Asal Cable Tv

Asal Cable Tv mudo kordhin

04/11/2025

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) "Waddooyin badan ayaa dhismadooda ka wadnaa magaalada,

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga Dowladda Hirshabelle ayaa mashaariic ka kooban waddooyin Laa...
04/11/2025

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga Dowladda Hirshabelle ayaa mashaariic ka kooban waddooyin Laami ah iyo xaruumo Caafimaad oo laga fulay Beledweyne iyo Buula-burte maanta ku wareejisay Wasaaradaha kala ah Caafimaadka iyo Howlaha-guud ee dowladda Hirshabelle.

Mashaariicday oo bulshada Hirshabelle uga mahadceliyeen Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa qeyb -ka ah mashaariic badan oo ka fushay mashruuca SCRP oo kaabayaal lataaban karo kusoo kordhiyey Hirshabeelle.

Mashaariicda dhismahooda la dhameeyay ee maanta wasaaradda qorsheynta wareejisay ayaa kala aha Labbo xaruun Caafimaad oo laga dhisay xaafadaha Xaawo-taako iyo Howl-Wadaag iyo Waddo Laami ah oo 2-KM ah oo laga dhisay Xaafadda Howl-wadaag taasi oo isku xereeysa Beledweyne iyo Farlibaax.

Munaasabadda wareejinta mashaariicdaasi waxaa ka sugnaa Wasiirada kala ah Qorsheynta, Caafimaafka, Howlaha-guud, wasiirro kale xildhibaanno, guddoomiyaha gobolka Hiiraan madax kale oo maamulka kami ah saraakiisha amniga iyo qeybaha bulshada.

Madax iyo shacab munaasabadda ka hadlay ayaa u Mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

04/11/2025

Hadal-jeedinta: Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Mohamud Abdi Ali

04/11/2025

Hadal-jeedinta: Wasiir kuxigeenka Wasaardda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Dowladd Hirshabelle Abdirahman Abdi iidow

04/11/2025

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukumadda Hirshabelle Mudane Maxamuud Xasan Bariisa oo xariga la jaray Waddo Laami ah oo Dowladda Hirshabelle ka dhistay Xaafadda Howl-wadaag ee Beledweyne

04/11/2025

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed" Waxaan bogaadin mashaariicda laga fuliyay Beledweyne cid kasta oo dadka ree Hiiraan wax u qabani shuruud la'aan ayaa garab siin doonaa".

04/11/2025

Guddoomiyaha xusub ee gobolka Hiiraan oo la yimid wax qabad weyn durba lana wareegay waddo Laami ah oo la dhisay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-...
03/11/2025

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka (World Bank) ee Soomaaliya, Mudane Hideki Matsunaga.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo Bangiga Adduunka, gaar ahaan dhanka maareynta musiibooyinka, ka hortagga khataraha dabiiciga ah, iyo kor u qaadidda dadaallada horumarinta bulshada ee ay dowladda Soomaaliya wado.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Mudane Hideki Matsunaga, ayaa bogaadiyay horumarka iyo dadaalka joogtada ah ee SoDMA iyo guud ahaan hay’adaha dowladda, waxuuna ballanqaaday in Bangiga Adduunka uu sii wadi doono taageerada farsamo iyo tan maaliyadeed ee Soomaaliya u baahan tahay, si loo gaaro yoolka ah dhisidda bulsho adkaysi leh oo la tacaali karta musiibooyinka iyo isbeddelka cimilada.

Ugu danbeyn , Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono xoojinta awoodda dalka ee ka jawaabista iyo ka hortagga musiibooyinka.

03/11/2025

DAWWO Askari u dilay Charge Taleefan Askari kale

03/11/2025

Booliska Maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay eedeysanayaal dhawaan caruur iyo haweeney ku dilay deegaanka Guudoole,

03/11/2025

Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo si adag ugu hadlay taagnashada goobaha gaarka Nira.
Asal Cable Tv

Address

Beledweyne

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Asal Cable Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share