galyo Media

galyo Media waxaad kala socon kartaa wararka dhacdooyinka warka dibada kuwa dalka si uusan ku dhaafin Fallow dheh

21/08/2026

Gaalkacyo: 21 August 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray goobaha ay biyuhu fariistaan ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, oo ay ka socoto shaqo isugu jirta baneyn iyo dumin dhismayaal si loo sameeyo marin-biyoodyo ay biyuhu maraan. Waxaan goobahan h**e u calaamadeeyey injineerro baaritaanno ku sameeyey dhulka iyo marinnada biyaha ee magaalada Gaalkacyo.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in Madaxweynuhu xog-ogaal u noqdo shaqada iyo qorshaha biyo-saarka magaalada. Waxaana uu warbixinno ka dhegaystay guddoonka gobolka, maamulka degmada iyo taliska qaybta, kuwaas oo ku sugnaa goobaha ay ka socdaan hawlaha duminta iyo furista marin-biyoodyada.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada iyo hay'adaha ay khusayso inay ka qayb qaataan mashaaruucaan biyo-saarka Gaalkacyo, si loo helo magaalo nadiif ah oo leh hannaan biyo-saar oo casri ah, lana jaanqaadaysa dunida horumartay.

-DHAMMAAD-

Galyo Media 📍

PROF. JUXA Guddoomiyaha Xisbiga, ayaa ahna Musharrax Madaxweyne ee Dowladda Puntland 2029. “Puntland Hiigsi Cusub 2029.”
11/08/2026

PROF. JUXA
Guddoomiyaha Xisbiga, ayaa ahna Musharrax Madaxweyne ee Dowladda Puntland 2029.
“Puntland Hiigsi Cusub 2029.”

06/07/2026

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa lagu wadaa in maanta, 6-da Luulyo 2026, lagu caleemo saaro magaalada Baydhabo, kaddib doorashadiisii hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed.

06/07/2026

PUNTILAND STATE OF SOMALIA 🇸🇴 Apdirizak Abdullhi Jama

"Talada Puntland hal meel ayay ku ururtay, waxaana jira dad badan oo qaba in awoodda maamulka ay si weyn ugu koobantahay...
22/06/2026

"Talada Puntland hal meel ayay ku ururtay, waxaana jira dad badan oo qaba in awoodda maamulka ay si weyn ugu koobantahay Madaxweyne Said Abdullahi Deni."

20/05/2026
20/05/2026

Saraakiisha Ciidamada xooga Dalka ee fadhigoodu yahay Puntland iyo Wasiir Nuux oo maanta Xamar isku xog waraystay.

galyo Media

20/05/2026

Garowe Booliska oo Gaaray Goobta Shilka

galyo Media

Address

Baydhabo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when galyo Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share