Xafiiska Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan

Xafiiska Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan, Media/News Company, Hassan Dhif Street, Beledweyne.

04/03/2025
Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Abuukaate Cabdiwaajid Shiikh Cumar Nuuriyow (Camba-gooy...
13/02/2025

Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Abuukaate Cabdiwaajid Shiikh Cumar Nuuriyow (Camba-gooye) oo dib ugusoo laabtay magaalada Beledweyne kadib safar shaqo uu ugu maqnaa magaalada muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada sida militariga, booliiska iyo nabadsugidda kaalinta muuqata ay ka qaateen nabad kusoo celinta magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Hay'adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka Hiiraan inay la shaqeeyaan Xafiiska Arrimaha Bulshada maadaama xafiisku yahay mid u adeega bulshada.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay Hay'ada Samafalka ee Islamic Relief inay ka shaqeyneyso masuqmaasuq, cadaalad darro iyo eex islamarkaana aysan ogoleyn inay si daahfuran ula shaqyso xafiiska Arrimaha Bulshada.
Ugu dambeyn gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in sharciga lala tiigsan doono Hay'adaha ka dhaga adeegga inay la shaqeeyaan xafiiska Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan..

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Arrimaha Bulshada
+252616043324

Xoghayaha Xafiiska Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Maxamed Xuseen ayaa ka q...
28/01/2025

Xoghayaha Xafiiska Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Maxamed Xuseen ayaa ka qeyb galay Tababar ku saabsan Awood-kordhinta Doorka Warbaahintu ku leedahay wax ka qabashada Takoorka lagu hayo dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa la haybsooco ee ka jira magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. .

Tababarkan oo socday muddo 2 Maalin ah waxaa iska-kaashaday Ururka SOMA, Hay'ada Qaramada midoobay ee qaabilsan xuquuqda aadanaha iyo xafiiska Qaramada midoobay ee caawinta soomaliya.

Xoghaya Xafiiska Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale la wadaagay xubnaha Hay'adaha qaramada midoobay muhiimada ay leedaahay wax ka qabashada Takoorka lagu hayo dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa la hayb-sooco si loo helo bulsho isku duuban oo wax wada qabasata kana shaqeysa horumarinta Deegaankooda.

Ugu dambeynti Xoghayaha ayaa u mahad celiyay dhammaan Hey’adaha soo qaban qaabiyay Tababarkan wuxuuna ka codsaday in la joogteeyo Tababarada Nuucaan ah oo kale si kor loogu qaado wacyiga bulshada.
DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xoghayaha Xafiiska ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Daadweyna Xafiiska Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan.
Cabdifitaax Maxamed Xuseen
Tell:+252618903553
https://www.facebook.com/share/p/12AptWFgjU1/

Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Abuukaate Cabdiwaajid Shiikh Cumar Nuuriyow (Camba-gooy...
17/11/2024

Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Abuukaate Cabdiwaajid Shiikh Cumar Nuuriyow (Camba-gooye) oo maalmahan isha ku hayay kororka biyaha wabiga shabeelle ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah tuulooyinka ku teedsan wabiga iyo meelaha ay biyaha kasoo fatahaan ee xaafadaha Magaalada Beledweyne.

Gudoomiye Cambagooye ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool Magaalada Beledweyne gaar ahaan qoysaska kunool wabiga jiinkiisa inay feejignaadaan oo aysan isdhigan.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay Hay'adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka Hiiraan inaysan muuqan waxqabadka iyo balanqaadyada ay sameeyaan xilliga fatahaada ay dhacdo islamarkaana aysan wada shaqeyn la Laheyn Xafiiska Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan.

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xoghayaha Xafiiska ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Daadweyna Xafiiska Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan.
Tell:+252618903553
https://www.facebook.com/share/p/12AptWFgjU1/

Gudoomiye Ku-xigenka Arrimaha Bulshada Gobalka Hiiraan Abuukaate Cabdiwaajid Shiikh Cumar (Cambagooye ) ayaa u magacaaba...
07/11/2024

Gudoomiye Ku-xigenka Arrimaha Bulshada Gobalka Hiiraan Abuukaate Cabdiwaajid Shiikh Cumar (Cambagooye ) ayaa u magacaabay Cabdifitaax Maxamed Xuseen Xoghayaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo isdhexgalka bulshada gaar ahaan dhalinyarada maadaama ay laf dhabar u yihiin horumarka iyo amniga gobolka.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Hiiraan inay la shaqeeyaan xoghayaha cusub si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir
Waaxda Warfaafinta Xafiiska Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan.

Gudoomiye Kuxigenka Arrimaha Bulshada Gobalka Hiiraan Shiikh Cabdiwaajid (Cambagooye ) ayaa maanta ka daah furay Magaala...
05/11/2024

Gudoomiye Kuxigenka Arrimaha Bulshada Gobalka Hiiraan Shiikh Cabdiwaajid (Cambagooye ) ayaa maanta ka daah furay Magaalada Beledweyne Tababar kusaabsan Isdhexgalka bulshada, joojinta istakoorida iyo Habdhiska isdhexgalka guud ee Bulshada Hirshabeelle.
Gudoomiye Cambagooye ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay isdhexgalka bulshada iyo in laga wada shaqeeyo Joojinta istakoorida bulshada dhexdeeda ah.

Ugu dambeynti gudoomiyaha ayaa u mahad celiyay dhammaan Hey’adda MRDO oo qabatay tababarkan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow iyo Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolk...
21/11/2023

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow iyo Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Abuukaate Cabdiwaajid Shiikh Cumar Camba-gooye ayaa kala Wareegay Hay'ada Maareeynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Gargaar loogu talagalay dadka uu saameeyay fatahaada uu sameeyay wabiga shabelle ee dhex mara magaalada beledweyne.

12/11/2023

Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Abuukaate Cabdiwaajid Cumar Nuuriyow Oo Wareesi Gaar ah Siiyay Radio kismaayo ayaa Ka Warbixiyay Fatahaad uu Sameeyay Wabiga Shabelle Ee Mara Magaalada Baladweyne,

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray ka Maamul ahaan in ay Wadaan dadaalo wax looga qabanayo fatahaada uu Sameeyey Wabiga.

04/11/2023

Gudoomiye Kuxigenka Arrimaha Bulshada Gobalka Hiiraan Shekh Abdiwaajid (Cambagooye ) oo Digniin udiray shacabka iyo Hey'adaha Ka Howlgala G/Hiiraan

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Gudoomiye ...
17/10/2023

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku Xigeenka Cusub ee Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Abuukaate Cabdiwaajid Shiikh Cumar Nuuriyow (Camba-gooye )

Soo dhaweyn kadib Gudoomiye Sufurow ayaa lawadaagay Gudoomiye ku Xigeenka Cusub Howlaha Baaxada leh ee Horyaala Xafiiska Arrimaha Bulshada iyo sida ugu haboon oo ay isaga Kaashan karaan

Sidoo kale Gudoomiye Camba-gooye oo ka mahad celiyay soodhaweynta Gudoomiyaha ayaa Balan qaaday inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono
Dhanka kale Gudoomiye Camba-gooye ayaa uga warbixiyay Gudoomiye Sufurow Kormeer saakay uu ku tagay goobo laga sameenayo biyo xireeno oo ku yaallo Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne

Ugu dambeyn Gudoomiye Sufurow ayaa kula dardaarmay Gudoomiye ku Xigeenka Cusub ee Arrimaha Bulshada Abuukaate Camba-gooye inuu ugu adeego Bulshada Gobolka Hiiraan si siman oo Cadaalad ah.

Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Abuukaate Cabdiwaajid Shiikh Cumar Nuuriyow (Camba-gooy...
17/10/2023

Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Abuukaate Cabdiwaajid Shiikh Cumar Nuuriyow (Camba-gooye) ayaa Maanta Kormeeray Goobaha ay ka socdaan Biyo xireenada Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne

Gudoomiye Camba-gooye oo dhawaan loo Magacaabay xilkan ayaa bilaabay dardargelinta howlaha muhiimka u ah Bulshada.
Sidoo kale wuxuu Bogaadiyay Hay'adaha Samafalka ee iska kaashanaya Mashaariicda Biyo Xireenada Magaalada Beledweyne.

Address

Hassan Dhif Street
Beledweyne

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xafiiska Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan:

Share