Mataban TV & Radio

Mataban TV & Radio Waxaan Halkaan kugula wadaagi Doonnaa Warar iyo Warbixino kala duwan.

08/12/2025

Guddoomiyaha Degmada Matabaan Mudane Maxamed Sheikh Maxamuud Dhoobeey Oo Ay Wehliyaan Gudomiye Ku-xigenka Degmada Abdikafi Shire Colaad Iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Matabaan ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhalinyarada degmada Matabaan oo ay hor kacayeen gudoonka dhalinyada ee degmada .

Kulanka oo ka dhacay xarunta degmada waxa lagu gorfeeyay doorka dhalinyarada ee horumarinta nabadda, amniga, iyo kobcinta adeegyada bulshada.

Guddoomiyuhu wuxuu dhalinyarada ku boorriyay inay ka shaqeeyaan ilaalinta ammaanka, nadaafadda deegaanka, iyo ka qayb-qaadashada barnaamijyada horumarineed ee degmada. Sidoo kale, wuxuu xusay in maamulka degmada uu mar walba diyaar u yahay la shaqeynta dhalinyarada islamarkaana uu dhiirrigelinayo fikradahooda iyo hindisayaashooda horumarineed.

Dhalinyaradii ka soo qayb-gashay kulanka ayaa dhankooda soo bandhigay aragtiyo, talooyin iyo caqabado ay la kulmaan, iyagoo ka codsaday maamulka in la xoojiyo fursadaha shaqo abuurka, waxbarashada, iyo ciyaaro.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Degmada Matabaan uu ku xoojinayo wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda hoose iyo dhalinyarada degmada.

07/12/2025

GUDOMIYAHA DEGMADA MATABAAN MUDANE MAXAMED SHEIKH MAXAMUUD DHOBOY OO SHIR LAQAATAY URURKA HOOYOYINKA DEGMADA MATABAAN

Matabaan, Axad, 7/December/2025
Gudomiyaha Degmada Matabaan, Mudane Maxamed Sheikh Maxamuud Dhobooy, Oo Ay Wehliyaan Gudomiye Ku-xigenka Degmada Abdikafi Shire Colaad Iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Matabaan ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Ururka Hooyooyinka Degmada Matabaan, kaas oo looga hadlayay arrimo la xiriira horumarinta bulshada, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, nadaafadda deegaanka, iyo ka qeyb qaadashada hooyooyinka nabadeynta iyo horumarka degmada.

Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray doorka muhiimka ah ee ay hooyooyinku ku leeyihiin kobcinta bulshada, ilaalinta nolosha carruurta, iyo sare u qaadista wacyigelinta ku saabsan arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo nabadda.

Guddoomiyaha Degmada ayaa uga mahadceliyay hooyooyinka dadaalkooda joogtada ah, isla markaana ballan qaaday in maamulka degmada uu si buuxda ula shaqeyn doono ururkooda, kana taageeri doono barnaamijyada horumarineed ee ay bulshada u Hayaan

Dhankooda, xubnihii Ururka Hooyooyinka Degmada Matabaan ayaa soo dhoweyay dadaallada maamulka, iyagoo ka mahadceliyay fursadda ay u heleen in ay si toos ah ula wadaagaan talooyin iyo aragtiyo la xiriira baahiyaha haweenka iyo qoysaska ku nool degmada.

Ugu dambeyn, waxaa la isku afgartay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhex mara Maamulka Degmada iyo Ururka Hooyooyinka, si loo gaaro horumar bulsho oo waara.

-DHAMAAD
Wixii Faah-Faahin Ah Kala Xariir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
Dowladda Hoose Ee Degmada Matabaan - Hirshabelle.

06/12/2025

GUDDOOMIYAHA DEGMADA MATABAAN MUDANE MAXAMED SHEIKH MAXAMUUD DHOBOOY OO SHIR LA QAATAY HAY’ADAHA SAMAFALKA EE KA HOWLGALA DEGMADA MATABAAN

Matabaan, Sabti, 6/December/2025 –
Guddoomiyaha Degmada Matabaan, Mudane Maxamed Sheikh Maxamuud Dhooboy, ayaa shir la qaatay hay’adaha samafalka ee ka howlgala gudaha degmada Matabaan.

Guddoomiye Dhooboy ayaa ugu horreyn ka dhageystay hay’adaha warbixin ku saabsan heerka ay marayso xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta Degmada Matabaan iyo deegaannada hoos yimaada.

Dhageysi kadib, Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyay hay’adaha samafalka doorka ay ka qaadanayaan la tacaalidda iyo ka hortagga dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka jira degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

Ugu danbeyn, Eg. Dhooboy ayaa hay’adaha uga digay inay iska ilaaliyaan wax kasta oo keeni kara iskahorimaad bulsho iyo Mid maamul, gaar ahaan musuqmaasuqa iyo wax is-daba-marinta Si Bulshada Loogu Adeego Cadaalad

-DHAMAD-

04/12/2025

GUDOOMIYAHA DEGMADA MATABAN OO SHIR LAQATAY INJINEERO KASOCDAY HAY,ADDA IOM

Mataban, Khamiis, 4/December/2025, Gudomiyaha Degmada matabaan Mudane maxamed Sheikh Maxamuud Dhooboy
Oo Xafiiskiisa shir Kulaqaatay Injineero Kasocday Hay,adda IOM

Shirkaan Oo diiradda Lagu Saray Adkeynta Xiriirka Soo jireenka ah Ee Udhexeeya Maamulka Degmada Mataban Iyo Hay,adda IOM

Shirku Intuu socday Waxaa laysku soo hadal- qaaday Mashaariicda Kahirgashay Degmada Matabaan Iyo Kuwa Hadda socda

Mas,uliyiintii Kasocotay Hay,adda IOM Oo Dhankooda Uga mahadceliyay Gudomiye Dhoboy Sida Deg Dega ah Ee Uu Isaga Xil-Saaray Socodsiinta Mashaariicda Hormarineed Ee Degmada Matabaan


Ugu Danbeyn Engineer Dhooboy
Oo Dhankisa Hadlay Aya kudheeraaday Muhiimadda Ay leedahay Wadashaqeynta Mamulka Heer Degmo iyo Ha,addaha kashaqeeya Arrimaha Samafalka iyo horumarinta
Si Meesha Looga Saaro gaabis Kasta Oo Ku Imaan Kara Mashaariicda Socota.

Sawiiro dusha sare ee Garoonka kubadda cagta ee degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
05/02/2025

Sawiiro dusha sare ee Garoonka kubadda cagta ee degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

"Tartanka Cayaaraha ee Nabadda  Isdhexgalka Dhalinyarada Hirshabelle"Waxaa maanta si rasmi ah u furmi doona tartanka kub...
26/01/2025

"Tartanka Cayaaraha ee Nabadda Isdhexgalka Dhalinyarada Hirshabelle"

Waxaa maanta si rasmi ah u furmi doona tartanka kubadda cagta oo u dhexeeya kooxo ka kala dhisan gobolka Hiraan. Tartankan ayaa waxaa martigelinaya degmada Mataban.

Ciyaarta Furitaanka:

* FC. Matabaan vs FC. Deefoow

Ku soo dhawaada tartanka, oo la wadaag farxadda!

31/10/2024
31/10/2024
23/10/2024
06/10/2024

Address

Beledweyne

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252682320651

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mataban TV & Radio posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category