Asal Cable Tv

Asal Cable Tv mudo kordhin

05/09/2026

Siyaasi Cabdifataax Maxamad Yuusuf Oo U Sharaxan Xil Golaha Degaanka Baladweyne Ayaa Manta Booqday Xarumaha Diwaan Galinta Baladweyne Baaqna U Diray Gudiga Doorashoyinka

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), isagoo tixgelinaya codsiga bulshada...
05/09/2026

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), isagoo tixgelinaya codsiga bulshada ku nool magaalada Beer-gadiid, ayaa faray Guddiga Doorashooyinka in degmada Beer-gadiid lagu daro magaalooyinka loo qorsheeyay in la gaarsiiyo agabka iyo shaqaalaha doorashada.

Tallaabadan ayaa bulshada degmada u suuragelinaysa in ay iyagoo jooga deegaankooda si xor ah uga qeyb qaataan doorashada, isla markaana codkooda dhiibtaan, taas oo qeyb muhiim ah ka ah hirgelinta geeddi-socodka Doorashada Qof iyo Cod.

Bulshada magaalada Beer-gadiid ayaa si weyn ugu mahadcelisay Madaxweyne Cali Guudlaawe tallaabadan, iyagoo sidoo kale bogaadiyay Isku-duwihii h**e ee Maaliyadda Gobolka Hiiraan, Mudane Ciiloow Joobane Cawaale, oo ka mid ah xubnaha maamulka ee kaalinta muuqata ka qaadanaya dardargelinta iyo hirgelinta geeddi-socodka doorashada Qof iyo Cod ee Hirshabeelle.

04/09/2026

School Cusub Oo Ka Holgalayan Macalimiin Ajaanib Uganda Iyo Kenyan Ah Oo Manta Laga Furay Baladweyne

Fff wariye Cabdi Nuur Cismaan Aadan

Sawirro laga soo qaaday guriga uu Doolow ka deganaa Taliye Mahad Shub oo h**ey usoo noqday taliyaha ciidanka asluuubta S...
04/09/2026

Sawirro laga soo qaaday guriga uu Doolow ka deganaa Taliye Mahad Shub oo h**ey usoo noqday taliyaha ciidanka asluuubta Soomaaliya ayaa muujinaya Burburka xoogan ee soo gaaray kadib duqeyn lagu sameeyay xalay.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa duqeyn lala beegsaday guri degmada Doolow uu ka dagan yahay Taliyihii h**e e...
04/09/2026

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa duqeyn lala beegsaday guri degmada Doolow uu ka dagan yahay Taliyihii h**e ee Ciidanka Asluubta Janaraal Mahad Cabdiraxmaan aadan waxaana la sheegay in Taliyaha iyo Qaar ka mid ah ehaladiisa uu dhaawac fudud soo gaaray qaar ka mid ah ilaalada Taliyaha ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen duqeyntan ay geesteen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee darone ka

Arintan ayaa guux ka dhex abuurtay baraha bulshada ay soomalida isugu timaado iyado la is weydiinayo sababta Taliyaha loo bartilmaameedsaday iyo Cida ka dambeysay duqeyntan

👀 Sida ay xogaha tilmaamayaan, Jubaland iyo Puntland ayaa Ciidanka Laftagareen ee ku sugan duleedka Baydhabo ku taageera...
03/09/2026

👀 Sida ay xogaha tilmaamayaan, Jubaland iyo Puntland ayaa Ciidanka Laftagareen ee ku sugan duleedka Baydhabo ku taageeray saraakiil, khuburo iyo hub, taas oo ciidanka siinaysa awood dheeraad ah oo ay ku wiiqaan maamulka Aadan Madoobe.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Axmed Madoobe uu Ciidanka Laftagareen ka caawiyey dhanka shidaalka, hubka iyo dareyska ciidamada, taas oo muujinaysa in xaaladda Baydhabo ay sii adkaan karto haddii aan xal laga gaarin.

Laftagareen oo ciidammo hor leh kusoo bandhigay duleedka Baydhabo, kuwaas oo sheegay in qabsan doonaan Baydhabo.
02/09/2026

Laftagareen oo ciidammo hor leh kusoo bandhigay duleedka Baydhabo, kuwaas oo sheegay in qabsan doonaan Baydhabo.

02/09/2026

Gudoomiye Ku Xigeenka Siyaasada Iyo Maaliyada G.Hiiraan Doorashada ka socoto Beledweyne Qofna ma Hor istaagi karo

Dadka reer Beledweyne ayaa si weyn u buux dhaafiyay goobaha diiwaangelinta dadweynaha ee doorashada qof iyo cod.Dadka re...
02/09/2026

Dadka reer Beledweyne ayaa si weyn u buux dhaafiyay goobaha diiwaangelinta dadweynaha ee doorashada qof iyo cod.

Dadka reer Beledweyne waxay muujinayaan baraarug, faham iyo garasho qoto dheer oo ku aaddan muhiimadda ay leedahay doorashada qof iyo cod.

Muddo dheer kaddib, shacabka reer Beledweyne waxay fursad u heli doonaan inay gacantooda ku doortaan qofka ay rabaan inuu matalo iyo xisbiga ay doonayaan inay taageeraan.

Doorasho qof iyo cod ah waa awoodda shacabka

Address

Beledweyne

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Asal Cable Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share