta iyo mideynta dhalinyarada beesha Eemid

Ka qeyb qaadashada go’aamada iyo qorsheyaasha ururka

Ku matalaada dhalinyarada munaasabadaha

Iyo gudashada waajibaadka kale ee xilka la socda

Waxaan rumeysanahay in uu noqon doono hoggaan karti leh, daacad u ah shaqada, kuna salaysan sinnaan, cadaalad iyo horumar.

Mahadsanidiin.

Abdirizack Ali Hassan
Guddoomiyaha Guud ee Dhalinyarada Beesha Eemid

BEENIN IYO DIGNIIN KU SOCOTA SHAQSIYAADKA WATA WARQADDA BEEN ABUURKA AH. Waxaan halkan si cad oo aan leexleexad lahayn u...
15/07/2025

BEENIN IYO DIGNIIN KU SOCOTA SHAQSIYAADKA WATA WARQADDA BEEN ABUURKA AH.

Waxaan halkan si cad oo aan leexleexad lahayn uga BEENINAYAA warqadan sida qaldan loogu faafiyay magaca dhalinyarada Beesha Eemid, taas oo lagu sheegayo in la magacaabay Maamul KMG ah.

Guddoomiyaha dhalinyarada Beesha Eemid wuu joogaa waana Abdirizack Ali Hassan mandate-kiisuna weli ma dhammaan.
Xilkiisa si buuxda ayuu u gudanayaa, waana mid lagu doortay si cad oo sharci ah.
Warqaddan la faafiyay waa been abuur, waxaana gadaal ka riixaya shaqsiyaad dano gaar ah leh oo aan metelin dhalinyarada guud.

Waxaa cad in ujeeddada warqaddan lagu sheegay Maamul KMG ah aysan aheyn mid xal raadis ah, ee ay tahay isku day lagu kala furfurayo midnimada dhalinyarada.

Waxaan digniin adag u diraynaa kuwa wataan qorshayaashan guracan:
Dhalinyarada Eemid ma kala go’i doonto. Maamulka jiraa wuu jooga, shaqadiisana wuu gudanayaa, taageerona wuu haystaa.

Dhammaan dhalinyarada Beesha Eemid waxaan ugu baaqeynaa in ay:

• Ka feejignaadaan been abuurta la faafinayo.

• Garab istaagaan guddoomiyaha rasmiga ah.

• Difaacaan sumcadda iyo midnimada dhalinyarada Beesha Eemid.

Dhamaad.

11/06/2025

🟩 Degmada Duurey Eemid: Dhul Barwaaqo iyo Qurux Eebe ku manaystay.

📍 Halkan waa bananka sare ee degmada Duurey Eemid – meel uu Eebbe sanadkan ku galaday nimco iyo barwaaqo.

🌧️ Roobabkii guga ayaa si deeqsinimo leh uga da’ay.

💧 Baliyada ama waraha waa buuxaan.
🌱 Beerahana waa kaalay iska arag waa aaran.
🐄 Xooluhuna waa irmaan yihiin.

Duurey Eemid maanta waa dhul ku habboon nolosha, dhaqaalaha iyo dalxiiska dabiiciga ah.

🫱 Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan reer Duurey Eemid – gudaha iyo dibaddaba – in ay booqdaan deegaankooda, ka qaybqaataan horumarkiisa.

Degmada Duurey Eemid dhul Eebe qurux iyo barwaaqo ku manaystay.

03/06/2025

OO AARAN AH EE AYNA HOOSTAGAAN TULADA UFUROW IYO QANSAXDHEERE 👍🤝🙏

 : Duurey Eemid ayaan war idinkaga haynaa halkan isha ku haaya.
07/05/2025

: Duurey Eemid ayaan war idinkaga haynaa halkan isha ku haaya.

  Anagoo ah baxda   📺 waxaaan halkaan tacsi tiraanyo leh ugu diraynaa dhaamaan beelwaynta Eemid meelkastoo ay jogaan gee...
17/04/2025

Anagoo ah baxda 📺 waxaaan halkaan tacsi tiraanyo leh ugu diraynaa dhaamaan beelwaynta Eemid meelkastoo ay jogaan geeridii kutimid (xasan sanbukur) oo katirsanaa ciidanka dowlada Koonfurgalbeed

Oo saakay ku geeriyooday degaal ka dhacay degaanka burjeedka ee gobolka baay

Wuxuu ahaa xasan geesi aan gaban inkastoo tii rabi kutimid waxan sidookle murugada laqaybsanaynaa qoskiisa iyo caruurtii uu kabahay gesigaan degankiisa difaacanayey

Allow unaxriis

SAWIR CUSUB   OO ROOBKII SANADKA KA CURTAY  EE AYNA HOOSTAGAAN TULADA UFUROW IYO QANSAXDHEERE 👍🤝🙏
10/04/2025

SAWIR CUSUB OO ROOBKII SANADKA KA CURTAY EE AYNA HOOSTAGAAN TULADA UFUROW IYO QANSAXDHEERE 👍🤝🙏

ASalaamu Calaykum Warraxmatullaahi Wa BarakaatuhuDhammaan muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambal...
29/03/2025

ASalaamu Calaykum Warraxmatullaahi Wa Barakaatuhu

Dhammaan muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynaynaa meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.

Alle waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo soonkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee aynu gudannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Walaallayaal, innagoo sii wadayna acmaashaa wanaagsan ee ay bixinta sadaqadu ka mid tahay, isla markaana ka duulayna waajibka saaran qof kasta oo muslim ah oo awooda inuu bixiyo sakaatul fidriga, waxaan idinku boorrinayaa inaan garab istaagno dadkeenna danyarta ah.

Ugu dambayn, waxaan Alle ka baryayaa inuu inagu gaarsiiyo ciiddan ciideeda camal wanaagsan iyo cibaado suuban.

Ciid mubaarak

Address

Duurey Eemid
Baydhabo

Telephone

+252613040678

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Duurey Eemid TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share