24/10/2025
Ruben Amorim kahor kulanka Brighton 🔴⚽
Macalinka Manchester United, Ruben Amorim, ayaa maanta shir jaraa’id kaga hadlay ciyaarta adag ee kooxda Brighton, xaaladda ciyaartoyda, iyo horumarka uu ku jiro mashruuca kooxda.
🗣️ Ruben Amorim oo ka hadlay guushii Liverpool:
“Waxaan isticmaaleynaa ruuxda iyo kalsoonida guusha aan ka gaarnay Liverpool.
Hase yeeshee, diiradda hadda waxa ay saaran tahay kulanka soo socda.
Wixii h**e waa la soo dhaafay maskaxdeennu waxay ku jirtaa ciyaarta soo socota.”
Ruben Amorim oo ka hadlay Bruno Fernandes
“Wax yar ayuu ka duwan yahay sida aan filayay markii h**e.
Marka uu niyad-jabo, sababtu waa niyad wanaag iyo masuuliyad uu naftiisa saaray.
Wuxuu si dhab ah uga xumaadaa marka aan guuldarreysano, wuxuuna u qaataa si shakhsi ah.
Bruno waa hogaamiye weyn oo qalbi adag.”
🗣️ Ruben Amorim oo ka hadlay qaab ciyaareedkii u dambeeyay:
“Ciyaarihii h**e waxaan diiradda saarnay feejignaan iyo faham ciyaareed.
Ciyaar walba waxaan ula qabsanaa sida ay u baahan tahay.
Liverpool gool degdeg ah ayaan ka dhalinnay, dabadeedna waxaan maamulanay ciyaarta qaab kale.”
🗣️ Ruben Amorim oo ka hadlay Harry Maguire:
“Harry waa ciyaaryahan muhiim noo ah.
Ma aha waqtigii aan ka hadli lahayn qandaraaskiisa, laakiin aad baan ugu faraxsanahay qaabkiisa.
Nidaamka saddexda daafac dhexe wuxuu si gaar ah uga caawiyaa inuu muujiyo tayadiisa.
Inkastoo uusan da’yar ahayn, haddana wuu sii baran karaa waxyaabo badan.
Waa ciyaaryahan weyn oo muhiim u ah kooxda.”
🗣️ Ruben Amorim oo ka hadlay Lisandro Martínez:
“Martínez si fiican ayuu u tababaranayaa, inkastoo uusan weli nala tababaranin.
Wuxuu dareemayaa caafimaad, waana dhow yahay inuu kooxda ku soo biiro.
Soo laabashadiisu waa mid dhow.”
🗣️ Ruben Amorim oo ka hadlay horumarka kooxda:
“Mararka qaar hal gool ama hal fursad yar xitaa 20 cm ayaa sheekadaada beddeli karta.
Tababare kasta oo aan guuleysan, shaki ayaa lagu keenaa.
Sidaa darteed waa inaan si cad u garano wadada aan ku socono.”
🗣️ Ruben Amorim oo ka hadlay Brighton iyo tababare Hürzeler:
“Brighton waa koox aad u adag, waa kuwo si qurux badan u ciyaara.
Waxay ku fiican yihiin kubadda dhiska, weerarrada degdegga ah iyo set-pieces-ka.
Waa koox dhisan oo dhamaystiran, sidaas darteed waa inaan ahaanno kuwo feejigan oo caqli badan.
Tababarahooda, Hürzeler, waa qof aan si weyn u qadariyo.
Waxaad si cad uga arkeysaa sida ay kooxdiisu u ciyaarto — waxay aaminsan yihiin habkooda xitaa marka cadaadis la saarayo.
Runtii, waxaan ahay taageere weyn oo shaqadiisa ah.”
🗣️ Ruben Amorim oo ka hadlay dhaawacyada kooxda:
“Kooxdu guud ahaan way wanaagsan tahay.
Waxaan leenahay shaki yar oo ku saabsan Maguire iyo Mount, laakiin ma aha dhaawacyo culus.
Martínez weli waa banaanka.”
🗣️ Ruben Amorim (Gunaanad):
“Guushu waa muhiim, laakiin waxa ugu muhiimsan waa inaan muujinno jihada iyo horumarka aan ku socono.” 🔴💫
-Abdikani Nouh